Somali Medical Forums
January 08, 2009, 08:45:54 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VIDEO: Medical doctors graduated in Somalia
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Some advice needed  (Read 361 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
Sumayya
Full Member
***

Points: 0
Offline Offline

Location: Finland
Posts: 63



« on: October 09, 2007, 05:01:43 PM »


Salaama Caleikum

I have a question for the doctors. Here, in the west there alot of somali ppl who are been found diabetes type 2, low hemoglobine and lack of vitamiin c and D, high colesterol and so on. I was wonderding if you could give them some kind of advice  in somali language so i can give them forward.
Logged
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« Reply #1 on: October 10, 2007, 03:15:01 AM »

Walaal sumaya, inkastoo cudarada aad sheegtay ay u baahanyihiin mawduucyo gooni ah ahmiyada ay leeyihiin darteed lakin halkaan waxaan isku dayayaa inaan ku sheego dardaaranka aad siin laheed bukaanada qaba cuduradaas:

1- Sokorowga ama Sonkorta:
Haddii aad qabtid sonkor/sonkorow, xakamee sonkorta dhiiggaaga ee sareysa adiga oo raacaya qorshe daweyn sonkor/sonkorow:
• Raac qorshahaaga cuntada.
• U qaado insulintaada iyo kininiinkaaga sida lagu faray.
• Baadh sonkorta dhiiggaaga marrar badan oo natiijooyinka meel ku qoro.
• Raac jadwalkaaga firfircoonida ama jimicsiga.
• La xidhiidh dhakhtarkaaga haddii aad isku aragtid saansaan ah sonkor dhiig oo sareysa.
• Raac qorshahaaga maalinta aad jiran tahay haddii aad jirato.
• Ilaali nadaafada jirkaaga (Lugahaaga u i nadiifi sida wajigaaga oo kale).
Haddii aan la daweyn, sonkorta dhiig ee sareysa waxay keeni kartaa kooma (coma) iyo xitaa geeri.

2- Vitamin "C" oo yaraada:
Vitaminkani ama "Ascorbic acid" haduu jirku ku yaraado waxay keenan waxa loo yaqaano "Scurvey" oo calaamadahiisa ay ka mid tahay dhiig oo ka yimaada ciridka ama sanka.
Marka bukaanka uu ku yaryahay vitaminkani waxa lagula dardaarmayaa inuu cuno khudaarta iyo faakihada sida bagalka, ansalaatada, basasha, barbarooniga iyo yaanyada.

3- Vitamin "D" oo yaraada:
Diyaarinta vitaminkani si uu uga faaideysto jirka waxaa ka qeyb qaata ileyska qoraxda, sidaa darteed waxa uu ku badanyahay dadka aan helin qorax ku filan ama ilmaha laga ilaaliyo inay guriga ka soo baxaan.
Marka ka hortaga cudurkani waa in ilmahaaga ay helaan qorax ku filan.
hadii aad la jiratid cudurkani waxaa dhakhtarkaagu kuu qorayaa kaniiniyaal kuu korniyada vitaminkaas.
siyaabaha kale oo vitaminkan jirku ugu yaraado waxaa ka mid ah iyadoo in kugu filan aadan qaadan, kilyaha oo aad ka jiratid iyo iyadoo laga soo dhuuqi waayay xiidmaha caloosha jirro jirto awgeed.

4- Hemoglobinka oo yaraado:
Halkaan ka akhriso "Dhiig Yari".

5- Cholestrolka:
Cholestrolka waa nooc ka mid ah xeyrta oo jirku sameeyo una baahanyahay, haduu jirku ku bato waxa uu fadhiisanayaa xidida khaas ahaan kuwa yaryar sida kuwa quudiya wadnaha iyo kuwa maskaxda, markaasina uu joojinayaa dhiig socodka.
cholestrolka wuu qeybo badanyahay, qaar fiican iyo qaar xunba wuu leeyahay.
cholestrolka si uusan jirka ugu badan waa inaad ka fogaataa cuntada uu ku badanyahay sida ukunta, beerka iyo kilyaha.
aadna cuntaa cuntada laga helo xeyrta fiican sida buskutka, doolshaha, hilibka gaduudan iyo labeenta.
tan kale waa inaad jimicsi sameysaa oo aad socsocotaa.

Mawduucyadaan iyagoo faahfaahsan ayaan soo qori doonaa
Wixii su'aal dheeraad ah halkaan ku weydii

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Sumayya
Full Member
***

Points: 0
Offline Offline

Location: Finland
Posts: 63



« Reply #2 on: October 11, 2007, 05:21:03 PM »


Salaama Caleikum

Jazallah Khair brother for the advice i will tell them forward Smiley
Logged
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Unsolicited Advice, : How to Apply for a Faculty Job Medical jobs Mankay 0 265 Last post October 01, 2007, 10:00:34 AM
by Mankay
Advise needed Questions, Exams & Study tips med_student 8 282 Last post July 12, 2008, 05:22:55 AM
by Munim
NEED ADVICE- HELP BROTHERS AND SISTERS! I want to Study Medicine Hodan0708 9 385 Last post December 29, 2008, 07:36:36 PM
by Mohamed Ismail
Somali Medical Interpreters Needed Medical jobs Pacific Interpreters 0 58 Last post November 12, 2008, 11:32:45 PM
by Pacific Interpreters
To take more drugs opposite to Doctor's advice is not remedy for you !! Medical Stories and Jokes Mohamed Ismail 0 20 Last post December 26, 2008, 05:40:50 PM
by Mohamed Ismail
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page Yesterday at 07:54:26 AM