Somali Medical Forums
January 08, 2009, 04:04:21 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Su'aal (Qomanka)  (Read 369 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
Fitaax
Newbie
*

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Field: information technology
Posts: 1



Email
« on: May 18, 2008, 12:57:07 AM »

a/c waraxmatulaahi wabarakaatu hu

walaallayaa waxaan hawada idiin soomarinayaa salaamn qaali ah waana salaanta islaamka walaalla yaal bacda salaan waxaan doonayaa in wax aan ka ogaado sida ugu wanaagsan ee loo daweeyo qomanka iyo xanuunka ku dhaca
Logged
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« Reply #1 on: May 19, 2008, 01:10:57 AM »

Qomanku waa cudur cune oo ay keento bakteeriyo ama fayras.
Bakteeriyadu waxaa faafiya dhibco ka yimaada sanka ama cunaha ee qof qaba strep. Tani waxay inta badan dhacdaa waqtiga bilaha qaboobaha marka dadku ay guryaha ku wada jiraan. Waxaad strep-ta cunaha ku qaadi kartaa 2-7 maalmood ka dib markaad la joogtay qof qaba cudurka.

Calaamadaha Quunka:
• Qandho ka sarreysa 101° F ama 38 °C
• Qar-qaryo
• Cuna xanuun
• Liqidda oo ay dhibaato ku timaaddo
• Qoorta oo bararta
• Neefsashada oo dhibaato noqota
• Kor xanuun
• Cunto cuni waayid
• Lalabbo ama matagid
• Calool xanuun Qumanka iyo dhinaca danbe ee cunaha ayaa laga yaabaa iney guduud u ekaadaan ama bararaan, oo dhibco caddaan ama jaalle ah oo maal ah yeeshaan.
Xaalado dhif ah qaarkood ayaa cudurka quumanka laga yaabaa inuu keeno sun sababta finiinic guduudan oo uu maqaarka jirku yeesho. Finiinicaan waxaa loo yaqaannaa qandhada cas ee ifeysa.

Daryeelkaaga Takhtarkaagu wuxuu dhinaca danbe ee cunahaaga ka fiirin doonaa guduudasho, barar, iyo dhibco cad ama jaalle ah. Baaritaan bakteeriyada strept oo deg deg ah ayaa laga yaabaa in la sameeyo iyadoo dheecaan laga qaadayo dhinaca danbe ee cunaha si strep looga hubiyo. Natiijooyinku waxay badanaa diyaar ku noqdaan muddo 10 daqiiqadood gudahooda ah.

Hadii lagaa helo strept waxaa lagu siin doonaa antibiotik kaniini ah ama cirbid hal mar lagugu duri doono.
Hadii quumanku ay noqdaan mid soo noqnoqda oo dhibaato u keena khaas ahaan ilmaha waa laga gooyaa.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan cuno xanuunka http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=504.0

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page December 28, 2008, 02:23:34 PM