Somali Medical Forums
January 08, 2009, 04:08:59 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Su'aal ku saabsan kaadi ku dhaga (BPH)  (Read 365 times)
0 Members and 2 Guests are viewing this topic.
Aiman
Newbie
*

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Field: Nursing
Posts: 3



Email
« on: May 15, 2008, 07:37:29 PM »

salaan kadib .
marka ugu horeysa waxaan dhamaan dhakhaatiirta somaliyeed ee noo furtay ama inoo sameysay WEB. somalidoc aan ugu hanbalyeynayaa horu marka wanaagsan ee ay gaadhsiiyeen aqoontooda una caawinayaa inta u baahan caawimaada .
Anigoo dhihi kara dadka sida khaaska uu faaido lama huraan ah u yahay kalkaaliya yaasha anigoo kale ah .
 waxaana dhihi lahaa ALLE haidinka ajirsiiyo
Hadaan u gudbo su aasha aan qabo ayaa ah
1: WAA MAXAY BPH
2: MIYAY JIRAAN WAX LA DHIHI KARO WAA AY SABABTAA
3: MA LEE YAHAY DAAWO
4: QALIIN KIISA WAA IMASA NOOC
5: MA KANSARBAA(CA)
6: MUXUU QOFKU KU GARAN KARAA INUU QABO XANUUNKAAS .
Anigoo doonaya inaan helo aqoon ahaan dhamaan wax yaabaha ku saabsan BPH ama wax raga inta badan da'da ah ku xidha kaadida
AAKHIRU KALAAM   shukran  Huh
Logged
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« Reply #1 on: May 16, 2008, 07:15:54 PM »

Borastayt waa qanjir la xirira galmada oo laga hello ragga. Qofka weyn oo lab ah qanjirku wuxuu le’ekaanayaa qiyaasta iniinta miraha. Wuxuu ku yaallaa kaadi haysta hoosteeda, salka guska wuxuuna waxyar ka horeeyee saxara-mareenka (malawadka).
Wuxuu sameeyaa qaar ka mid ah dareere ku jira shahwada.

Borastaytku wuxuu leeyahay god dhuuban oo dhexda ku yaalla. Tuubada (kaadimareenka) faaruqisa kaadida oo ka timaada kaadi haysta ayaa marta godkaan markay ku socoto dhamaadka guska.

Borastaytka markuu bararo wuxuu keenaa cadaadis uu ku sameeyo tubada (kaadimareenka) faaruqisa, kaasoo qofku isku arki karo calaamadahaan hoos ku qoran, dhibaatadaan ayaa lagu magacaabaa (Benign Prostate Hyperplasia) oo ah macnaheeda "Bararka prostaytka ee aan kansarka aheyn"

Sidee ku ogaanayaa inaan qabo BPH?
Raggu, markay sii weynaadaanba (wixii ka weyn konton), waxay yeellan doonaan dhibaatooyin la xiriira borastaytka.
Waxaad dhibaato kala kulmaysaa kaadinta. Waxaa laga yaabaa inaad yeellato dhamaan ama qaar ka mid ah isbedeladaan:
• Inaad ku dhibaatooto bilaabida kaadinta, khaasatan markaad degdegsan tahay.
• Inaad ku dhibaatooto joojinta kaadida.
• Inay kugu qaadato waqti inaad kaadido, sababtoo ah kaadi marenka ayaa daciifa, ama marna waa istaagaysa marna waa bilaabmaysaa kaadidu.
• Kaadida ayaa da’aysa markaad dhamayso kaadida ka dib.
• Aadida musqusha oo badan maalinimada, in kastoo aanay jirin kaadi badan oo samaysmaysa.
• Habeenkii oo aad kacdo si aad u kaadidu, halka aad iska seexan jirtay. Taas ayaa kaa dhigaysa qof daalan oo aan caadi ahayn.
• Adoo mar walba raba inaad degdeg u gasho musqusha ama u kaadido.
• Dareemida in aadan weli kaadidii dhamayn, in kastoo aan waxba kaa soo baxayn.
• Kulayl ama xanuun ay kugu qabanayso kaadidu markaad kaadinayso.
• Marmarka qaarkood, dhiig ayaa ku jira kaadida. Arrintaan waa in mar walba dhakhtar eegaa.

Haddii aad qabto dhibaatooyinkaan kuwa ka mid ah, arag dhakhtarkaaga. Ha u qaadan inay qayb ka yihiin gabowga ama is badal cimillo—daawaynta saxda ah ayaa ku caawimi karta.

Maxaa keena BPH?
Boqolkiiba 90 dhibaatooyinka borastaytku markay dhacaan waxaa leh borastaytka isaga ayaana ballaarta kaas oo riixa kaadi-mareenka. Midaan waxaa loogu yeeraa Benign Prostatic Hyperplasia ama BPH waxaa keena isbedel ku dhacay hoormoonka borastaytka.
Tani waxay wax yeeshaa qiyaas ahaan boqolkiiba 50 ragga ka weyn konton mana aha kansar.
Mararka qaarkod bararka borastaytka waxaa dhalin kara infakshan loogu yeero prostatitis ama caabuq ku dhaca borastaytka, kaas oo la mid ah BPH laakiin wuxuu u badan yahay dadka dhalinta yar.
Xassuuso—dhibaatooyinka borastaytku maaha kansar, badankoodna waa la daaweyn karaa.

Sidee loo baaraa BPH?
Ugu horayn, dhakhtarku wuxuu u baahan yahay inuu hello waxa sababta u ah dhibta. Baaritaanada la sameeyana waxaa ka mid ah:
  • Digital rectal examination (baaritaan qofka malawadka lagaga samaynayo): Dhakhtarku wuxuu gelinayaa far galoof ku jiro saxaramareenkaaga (malawadka) si uu u dareemo inta uu le’eg yahay brostaytka, qaabka iyo sida uu u adag yahay ama u jilicsan yahay borastaytku.
  • Prostate specific antigen test (PSA): Kani waa dhiig laga qaado qofka si loo eego waxaa loogu yeero PSA, kaas oo uu sameeyo borastaytku. Haddii dhiigu aad u sarreeyo, waxaa laga yaabaa inaad qabto borastayt kansar—laakiin dhakhtarku wuxuu samayn doonaa baaritaano badan si uu u xaqiijiyo.
  • Biopsy (cad lagaa gooyo si loo baaro): Haddii baaritaankaaga PSA-gu uu yahay mid aan caadi ahayn (digital rectal examination), waxaa laga yaabaa in dhakhtarku kuu xawilo qof ku takhasusay qaybtaan (urologist). Dhakhtarkaan takhasuska ahi wuxuu soo jeedin doonaa in cad lagaa gooyo, waxaana la gelinayaa malawadka si loo hello meello aan caadi ahayn oo k amid ah borastaytka. Sambalada (badanaa lix ama ka badan) oo ka mid ah borastaytka ayaa loo diraa sheybaar si baaritaan siyaada ah loogu sameeyo.
    Badanaa qofka lama suuxiyo marka la samaynayo hawshaan. Dhakhtarka ayaa kula socodsiin doonaa arrintaan. Cad-goyntu waa sida ugu saxsan oo lagu sheegi karo haddii aad qabto kansarka borastaytka.
    Cad goyntu waxay muujisaa hadday u baahan tahay daawayn, xawliga kororka ee kansarku ku socdo iyo ilaa inta kansarku fiday.

Sidee loo daaweeyaa BPH?
Tani waxay ku xiran tahay waxa dhibtaadu tahay iyo siday u liidato. Dhakhtarkaag ayaa dooran doona habka ugu fiican oo wax loo qaban karo. Haddii borastaytkaagu aad u weyn yahay taas macneheedu maaha inaad qabto borastayt kansar.

Tan waxaa lagu dawayn karaa daawo ama qaliin.
Daawooyinku waxay bedeli karaan heerka hoormoonka, ama waxay debcin karaan ama shuuqin karaa borastaytka si aanu u cadaadin tuubada kaadida ama kaadi mareenka.
Waxaa laga yaabaa inaad daawadaas wado dhowr bilood ka hor inta xaalladaadu aanay ka soo rayn. Waxaad u baahan doontaa inaad qaadato daawada ilaa astaamaha la xakamayn karo, dhakhtarkaaguna joogto kuula socdo.
Qaliin ayaa laga yaabaa in la isticmaalo si loo gooyo qayb borastaytka ka mid ah, si loo joojiyo inay riixdo kaadi mareenka. qeybaha qaliinka waxaa ka mid noqon kara in la adeegsado qalab lagaliyo tubada kaadi mareenka illaa laga gaarayo borostaytka kadib cad yar laga gooyo si cadaadiska kadai mareenka ku hayo u yaraado, ama in la weyneeyo dhexroorka tubada kaadi mareenka, ama in la deegsado qaliin furan ama laser.

Haduu jiro  caabuqid borostaytka ah Kan badanaa waxaa lagu daweeyaa antibaayootikis.
Waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad qaadato antibaayootikis bila badan. Ragga qaarkiis ayaa laga yaabaa inay u baahan yihiin qaliin si ay u joojiyaan bararka borastaytka ee riixya kaadimareenka.

Hadii aad qabto su'aalo dheeraad ah waad waydiin kartaa.
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Kaadi Sonkorow (Diabetes) Cudurrada Guud SomaliDoc 0 494 Last post October 16, 2007, 11:31:54 AM
by SomaliDoc
Kaadi Sonkorowga Waqtiga Uurka Cudurrada Haweenka SomaliDoc 0 326 Last post January 07, 2008, 09:30:11 PM
by SomaliDoc
Kaadi-Saarista (Dialysis) Qaybta Wacyi Galinta SomaliDoc 0 101 Last post August 18, 2008, 08:32:59 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page December 31, 2008, 11:35:24 AM