Somali Medical Forums
July 29, 2010, 10:26:02 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: INFO: If you are working in Somalia, Click here
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Su'aal: Low Sperm daawo ma leeyahay?  (Read 657 times)
0 Members and 2 Guests are viewing this topic.
Ifraax
Newbie
*

Points: 0
Offline Offline

Gender: Female
Field: hzvnn
Posts: 9



« on: August 20, 2009, 02:25:43 PM »

asc dhaman Dr somaliyeed ee wabkan sifican dadka uugu sacid

Salaam kadib waxaan rabilaha in aad iisheeg hadii ninka ragi ah leyahay low sperm ma waxaa jirto wax daawo ah oo lasiiyo oo kor u soo qaado sperm kiisa misa qofkii sidaas ayuu adanayaa oo wax lagu caawin karo ma jirto
Mahad sanidiin
Logged
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 522


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« Reply #1 on: August 29, 2009, 11:58:30 AM »

Waa maxay Low sperm count?
Low sperm count (Oligospermia) waxaa loo yaqaanno Xaw-yari waxay ka mid tahay waxyaabaha keeno in raggu madhalays noqdaan.
Waxaa la dhihi karaa qofka wuxuu qabaa xaw-yari markii 1ml of manidiisa ah laga hel0 in ka yar 20 million oo xaw ah (sperm).
Waxaa badanaa la isku qaldaa xaw-yari (Low sperm) iyo Mani-yari (Low semen).|
Mani-yari waa biyaha ragga oo yar, xaw-yarina waa unugyada abuurka ragga oo u qaabilsan bacriminta ugxanta oo yar.
Mani-yarida wuu ogaan karaa qofka laakiin in xaw-yari jirto ma ogaan karo illaa inta laga baarayo oo sheybaar la geeyo manida ka dibna la tiriyo meeqo xaw ayaa ku jirta halkii 1ml oo mani ah.

Maxaa keeno xaw-yarida?
Xaw-yarida waxaa keeno dhawr xaaladood oo ay ka mid tahay, cudurro, daawooyin, hormoonnada iyo vitaminnada qaar oo yaraado.

Waxyaabaha keeno xaw-yarida waxaa ugu horreeya kuwaan:

1- Dhibaatooyin la xiriira samaysanka xawada, kuwaanoo ku dhaca dadka ku dhasha iinta (hidda-socod).

2- Xaniinta oo dhaawacanta waxay keeni kartaa xaw-yari ama xaw-la'aan.

3- Nafaqo darrida waxay keentaa xaw-yari weliba markuu jirka ku yaraado curiyayaashaan (Zinc, Selenium, Vitamin C IWM)

4- Kuleel siyaado ah oo gaaro xaniinta sida Saunas-ka lagu qubeysto ama biyo aad u kulul oo ku istinjooto.

5- Sigaar cabidda waxay keentaa xaw-yari.

6- Daroogada sida Cocaine iyo Marijuana waxay yareeyaan xawada 50%.

7- Khamriga sidoo kale wuxuu dilaa xawada sidaa darteed dadka aad u cabo waxay u keentaa xaw-yari.

8- Waxaa jiro daawooyin badan oo keeno xaw-yari sidaa darteed daawo ha qaadan adigoo kala tashan dhakhtar.

9- Sunta iyo shucaaca waxay aad u yareeyaan xawada.

10- Xaw-yarida waxay ku badantahay oo kale ragga aadka u cayilan.

11- Welwelka iyo fikirka wuxuu keenaa xaw-yari.

12- Arooriyaasha xiniinyaha oo barara (Varicocele) waxay keenaan xaw-yari iyo madhalaysnimo.

13- Waxaa kaloo la sheegaa in baaskiil wadowga muddada dheer uu keeno xaw-yari maadaada korsiga baaskiilka uu cadaadis joogto ah ku hayo xidada iyo neerfaha ku shaqo leh xawada.

14- Waxaa kaloo xaw-yarida laga qaadaa in qofku uu gacantiisa biyo isaga keeni jiray in muddo ah taasoo loo yaqaanno (Siigeysasho)

Sidee loo daaweeyaa xaw-yarida?
Sida aan kor ku soo xusnay daaweynta xaw-yarida waxa ay ku xirantahay waxa keenay, sidaa awgeed waxaa muhiim ah haddi adiga iyo lamaanahaada aad ka cabanaysaan madhalaysnimo in aad la tashataan takhtar maxaa yeelay waxaa keeni kara dhawr dhibaato oo kala duwan.
Midda kale xaw-yarida qofku ma sheegi karo mana dareemi karo illaa in baaritaan sheybaar lagu sameeyo.
Haddii aad xaw-yari lagugu sheegay baaritaan sheybaar ka dib waxaad kaalmaati ahaan u sii samayn kartaa adigoo la kaashanaya dhakhtar waxyaabahaan soo socda:

1- Caafimaadkaaga ku dadaal, cun cunno isku dheellitiran iyo khudrad.

2- Jimicsi joogto ah sameey

3- Yarey diiqada iyo welwelka

4- Miisaankaaga hoos u dhig

5- Jooji isticmaalka sigaarka, tubaakada, khamariga iyo maandooriyaashaba.

6- Ha isticmaalin daawo uusan dhakhtar kuu qorin ama aadan kala tashan.

7- Waa in laga fogaadaa gacanta oo biyo la isaga keeno

8- Ka fogow in aad gashato dhar aad kugu dhagan sida jiinisyada qaar.

9- Iska ilaali in aad ku qubeysato biyo aad u kulul ama aad dhex fadhiisato.

Waxaa jiro kaniini loo yaqaanno kobciye xaweed (Semen enhancement pill), inta aadan isticmaalin daawadaan waa in aa fikrad ka heysatid shirkadda soo saartay maxaa yeelay shirkado aad u badan oo aan la garaneyn oo xayeysiiya kaniiniyadaan ayaa jira taasoo haddii lagu dagdago dhibka kuu kordhin karata.
Midda labaad inta aadan kaniiniga isticmaalin kala tasho takhtar in aad u baahantahay iyo in kale iyo waliba sida aad u isticmaaleysid.

Haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah oo ku saabsan qoraalkaan waad na sii weydiin kartaa

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Garashada Sonkorowga (Diabetes) Cudurrada Guud SomaliDoc 9 2928 Last post June 04, 2008, 10:45:32 AM
by SomaliDoc
Cudurka sokorta daawo ma leeyahay ??????? Qaybta Wacyi Galinta Terror man 0 858 Last post May 27, 2009, 02:42:50 PM
by Terror man
Su'aal: Waa Maxay Prostate Cancer, Daawose ma leeyahay? Qaybta Su'aalaha Saiid6666 1 456 Last post August 05, 2009, 11:40:59 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Daawo jilciso tolliinka Qaybta Su'aalaha Ashwaaq 4 548 Last post October 05, 2009, 09:00:25 AM
by Ashwaaq
Su'aal: Cudurka AIDS-ka daawo ma loo helay? Qaybta Su'aalaha Dalab 1 202 Last post December 19, 2009, 07:05:05 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.11 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page Yesterday at 08:07:46 PM