Somali Medical Forums
July 29, 2010, 10:28:33 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VIDEO: Medical doctors graduated in Somalia
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Waa maxay cudurka (Prurigo Nodularis)?  (Read 3448 times)
0 Members and 2 Guests are viewing this topic.
Saiid6666
Newbie
*

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Posts: 17



« on: January 15, 2009, 07:35:27 PM »

waxaan rabaa in aan ogaado cudurkan somali ahaan magaciisa waxa lagu daaweeyo waxyaabaha keena iyo halisahaan inta uu gaarsiisanyahay mahadsanidiin
Logged
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 522


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« Reply #1 on: January 15, 2009, 09:38:22 PM »

Prurigo Nodularis waa cudur jiritaankiisa la ogaaday sanadkii 1909-kii oo hadda laga joogo muddo 100 sano.

Waa cudur ku dhaco oogada kuna caan baxay cuncun aad u daran iyo dhabro kuuskuusan oo korka ka soo yaaco sida ka muuqato magaca cdurka oo ah "Prurigo = Pruritus = Cuncun iyo Nodularis = Nodules = Kurtumo" oo haddii afsoomaali loo macneeyo uu noqonayo "kurtomo cuncunle"

Waxaa cudurkaan loo yaqaannaa afka english magacyo kale oo ah:
Hyde prurigo nodularis (Hyde oo ah ninka ogaaday jiritaanka cudurkaan)
Picker nodules
Lichen simplex chronicus
Neurodermatitis circumscripta
Lichen corneus obtusus

Xoqidda badan ayaa korka ka dhigto mid adaga oo qolfo leh.

Kurtumaha ka soo baxo oogada ayaa ah kuwa kala duruqsan una siman jirka labadiisa dhinac, midabkooduna ka sarreeyo kan maqaarka.
Kurtumaha waxay ka soo bixi karaan jirka oo dhan lakiin badanaa waxay ka billawdaan lugaha iyo gacmaha.

Kurtumaha way dillaaci karaan iyagoo dheecaan sii daaya una ekaadaan nabro.

Kurtumaha waxay jirka ka soo bixi karaan xoqid la'aan ama ka horba cuncunka.

Maxaa keeno "Kurtumo Cuncunle"?
Lama yaqaanno waxa keeno cudurkaan inakstoo ay jiraan aragtiyo dhawr ah oo aan ku dhisneen xaqiiqo toona.

Qaabkee cudurka u saameeyaa oogada?
Xoqidda oogada ee raagtay ayaa ka dhigto mid adag, qalfoof leh, midabkane madoobaado.

Sidee lagu ogaadaa cudurkaan?
Cudurkaan waxaa lagu gartaa arkid kaliya iyo cuncunka.
waa dhici kartaa in cad laga qaado maqaarka si cudurro kale looga sooco

Maxaa daawo u ah cudurkaan?
Cudurkaan waa dhib in daaweyntiisa 100% lagu guuleysto laakiin waxaa jiro daawooyin loo isticmaalo sida "Steroids"-ka, Fitamiinnada, Gubid-qalliin iyo daawooyin kale, waxaa kaloo laga daaweeyaa caabuqa iyo cuncunka.
Waxaa kaloo loo isticmaalaa daaweynta cudurkaan "Ultraviolet Beam Light" oo ah iftiin ka baxsan midabada ishu arki karto.
Haddii cudurka lagu daaweeyo daawada istiroodka waxaa dhici karta in uu ku soo laabto usbuucyo gudahood markii la joojiyo.

Halista cudurkaan halkee ayay gaarsiisantahay?
Cudurkani maahan kaankaro, dhibatadiisane waxa ay ku egtahay oogada, wuxuuna la mid yahay cudurrada ku dhaco maqaarka.

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah halkaan ka weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Waa maxay cudurka leucopenia? Qaybta Su'aalaha Saiid6666 1 879 Last post January 18, 2009, 11:52:03 PM
by SomaliDoc
Waa Maxay Cudurka Sonkorowgu (Diabets Milletus) Qaybta Wacyi Galinta Dr.Sharbele 0 837 Last post May 27, 2009, 06:21:47 PM
by Dr.Sharbele
Su'aal: Waa Maxay Cudurka Chlamydia? Qaybta Su'aalaha Ifraax 3 561 Last post August 05, 2009, 11:44:58 AM
by SomaliDoc
Suáal: waa maxay cudurka Ulserka? Qaybta Su'aalaha Mataan 1 260 Last post September 29, 2009, 11:12:50 AM
by SomaliDoc
Suáal: Waa maxay cudurka (Peripheral Neuropathy) Qaybta Su'aalaha Saiid6666 1 272 Last post October 06, 2009, 11:47:57 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.11 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page Today at 02:05:03 PM