Somali Medical Forums
July 29, 2010, 10:33:56 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: DISCUSSION: Does Teething Cause Diarrhea?
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Waa maxay cudurka leucopenia?  (Read 880 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
Saiid6666
Newbie
*

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Posts: 17



« on: January 16, 2009, 08:08:15 PM »

waamaxay cudurkan leucopenia maxaa lagu gartaa waa cudur noocee ah maxaase xariir ah uu la leeyahay cudurka cancerka mala daweeynkaraa ,hadii ladaweeyn karose maxaa lagu daweeyaa lafaha ma galaa please ii soo dir full infor mation
Logged
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 522


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« Reply #1 on: January 18, 2009, 11:52:03 PM »

Tirada Unugga dhiigga cad ee hoos u dhacda (WBC) waxaa loo yaqaannaa Leukopenia ama Neutropenia.
Kiimiko isku daaweyn, shucaac isku daaweyn, daaweyno kale ama jirro sdia kaankarada ayaa laga yaabaa iney keento tirada WBC oo hoos u dhacda.

Unugyada cadcad ee jirkeenna wuxuu eebe ugu talagalay ka hortagga iyo la dagaallanka cudurrada iyo bakteeriyada jirkeenna soo weerarto sidaa darteed tirada WBC oo hoos u dhacda waxay kaa dhigaysaa mid ay u badan tahay inuu qaado cudur. 
 
Badanaa calaamadda keliya ee cudur qof uu qabo waa qandho. Dadka badankooda ee kansarka qaada waxaa loo sheegaa iney iska hubiyaan heerka 2 goor maalintii iyadoo tirada WBC-goodu uu hooseeyo. Takhtarkaaga ama kalkaalisada ayaa laga yaabaa iney ku siiyaan sharraxaadyo. Ha qaadannin wax daawo ah sida Tylenol si aad hoos ugu dhigto heerkulka ilaa inuu takhtarku ku faro mooyaane. 

Hoos u dhaca unugga dhiigga cad wuxuu kansarka u keeni karaa dhowr dariiqo, in kansarka uu ku dhaco lafta dhuuxeeda oo ay soo saari weyso unugyada, ama daaweynta kansarka oo keeno iyadane leukopenia.

Daaweynta hoos u dhaca unugga dhiigga cad waxay ku xirantahay heerka ay gaarsiisantahay iyo cudurka keenayba.

Marka "Leukopenia" maahan cudur ee waa calaamad cudur oo ay keeni karaan dhowr cudur oo kala duwan.

Marka uu WBC-gaagu hoos u dhaco, waxaad u baahan doontaa inaad qaadato daryeel dheeraad si aad uga hortagtid cudur.

Si aad Gacan uga Geysatid Ka-hortagidda Cudur:
 
Nadaafadda
• Gacmahaaga ugu yaraan 15 ilbiriqsi ku dhaq biyo diirran iyo saabbuun.
Dhaq cunidda ka hor, markaad cunto diyaarineyso, iyo musqusha ka dibba. Qof kasta oo ku daryeelayana sidaas oo kale ha sameeyo.
• Mayro ama qubeyso maalin kasta haddii laguu oggol yahay. 
• Qubeys xunbo leh ha sameynin ama ha isticmaalin tubbo biyo kulul.
• Maqaarkaaga si dhow uga hubi dillaac, finiinic, guduudasho, iyo bararid.
• Ka dib marka aad kaadiso ama saxarooto, mar kasta biyaha isaga raaci dhinaca hore una raaci dhinaca danbe. Gacmaha iska dhaq. 
• Sakiin koronto ah u isticmaal xiirashada si aad uga fogaatid dillaac.
• Isticmaal caday jilicsan si aad ilkaha isaga nadiifiso markaad cuntada cunto ka dib iyo inta aadan seexannin ka hor. Haddii aad ilko sanaaci ah qabtid, nadiifi subixii iyo fiidkiiba.
• Kormeer afkaaga maalin kasta. Wac takhtarkaaga haddii aad isku aragto wax guduudasho, dhibco cad, dillaac, ama soo kuusasho ah. 
• Xiro weji dabool ama qolka isaga bax marka la nadiifinayo.
• Ha isticmaalin waxyaabaha hoosta la iska mariyo ama tanbooni.
• Isticmaal kondom marka aad galmo sameyneysid. Ha isticmaalin rabarka makanka afkiisa lagu xiro (diaphragm) ama IUD.
 
Ammaanka Cuntada
• Ha cunin cunnooyin ceeriin ama aan la karin sida:
─  Furuto ama khudrad markaas la keenay
─  Ukun, hilib ama kalluun ceedhin
• Kari hilib, kalluun iyo ukun si wanaagsan la sameeyey.
• Isticmaal caano la soo karkaiyey, farmaajo, garoor ama labeen.
• Cabitaannada ha uga tagin dibedda wax ka badan 2 saacadood.
 
Talooyinka Kale
• Nasasho badan qaado. Isku day inaad hesho ilaa 8 saacadood oo hurdo ah habeenkii. 
• Soco, ama ugu yaraan ku fariiso kursi, 3-4 goor maalintii. Naftaada la jaanqaad aadna ha isu daalin. 
• Ka fogow dadka cudurrada qaba sida hergebka, ifilada, xanuun hergeb, buruqyo, bus-buska, jadeecada iyo quman.
• Ka fogow dadka isa soo tallaalay dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.
Tallaaladu waxay noqon karaan loo qaatay dabaysha, rubella, qumanka, jadeecada, qandhada jaallada ah, ama furuqa.
• Takhtarkaaga weydii ka hor inta aadan is tallaalin marka ay tirada WBC-daadu hoos u dhacdo.
• Xidho gacno gashi markaad beer ka shaqayneysid. Ka fogow geedaha iyo ubaxyada dheryaha ku jira.
• Fiiltarka kulsiiyahaaga bil kasta iska beddel.

Isla markiiba takhtarkaaga wac haddii aad isku aragto:
• Qandho ka sarraysa 100.5° F ama 38° C 
• Qar-qaryo ama dhidid
• Wax calaamado cudur ah sida guduudasho, diirranaan, barar, dheecaan kaa imaanaya, ama xanuun
• Dhidid
• Dareento inaad aad u daallan tahay
• Cuna xanuun ama af xanuun 
• Qufac
• Xanuun ama gubasho marka aad kaadineyso
• Kaadi daruur ama dhiig leh

Haddii aad wax su’aalo ama walaac ah qabtid, halkaan ka weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Waa maxay cudurka (Prurigo Nodularis)? Qaybta Su'aalaha Saiid6666 1 3448 Last post January 15, 2009, 09:38:22 PM
by SomaliDoc
Waa Maxay Cudurka Sonkorowgu (Diabets Milletus) Qaybta Wacyi Galinta Dr.Sharbele 0 837 Last post May 27, 2009, 06:21:47 PM
by Dr.Sharbele
Su'aal: Waa Maxay Cudurka Chlamydia? Qaybta Su'aalaha Ifraax 3 562 Last post August 05, 2009, 11:44:58 AM
by SomaliDoc
Suαal: waa maxay cudurka Ulserka? Qaybta Su'aalaha Mataan 1 260 Last post September 29, 2009, 11:12:50 AM
by SomaliDoc
Suαal: Waa maxay cudurka (Peripheral Neuropathy) Qaybta Su'aalaha Saiid6666 1 272 Last post October 06, 2009, 11:47:57 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.11 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page July 27, 2010, 08:13:58 AM