Somali Medical Forums
January 08, 2009, 05:18:45 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Waa Maxay Qoon (Qoonta)?  (Read 382 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
Hasan_c.h.c
Newbie
*

Points: 0
Offline Offline

Posts: 10



Email
« on: April 15, 2008, 10:35:50 PM »

ASC ............. waxaan doonayaa in la iga caawiyo arin aan umeel waayay oo inta badan aan ku maqlay soomaalida midaas oo ah xanuun aad moodo inuu khaas uyahay somalida oo aanan ku arag dad kale oo qaba xanuunkaasna waxaa loo yaqaanaa QOON
waa xanuun ku dhaca raga iyo haweenkaba haweenka haku badnaadabee
waana xanuunka uu qofku qof kale ka dhex hadlayo asagoo bukaankuna marayo arin aad u daran oo aad lafajacaysaba
waxaan filayaa qofkaan aqoonin ereyga QOONTA inuu hada fahmay suaasheyda

aad ayaad umahadsan tihiin
Logged
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« Reply #1 on: April 18, 2008, 12:31:08 AM »

Walaal hasan, salaan kadib
Waxaan jeclaan lahaa inaad warbixin dheeraad ah naga siiso xaaladda aad ka sheekeysay? sida ay ku bilaabato iyo waqtiyada ay qofku ku dhacaan weliba sida aad sheegtay dumarka? (ma waqti qofku uu kacsanyahay, laga xanaajiyay ama ay jiraan wax uu dhibsanayo mise?)
Ma jiraan wax calaamado kale oo aan aheyn in laga dhex hadlo qofka?
Sideena loo daaweeya xaaladaan maadaama aad adigu aragtay? qofku miyuu iska fiicnaadaa mise daawo ayaa la siiyaa mise quraan ayaa lagu akhriyaa?
Waxa aan su'aalahaan kuu weydiinayo waa in aan kala saaro dhawr shey oo qaar ka mid ah xiriir la leh caafimaadka.

Mahadsanid
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Hasan_c.h.c
Newbie
*

Points: 0
Offline Offline

Posts: 10



Email
« Reply #2 on: April 19, 2008, 10:44:46 PM »

salaan guud kadib
walaal su'aalahaagu waa su aalo wanaagsan.
 hadaan isku dayo inta aan ka arkay ama ILAAHAY ikarsiiyo.
marka hore qof xanuunkan qabaa xaaladiisu si dhakhso leh ayay isu badaleysaa .
majiraan walaal wakhti ugaar ah oo uu xanuunkan qofka qabanayo
 Qofka marka uu soo hayo xanuunkan wuxuu markaba dareemayaa in lasoo hayo asagoo raad sanaya mel uu seexdo amaba isduudubayo (mana sheegayo inuu hayo ama soo hayo xanuun)
Isla 5 daqiiqo qofku wuu ooyaa ama dhawaaqaa asagoon wax xis ahba aan lahayn .
 Badankood dadka qaba xanuunkan waxay cunayaa carabkooda .
hadaba ma arag dad noocan ah oo lasiino daawo (dawo)  waxaan ka ahayn QURAANKA
Quraanka markii lagu akhriyana bukaanku wuu ku bogsada asagoo bukaanka markii quraanka lagu akhrinayo uu marayo mar xalad xun isagoo  qiranaya inuu ruux kale yahay qofkana ay  sabab ka dhaxayso .
hadaba walaal hadii garanayso ama aad fahantay qaytan nooga soo faa iidee waliba anigoo jeclaan lahaa inaad noogu soo darto Qaybaha kale ee xanuunkan ee aanan soo xusin amaba ay jiraan qaybo kale hadey tahay mid laxiirta caafimaadka iyo mid aan laxiirinba

 mahadsanid   


Logged
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« Reply #3 on: April 20, 2008, 12:00:22 PM »

Wa'alaikum salaam

Walaal hassan, aad ayaa ugu mahadsantahay faahfaahinta aad ka bixisay xaaladdan, sideedaba dhakhtarka waxa uu go'aan kamadambeys ah ka gaaraa xaalad bukaan markii uu ka helo warbixin dhameestiran iyo baaritaan guud, sidaa awgeed su'aalaha aan ku weydiiyay oo aad jecleysatay inaan kuu kala cadeeyo waxyaabaha aan kala soocayo waa dhawr waxyaabood.

Mida ugu horeysa oo ah anaga ka muslimiin ahaan waan rumaysannahay jinniga inuu makhluuqaatka ilaahay abuuray uu ka mid yahay dadkane uu asiibo lagana daaweyn karo iyadoo loo adeegsanayo quraanka.

Mida xigta waxay noqon kartaa cudur maskaxeed lakin meesha aad ka sheegtay in bukaanka laga dhex hadlayo ma mid bukaanka laftirkiisa uu ku leeyahay waa la iga dhex hadlayaa mise qof kale codkiisa ayaa ka dhex maqleysaa oo si kale u hadlayo ama luqad kale ku hadlaya taasi jinni inuu ku jiro ayey u badantahay, hadii wax ka dhex hadlaya aysan jirin waxay iila egtahay dhawr waxyabood oo kala ah:

A: (Hysteria) waa waxa loo yaqaano suurada ama isyeelyeelka oo badanaa haweenka u badan khaas ahaan kuwooda da'da yar, waana cudur uu qofku isku ridi karo isagoo raba wax gooni ah in loo sameeyo ama laga dhaafo, tusaale ahaan wuxuu iska dhigi karaa qof codkii ka tagay oo aamusan, ama qof qalal qaba oo kale, ama qof indho' la'aan ku dhacday, ama qof dhaqaska ku xiran ama qof suuxsan, siyaabo badan ayuu qofku iskugu ridi karaa tana waxaa lagu ogaan karaa in qofka aad ka heysatid warbixin guud khaas ahaan marka xaaladaan uu bilaabay sida uu ahaa, mathalan hadii akhbaar dhaxdin leh loo soo sheegay oo kale, hadii ay qof is dagaaleen, ama wax alle iyo wixii saameeyn ku yeelan kara nafsadda qofka.

B: (Epilepsy) Waa qalalka sida aad ku sheegtay faahfaahinta dambe waxaad sheegtay in bukaanka inuu is badalayo in lasoo hayo inuu dareemayo taasoo laga yaabo inuu arkayo waxyaabo digniin ah oo cudurka la socdo loona yaqaano (Aura) inuu seexdo ama isduuduubo ama meel cidla ah uu indhaha ku taago, qeyliyo ama rafto, carabkiisane cuno, afka ubur ka keeno ama isku kaadiyo, kadibne uu sidiisii hore ku soo laabto.
Lakin waa in xaaladani ay aheed mid lagu yaqaano bukaanka oo ku soo laalaabato marar badan taasoo u baahan in dhakhtar loo geeyo si daawo joogto ah oo qalalka joojiso loogu qoro.

C: (Qof jinni galay) tani waa suura gal sida aad u sheegtayba in qofka laga dhex hadlayo, quraanka markii lagu akhrinayane uu rafto isagoo qeylinayo, kadibne uu sidiisii ku soo laabto markii quraanka lagu akhriyo.

Marka waxaan ku soo gabagabaynayaa in qofkani dhakhtar loo geeyo si uu baaro loona ogaado waxa hayo, aniga inta aan u maleynayo waa intaa anigoo ku dhisayo warbixinta aad soo sheegtay oo ah in bukaanka uu iska fiicnaanayo iyadoo daawo la siinin.

Wixii faahfaahin ah ama su'aalo dheeraad ah waad isoo weydiin kartaa, haduu jirane qof kale oo wax ku soo darayo ahalna wasahlan

Mahadsanid

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Hasan_c.h.c
Newbie
*

Points: 0
Offline Offline

Posts: 10



Email
« Reply #4 on: April 22, 2008, 04:05:35 PM »

walaal somalidoc aad ayaad ugu mahadsan tahay sida wanaagsan ee aad su aasheydii uga soo jawaabtay
marlabaad ayaan kuleeyahay walaalo mahadsanid
Logged
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
waa maxay negro Feel Free Here Dr.Salwa 4 491 Last post March 17, 2007, 09:54:03 PM
by Dr.Salwa
Waa Maxay HIV, AIDS? Qaybta Wacyi Galinta SomaliDoc 0 509 Last post November 26, 2007, 07:24:14 AM
by SomaliDoc
Waa Maxay Daroogadu? Qaybta Wacyi Galinta Pharmacist 0 297 Last post December 07, 2007, 12:32:13 PM
by Pharmacist
Waa Maxay Mammogram?! Radiology & Medical Imaging Waxbaro! 1 623 Last post June 21, 2008, 12:49:23 AM
by Princess_Muni
Waa Maxay Iskitsoofiriiniya (Schizophrenia)? Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 0 295 Last post April 03, 2008, 06:26:15 AM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page December 19, 2008, 11:16:24 PM