Somali Medical Forums
January 08, 2009, 05:37:00 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: DISCUSSION: Does Teething Cause Diarrhea?
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Waa Maxay Overactive Thyroid?  (Read 208 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
Raaliyo
Newbie
*

Points: 0
Offline Offline

Gender: Female
Posts: 6



« on: August 20, 2008, 07:59:08 PM »

Salamu calaykum

bacda salaan waxaan ka codsanayaa somali doctor ilaaheey khayr ha ku siiyo sida wacan ee noogu soo qeexdo jirooyinka aad baan kaaga mahad celinaynaa  waxaan raba inaan ku weydiiyo dhaqtaroow waa maxay thyroid over active waxaad iga soo jaahil bixisaa maxaa keena dawadee loo qataa cuntadee loo cunaabaliga soo jawaab dhaqataroow
Logged
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« Reply #1 on: September 01, 2008, 02:23:53 PM »

Waa maxay Overactive thyroid?
Overactive thyroid ama Hyperthyroidism waa xaalad uu qanjirka troodhka aad u shaqeynayo soona saarayo hormoon tirabadan, kaasoo dhiigga ka buuxsamo, kadibna keeno in qofka ku somoobo waxaana loo yaqaannaa (Thyrotoxicosis).

Hormoonnada uu soo dayao qanjirka troodhka waxay ka qeybqaataan falalka muhiimka ah ee ka dhaca unugyada jirka, qanjirkane wuxuu ku yaallaa dhuunta qeybteeda hoose, qanjirka wuxuu ku wareegsanyahay hunguriga cad waxuuna leeyahay qaab balanbaalis oo kale.

Waa maxay qanjirka troodhka?
Qanjirka wuxu dhiigga ka aruuriyaa cunsurka loo yaqaanno Iodine, kaasoo badanaa laga helo cunto badeedka, rootiga iyo cusbada waxuuna qanjirka u adeegsadaa samaysanka hormoonnada.
Labada hormoon ee ugu muhiimsan ee uu soo daayo qanjirka toroodhka waa T4 (99.9%), T3(0.1%), hormoonka saameynta ku leh jirka waa T3, sidaa daraadeed markii loo baahdaba T4 ayaa loo badalaa T3.

Sidee ayuu u shaqeeyaa qanjirka troodhka
Qanjirka troodhka waxaa kontroola qanjir kale oo ku yaalla maskaxda laguna magacaabo Pituitary, qanjirkaan wuxuu awood u leeyahay inuu yareeyo ama siyaadiyo hawsha qanjirka troodhka, hadii hormoonnada ay ku yaryihiin dhiigga wuxuu fariin u diraa qanjirka troodhka si hawsha loo kordhiyo iyo sida kalaba.
Isla qanjirka pituitary waxaa sii kontoroola qanjir muhiim ah kana mid ah maskaxda loona yaqaanno "Hypothalamus.
Qanjirka Hypothalamus wuxuu soo daayaa hormoon loo soo gaabiyo TRH macnihiisuna yahay hormoonkii soo deyn lahaa hormoonnada troodhka, wuxuu saameeyaa qanjirka Pituitary, waxuuna ka soo daayaa hormoon loo soo gaabiyo TSH oo macnihiisu yahay homoonkii kicinta troodhka. markaas ayuu qanjirka hawsha billaabaa soona daayaa hormoonnada T3 iyo T4.

Marka haddii ay jirto mushkilad keensanaysa in qanjirka si aad ah u shaqeeyo, waxay ka imaan kartaa mid ka mid ah 3-da qanjir.

Maxaa keeno Kacsanaanta Qanjirka Troodhka?
Haddii aan soo koobo waxyaabaha keena kacsanaanta qanjirka troodhka waa sidatan:
  • Graves' disease (Waa cudur ku dhaca qanjirka troodhka kaasoo ka lunsiiya qaabkii saxda aheyd oo loogu kontrooli jiray hormoonka laga soo daayo qanjirka pituitary ee TSH, Cudurkan waa cudur la kala dhaxli karo, wuxuuna ku badan yahay haweenka [5-tii haween markuu ku dhaco 1-rag ah ayuu ku dhacaa], cudurkaan waxaa kiciya diiqada, sigaar cabidda, raajo lagaa saaray dhuunta, daawooyin iyo caabuqid feyras. calaamadaha lagu garto cudurkaan waxaa ka mid ah indho-fiiqnaan iyo furuuruc ka soo muuqdo badanaa lugaha)
  • Buro ka soo baxdo qanjirka troodhka, buradaasoo si kontorool laáan ah u soo deyso hormoon.
  • In qofku qaato daawooyin u shaqeeya sida hormoonka troodhka (daawooyinka lagu yareeyo miisaanka oo kale.)
  • Hormoonka kicinta troodhka oo si xad dhaaf ah loo soo daayo, taasoo badanaa ka timaado buro ka soo baxdo qanjirka Pituitary.
  • Qanjirka troodhka oo caabuq ku dhaca waxaana badanaa keeno fayrs. waxaana calaamad u ah qandho, cuno-xanuun iyo xanuun markaa wax liqayso. qanjirka waa xanuun markii la taabto.
  • Iodine badan oo la qaato sida daawada Ämiodarone" oo leh Iodine badan.

Calaamadaha Kacsanaanta Qanjirka Troodhka
  • Dhidid badan
  • Kuleelka oo loo adkaysan karin
  • Socodka caloosha oo siyaado ah
  • Gariir gacmaha ah
  • Xanaaq iyo kacsanaan niyad
  • Wadno garaac siyaado ah
  • Miisaanka oo lumo
  • Daal iyo tabardarri
  • Dhiigga haweenka oo qaldamo

Sidee lagu ogaadaa Kacsanaanta Qanjirka Troodhka
  • In la fiiriyo calamadaha aan kor ku soo xusay sida gariirka gacmaha, dhidid badan, maqaarka jirka oo saliix noqdo, tinta oo khafiif noqoto, wadnaha oo aad u garaacmo iyo qanjirka troodhka oo bararo.
  • Baaritaan dhiiig oo lagu fiirinayo hormoonnada kala ah T3, T4, TSH
  • Raajo-saaris

Sidee loo daaweeyaa Kacsanaanta Qanjirka Troodhka?
  • In la yareeyo calamadaha muuqdo iyadoo la adeegsanayo daawooyin
  • Daawo yareyso kacsanaanta qanjirka
  • Qalliin lagu sameeyo qanjirka

Ma jirto cunto gooni ah oo loo qaato xaaladdaan, laakiin haddii kacsanaantaadu ka timid in uu kugu badan yahay cunsurka Iodine waxaa iska yareyneysaa cunnooyinka uu ku badanyahay.

Maxaan sameeyaa hadii qanjirkeygu kacsan yahay?
Waa in aad u tagtaa dhakhtar una sheegtaa calaamadaha aad isku aragtay, baaritaan dhiig oo lagaa qaado ayaa lagu caddayn karaa dhibaatadaada.

Haddii aad qabto suáalo dheeraad ah ama walaca halkaan ka weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
waa maxay negro Feel Free Here Dr.Salwa 4 491 Last post March 17, 2007, 09:54:03 PM
by Dr.Salwa
Waa Maxay HIV, AIDS? Qaybta Wacyi Galinta SomaliDoc 0 509 Last post November 26, 2007, 07:24:14 AM
by SomaliDoc
Waa Maxay Daroogadu? Qaybta Wacyi Galinta Pharmacist 0 297 Last post December 07, 2007, 12:32:13 PM
by Pharmacist
Waa Maxay Mammogram?! Radiology & Medical Imaging Waxbaro! 1 623 Last post June 21, 2008, 12:49:23 AM
by Princess_Muni
Waa maxay Qaadku? Qaybta Wacyi Galinta Waxbaro! 2 851 Last post May 11, 2008, 03:49:48 PM
by Pllisken
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 04, 2009, 09:23:47 AM