Somali Medical Forums
January 08, 2009, 08:06:06 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Daroogooyinka iyo uurka  (Read 354 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
Pharmacist
Sr. Member
****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Age: 25
Location: Pakistan
Field: Pharmacy
Posts: 185


Real Pharmacist


« on: January 07, 2008, 05:41:40 PM »

Ma jiro heerka isticmaalka daroogada oo ammaan ah inta uurku jiro. Badiba daroogooyinka dareen-kiciyeyaasha ah waxay saamayn
karaan ilmaha aan dhalan. Daroogooyinka dhakhtaradu qoraan qaarkood ayaa ayaguna dhibaatooyin keena inta uurku jiro, sidaas
darteed waxaa muhiim ah in la helo talooyin daaweyn sida ugu dhakhsaha badan.

Aad u qaadashada iyo isticmaalka joogtada ah ee daroogooyinka qaarkood inta uurku jiro waxay keeni karaan dhicin, cadaadiska
uur-jiifka, fool waqtigeeda aan la gaarin, qaabdarrada ku dhacda ilmaha, miisaanka dhalmada oo hooseeya, dib-u-dhacyada koritaaneed ilmaha, amase dhibaatooyin kale oo ballaaran.

Waxaa lagula talinayaa haweenka uurka leh iyo kuwa u malaynaya inay uur yeelan doonaan inay iska ilaaliyaan khamriga, sigaarka iyo daroogooyinka kale. Badanaa haweenta isticmaali jirtey daroogada ma ogaato inay uur leedahay ilaa laga gaaro dhowr bilood oo uurka ah.

Haddii ay haweenaydu ay isticmaasho daroogada, oo ay ka midka yihiin daawooyinka dhakhataradu qoraan, waa inay kala tashataa dehakhtarkeeda ama xirfad-yaqaannada kale ee caafimaadka markii ay doonayso inay uur yeelato, ama isla markii ay ogaato inay uur yeelatay.

Haddii ay haweeynadu ku xiran tahay daroogooyinka inta ay uurka leedahay, waxaa run ah inuu ilmaheedu la kulmi doono astaamaha
u-barashada dhalashada ka dib. Taasna macnaheedu waa in ilmihii yaraa ku sii jiro isbitaalka muddo ka badan intii caadiga ahayd ilaa astaamahaas ay ka baaba’aan.

Daroogooyinka iyo nuujinta
In kastoo daroogooyinka qaarkood u gudbaan caanaha naaska, haddana naas-nuujintu waa tallaabada saxda ah oo loo qaado in ilmaha
naaska la nuujiyo. Haweenka daroogooyinka cuna oo isla markaas naaska nujiya ilmahooda waa inay kala tashadaan dkakhtarkooda ama
xirfad-yaqaannada kale ee caafimaadka.

Real Pharmacist
Logged

Pharmacist is highly-trained and skilled healthcare professional who perform various roles to ensure optimal health outcomes for their patients.
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Kaadi Sonkorowga Waqtiga Uurka Cudurrada Haweenka SomaliDoc 0 326 Last post January 07, 2008, 09:30:11 PM
by SomaliDoc
Isticmaalida daawooyinka xiliga uurka Qaybta Wacyi Galinta Pharmacist 0 562 Last post May 05, 2008, 12:55:37 AM
by Pharmacist
Dhibaatooyinka uurka (Pregnancy problems) Cudurrada Haweenka SomaliDoc 14 991 Last post August 18, 2008, 08:30:56 PM
by SomaliDoc
Calaamadaha Khatarta ah ee Uurka Cudurrada Haweenka SomaliDoc 0 49 Last post December 25, 2008, 09:02:56 PM
by SomaliDoc
Galmada Waqtiga Uurka (Sex During Pregnancy) Qaybta Wacyi Galinta SomaliDoc 0 21 Last post January 02, 2009, 10:04:50 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page December 24, 2008, 03:43:48 AM