SomaliDoc
Hero Member
   
Points: 0
Offline
Gender: 
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224
Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
|
 |
« on: September 12, 2007, 03:01:44 AM » |
|
Hadaad xanuunsato Rabigaa bari isaga unbaa dhibaatada kaa qaadi Kara, ha u malayn in dhakhtarku uu wax kuu qaban karo, hadaan rabi ku ilhaamin. Xabatu Sowda iyo malabka asalka ahoo la isticmaalo ayaa Dawo kasta ka fiican. Ha daawayn qofna, cilmi laaan, waayo waxaad samaynayso rabaa kugula xisaabtamaya, Dawo aan dhakhtar sax ahi kuu qorin ha isticmaalin, Dawo ha waydiisan qof aan dhakhtar ahayn, Dawo ha cunin oo qofna ha siin,hadaadan ogayn waxa loo isticmaalo. iyo mudaacafaadkeeda, Ogow dawo kasta waxay leedahay dhibaatooyin badan Ha ku dagdagin isticmaalka dawooyinka Dawooyinka dhig meel caruurtu aysan gaarin Dawooyinka dhig meel aan qorax ahayn Waxaa hagaagsan in aad samaysato armaajo yar oo darbiga meel kore lagu dhajiyo, oo fure leh oo dawada la dhigo si caruurtu aysan u gaarin Rifeetar iyo refadin waligaa ha u isticmaalin waxaan loogu talo galin waa dawooyinka Qaaxada loo isticmaalo. Hadii caruuta ama qof waynba qandho qabato,meel neecow leh gee,dharkana ka yaree,oo ha huurin,dabadeedna shukumaan biyo kuqoo oo marmari Hadii caruurtu ama qof waynba uu shumbo, ORS sii, iyo biyo kasto uu cabi karo sii cunadii uu cuni karo Ma jirto cirbad la yiraah dhiig joojin oo qofkii dhaawacma la siiyo Farmashiyaasha hada lagama helo dawo teetanaha loo isticmaalo waayo waxay rabtaa dawadaasi inay furunjiyeer ku jito oo 2degrii tahay,, Dhaawaca yar yar ku dhaq biyo qandac ah oo milih leh,sida biyaha badoo kale Caruurta bar inaad siiso cunooyinka faaiidada leh sida Galayda, Digirta, Hilibkacaloolayda, Ukunta, Masagada, Mooska, Canbaha, Ukunta iwm Ma wanaagsana cunooyinka in lagu badiyo, Sonkorta, Dufanka iyo Milisa ama Cusbada, Ha cunin cunada aan daboolnayn ee suuqa taala Ha gadan rootiga gaarigacanlayaashu hayaan Khudaarta nuuca aan qolofka lahayn, si waansan isaga dhaq hadaadan iska daynaynba, Nadaafadu waa furaha caafimaadka Jikada nadaafadeeda ku dadaal Jirka nadaafadiisu waa lagama maarmaan Musqusha nadaafadeedu waa lagama maarmaan Bar caruurta iyo dadka waawaynba in markii qofku musqusha ku soo xaajo guto uu gacmaha saabuun ku dhaqo. Weelasha loo isticmaalo musqusha sida baaldiga, caaga iwm waligaa ha u isticmaalin jikada. Cunooyinka gasacadaysan intaad ka fogaan karto ka fogoow. Karootadu waa cuno fiican oo u roon indhaha ee bar naftaada iyo caruurtaba, Jawaafaha ama saytuunku aad buu u wanaagsan yahay Cunooyinka la isku daro ama laysku shiido waa faaiido badan yihin Sansanyeeri isticmaal habeenkii markaad seexanayso Cudurka isfiilitadu waa cudur xun,kumana dhaco dadka wanwanaagsan,ilaahay idankii,ee yan lagaa maqal Quraanka oo akhrintisa la badiyo,caafimad badan bay leedahay. Caruurta ka ilaali ciida inay cunaan,ciida waxaa ku jira oo ukuntooda dhigta gooryaano badan, Cagacadaan ha ku socon,hana u ogolaan in caruurtu ku socoto,gaar ahaan meelaha qoyan waxaa laga helaa bahalo ku nool oo si sahlan qofka u gala Novalgin ha isticmaalin nuuckastoo uu yahay, waayo waa daawo khatar ah, aduunkana hada lagama isticmaalo, Gaastariigu waa cudur khatar ah , rabina ha naga badbaadiyo,sida dadku u sheegayaana maaha, mana dhici karto in dadkoo dhami qabo. Cadayga oo aad loo badsado,ilkaha caafimaadkoodaa ku jira ee ku dadaal Aspirin ha siin caruurta 12 sano ka yar, wuxuu u keenaa dhibaato. Dawo qof loo qoray, maahan in qof kale la siiyo, dadku isku cudur maahan,dhakhtar unbaa sheegi kara wuxuu cudurka qofku qabo yahay Dawada cirbada ihi maahan daawada ugu saraysa, qofku intuu afka wax ka qaadan karo cisbad uma baahna, Faleebada dad badan waxay u haystaan inay wanaagsan tahay, lakiin ogow inaysan wanaagsanayn, hadii la siiyo qof aan u baahnayna ay dhib badan u keenayso, ogow afku waa meesha ugu fiican oo ilaahay ugu tala galay oo qofku wax ka qaadan karo. Hadaan sharoobo furto, amaad kaniini furto, ogow waxaad isticmaali kartaa mudo gaaban, dad badan baa meel inta dhigta hadana dib u isticmaala. Sax maahan hadii haweenta uurka lihi ay cunada iyo biyaha badsato, in cunugu uu ku waynaanayo, dabadeedna ay fooshu dhibayso, waxaase saxa in haweenta uurka leh loo baahan yahay inay cuno fiican iyo cabitaankaba badsato, si ay awood u yeelato taasoo keenaysa in dhalmadu u fududaato. Naaska cunuga waa in la siiyo ugu yaraan laba sano. Haweentu haday uur yeelato, iyadoo nuujinaysa, dhib maleh inay cunigeeda sii nuujiso, waase in haweenta nafaqo fiican la siiyo maadaama ay labo shaqo isku hayso Cuniga dhasha waa in la siiyo naaska marka uu dhashaba si dagdaga, waayo caanaha naaska ugu horeeya waa kuwa ugu fiican gabi ahaanba Haweenta naaska nuujinaysa waa inay naaskeeda si gaara u dhaqdaa ugu yaraan maalintii laba mar Caruurta ha ku nuujin jiifka , hadii kale waxay khatar ugu jiraan in dhaguhu dilaacaan Guriga waa in dariishadaha loo furo oo qoraxda iyo dabayshuba soo galaan, Caruurta yaryar waa in qoraxda la tuso ugu yaraan maalintii hal mar.
Mahadsanidiin SomaliDoc
|