Somali Medical Forums
January 08, 2009, 07:55:10 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VIDEO: Medical doctors graduated in Somalia
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Isticmaalida daawooyinka xiliga uurka  (Read 562 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
Pharmacist
Sr. Member
****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Age: 25
Location: Pakistan
Field: Pharmacy
Posts: 185


Real Pharmacist


« on: May 05, 2008, 12:55:37 AM »

Hadii aad uur leedahay waa inaad ka fogaataa isticmaalka daawo uusan dhakhtar kuu qorin, isticmaalka daawooyinka qaar waxay saameyn ku leeyihiin uurjiifka amaba hooyadaba markii ay uur leedahay.

Daawooyinka hooyada uurka leh ay qaadato waxay u gudbaan ilmaha, kuwaasoo saameeynta ay ku yeelan karaan ilmaha ay noqon karto:
1- Saameyn toos ah taasoo keeni karta inay dhashaan ilmo naafo ah.
2- In ay saameyn ku yeeshaan nafaqada iy hawada uu qaato uurkujirka, taasoo keenta nafaqo darro.
3- In ay saaameyn ku yeeshaan murqaha minka, kadibna uu giigsamo taasoo keenta cadaadis ku dhaca dhiig socodka ilmaha, kadibne dhicisoobo.

Saameynka daawada ay ku yeelan karto ilmaha uurka ku jira wax ay ku xirantahay:
1- Xilliga iyo marxalada koriinkooda.
2- Nooca daawada la qaatay iyo cabirka laga qaatayba.

daawooyinka qaar waxay saameyn xun ku yeelan karaan ilmaha isla markii ay galaan minka, qaarka kalane markii ay dhalan rabaan.
Sidaa darteed waxaa jiro daawooyin la yaqaano oo dhawr ah, taaso waajib ah in haweenka uurka leh ay ka fogaadaan, waxaana ka mid ah:
1- Diazepam
2- Chloramphenicol
3- Ciprofloxacin
4- Kanamycin
5- Nitrofurantoin
6- Streptomycin
7- Sulfonamides
8- Tetracycline
9- Heparin
10- Warfarin
11- Carbamazepine
12- Phenobarbital
13- Phenytoin
14- Trimethadione
15- Valproate
16- ACE inhibitors
17- Beta-blockers
18- Thiazide diuretics
19- Actinomycin
20- Busulfan
21- Chlorambucil
22- Cyclophosphamide
23- Methotrexate
24- Mercaptopurine
25- Vinblastine
26- Vincristine
27- Lithium
28- Aspirin
29- Naproxen
30- Ibuprofen
31- Chlorpropamide
32- Tolbutamide
33- Danazol
34- Diethylstilbestrol
35- Etretinate
36- Isotretinoin
37- Methimazole
38- Propylthiouracil
39- Radioactive iodine
40 -Triiodothyronine

Talaalada laga sameeyay feyrasyada nool iyagane waa in laga fogaadaa, sida talaalka jadeecada, dabeesha, qanjir bararka iyo busbuska.
Waxa kaloo muhiim ah in hooyada uurka leh ay ka fogaato sigaar cabidda, taasoo hadii aysan joojin u keeni karta cunugeeda miisaan yari iyo naafoobidba.

Pharmacist
Logged

Pharmacist is highly-trained and skilled healthcare professional who perform various roles to ensure optimal health outcomes for their patients.
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Xaqiiqda Daawooyinka Iyo Somalida! Qaybta Wacyi Galinta Pharmacist 6 606 Last post December 27, 2007, 02:15:56 AM
by Pharmacist
Daroogooyinka iyo uurka Qaybta Wacyi Galinta Pharmacist 0 353 Last post January 07, 2008, 05:41:40 PM
by Pharmacist
Kaadi Sonkorowga Waqtiga Uurka Cudurrada Haweenka SomaliDoc 0 326 Last post January 07, 2008, 09:30:11 PM
by SomaliDoc
Dhibaatooyinka uurka (Pregnancy problems) Cudurrada Haweenka SomaliDoc 14 991 Last post August 18, 2008, 08:30:56 PM
by SomaliDoc
Calaamadaha Khatarta ah ee Uurka Cudurrada Haweenka SomaliDoc 0 49 Last post December 25, 2008, 09:02:56 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page Yesterday at 09:56:32 AM