Somali Medical Forums
January 08, 2009, 07:17:32 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VIDEO: Medical doctors graduated in Somalia
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Isticmaalka Sigaarka Iyo Tubaakada  (Read 671 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Hero Member
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: January 12, 2008, 12:31:34 AM »

Cabidda sigaarka, sigarka qoriga ah ama tubbada iyo isticmaalidda waxyaabaha kale ee tubaakada laga sameeyo waxay keeni karaan:
• Kansarka sanbabada, afka, cunaha ama hunguriga
• Cudurka wadnaha iyo marinnada dhiigga
• Cudurka sanbabka
• Maskaxda oo hawl gabta (faalig)

Sigaarrada waxaa ka buuxa sun sanbabadaada geleysa marka aad sigaarka nuugto. Sigaar kasta waxaa ku jira 4000 oo kiimko ah iyo 43 waxyaabood oo kansar keena. Nikotiinku waa wax la qabatimo wuxuuna kor u qaadi karaa cadaadiska dhiiggaaga.

Sigaar cabiddu waxay sidoo kale halis u tahay dadka kale. Dadka aan sigaar cabbin ee ku neefsada qiiqa tubkaadu waxay ku jiraan halis la mid ah kuwa sigaar cabba.

Carruurta joogta meesha sigaarka lagu cabbayo waxay badanaa qaadaan hergeb, jeermis gala dhegaha ama dhibaatooyinka kale ee
neefsashada.

Tubaakada aan qiiqa lahayn sida sida midda la ruugo waxaa ku jira nikotiin ka badan kan sigaarka. Isticmaalkoodu wuxuu keeni karaa dhibco caddaan ah ama guduudan oo xanuun leh oo afka ku sameysma oo ka dibna noqon kara kansar. Kuwa isticmaala tubaakada aan qiiqa lahayn waxay badanaa qabaan dhibaato ilko sida cirridka oo gadaal u durka iyo ilkaha oo bolola oo suus galo.

Faa’iidooyinka Joojinta Isticmaalka Sigaar Cabidda iyo Tubaakada
• Halistaada cudurka wadnaha iyo hawl gabidda maskaxdu (faalig) way yaraanayaan.
• Heerka neefsashadaada iyo tamartaadu way soo hagaagayaan.
• Halista aad kansar ugu jirto way yaraanaysaa.
• Waxaad noolaanaysaa waqti ka dheer kan dadka sii wada sigaar cabidda iyo tubaako cunidda.
• Haddii aad uur leedahay, waxaad fursad fiican u yeelanaysaa inaad dhasho ilmo caafimaad qaba.
• Waxaad hoos u dhigi doontaa halista caafimaadka ee kuwa aan sigaarka cabbin haddii aad joojiso.
• Dareenkaaga urinta iyo dhadhamintu way soo hagaagayaan.
• Jirkaaga, dharkaaga, baabuurkaaga iyo gurigaagu sidii tubaako uma soo uri doonaan.
• Waxaad kaydsan doontaa lacag.

Barashada Sida loo Joojiyo
Takhtarkaaga kala hadal joojinta. Weydii waxbarashada iyo kooxaha taageeridda. Taageero ka hel oo baro sida wax looga qabto diiqada.
Takhtarkaaga kala hadal daawooyinka iyo kaalmooyinka kale ee kaa caawinaya joojinta.

Joojinta isticmaalka tubaakadu waxay hagaajin doontaa caafimaadkaaga iyo caafimaadka kuwa hareereysan. Way adag tahay in la joojiyo, laakiin caafimaadkaaga ayaa u qalma inaad joojisa.

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Munim
Hero Member
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Gezira-Sudan
Field: Medicine
Posts: 565


Allaa Wayn Ninkii Aaminaa Awood Leh


« Reply #1 on: January 12, 2008, 09:12:29 PM »

Thanks SomaliDoc mowduucan. waxana ka codsanlahaay qof waliba in uu dowr ka qaato wacyigalinta sidii sigarka loo joojinlaha gaar ahaan dhalinyarada dhexdooda madama ay yihiin jiilkii intaajka samaynlahaa,lana sameeyo bararujin intii tabartada ah. shicaarna looga dhigo.                                                      SIGAARKA JOOJI SI AAD U CAFIMAADO
 
Logged

Education Opens the Doors
Waxbaro!
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: Medicine
Posts: 161


Aqoontu Waa Iftiin


« Reply #2 on: January 13, 2008, 07:38:58 PM »

Wacyi galinta waa inaan iska bilawnaa anaga, khaas ahaan dadkeena ku lug leh caafimaadka khaas ahaan dhakhaatiir badan ayaa jira oo balwad leh, (Sigaar, Jaad iyo waxyaabo kale).

Diinteenune waxay qabtaan wax adiga aadan samayneynin dadka ha farin, maxaa yeelay waxaad suureysataa inaad u tagtay dhakhtar ku taqasusay cudurada feeraha, kadibne kugula taliyay inaad joojisid cabitaanka sigaarka, inta uu kaaga sheekeynayay dhibaatooyinka uu leeyahay ayaa waxaa aragtay inuu isagaba sigaar cabo, dhakhtarkaasi warkiisa ma qaadanaysaa??!!

Waa "MAYA", maxaa yeelay haduu leeyahay sigaarka dhibaatooyinka uu dhakhtarkaasi kuu sheegay muxuu isaga u cabayaa?, hadii uu keenayo "KANSAR" iyo cudurada kale ee laguu sheegay, dhakhtarkasi miyuusan caafimaadkiisa ka fakarayn?!

Hadii adan bukaankaaga ka waanin mushkiladan oo aad ka xishooto, inaad bukankaaga u sharaxdo dhibaatooyinka uu leeyahay sigaarka si laguu weydiinin su'aalahaas aan kor ku soo xusay, waa ceeb ka daran tii hore oo sharciga dhakhtarnimada ayaa meel uga dhacday.

Mideeda kale uma baahnid dhakhtar hadaa tahay in laguu sharxo dhibaatooyinka sigaarka caafimaadkaaga u keeni karo!.

Hadii aan su'aal idin waydiiyo akhristayaasha sharafta leh:
Dhakhtarka balwada leh ra'yigee ka heysataa?
Maxaa ka hortagan dhakhaatiirtaas inay joojiyaan balwadaas?
Dhibaatada ay bukaanka u keeni karto balwada dhakhtarkaas?

Mahadsanidiin
Waxbaro!
Logged

Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!
Pharmacist
Sr. Member
****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Age: 25
Location: Pakistan
Field: Pharmacy
Posts: 185


Real Pharmacist


« Reply #3 on: January 16, 2008, 09:12:53 PM »

Aniga wax dhib ah uma arko hadii dhakhtarku balwadiisa uu ka qarsanayo bukaanka uusan meesha shaqada ku isticmaalin, haduu awoodi waayo inuu iska gooyo, waxaa daran sida aad sheegtayba in hadalkaaga iyo ficilkaaga is khilaafo taasoo keeni karta in kalsoonida loo hayo dhakhtarkaas ay lunto.

Mahadsanid
Real Pharmacist
Logged

Pharmacist is highly-trained and skilled healthcare professional who perform various roles to ensure optimal health outcomes for their patients.
Diagnostic
Sr. Member
****

Points: 67
Offline Offline

Gender: Male
Location: Uganda
Field: Medicine
Posts: 171


Professional Diagnosis


« Reply #4 on: January 19, 2008, 02:55:05 PM »

Walaalkayga dhakhtarka ahow, waxaan kuu soo jeedinayaa sida ugu sahlan oo aad isakaga goyn kartid sigaar cabida adigoo raaca 10-kan tilaabo:

1- Dajiso khuddo aad ku joojisid sigaarka, maalin go'ane xadido si aad u joojisid cabidiisa.
2- Is mashquuli si aad isku hilmaansiisid baahida aad u qabtid sigaarka, iskana fogay baakadaha sigaarka iyo bahalada lagu damiyaba (ashtrays)
3- Biyo badan cab, waxaad agta dhigataa glass casiir (cabitaan qasan) ah, mar walbane kaboo oo ha wada cabin, casiirkane yuusan isku mid noqon (maalin liin, maalin canbo, maalin qare, maalin babaay iwm).
4- Dhaqdhaqaagaaga badi, ha noqon qof jecel raaxada, hadii meesha shaqada ay kuu dhawdahay u lugeey hadii kalane babuurka meel xoogaa fog soo dhigo, jaranjarada isticmaal inta aad fuuli laheed wiishka dabaqa. (jimicsiga wuxuu kugu saacidayaa joojinta sigaarka)
5- Safiican u fakir, hadii aad dareento xaalado ku soo waajahda markii aad sigaarka joojisid, macnaheeda maahan inaad u baahantahay lakain jirka ayaa la barayaa in la'aantiisa uu shaqeeyo (withdrawal symptoms), wax walwal ah yaysan kugu abuurin way baabi' doonaan.
6- Badal socodka noloshaada, ka fogaaw inaad wax ka iibsato dukaankii sigaarka aad ka gadan jirtay, iyo meelaha sigaarka lagu cabo.
7- Wax cudur daar ah ha ka dhigan sigaar cabida, mushkilo hadii ay ku soo waajahdo ama walwal kugu abuurmo sigaarka cudur daar haka dhigan, waxyaabo kale isku mashquuli
8- Ku saacid naftaada joojinta sigaarka, xisaabi lacagaha kaaga bixi jiray sigaarka, iyo waxyaabaha faaidada leh oo aad ku samaysan karto, kuna soo iibso.
9- Cuntada aad cunayso wax ka badal, cuntooyinkaaga fudfudud yaysan ku jirin wax dufan leh, u badnaaw khudaarta iyo frutada (raadso xanjo aanan laheen sokor ama nanac kulul)
10 - Ilaahay talo saaro waydiisane inuu kugu saacido waxaadne ogaataa hal maalin haduu ku soo maro adigoo sigaar cabin in naftaada, qoyskaada iyo bukaankaagaba ay guul u tahay (la sheekeyso dad iska joojiyay sigaarka).

Diagnostic
Logged

In diagnosis think of the easy first.
Martin H. Fischer
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
5-ta Qeybood ee Isticmaalka Daroogada Qaybta Wacyi Galinta Pharmacist 0 249 Last post December 22, 2007, 02:59:14 AM
by Pharmacist
ISticmaalka Daawada (Talooyin) Qaybta Wacyi Galinta Pharmacist 0 214 Last post April 12, 2008, 07:12:37 AM
by Pharmacist
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 05, 2009, 09:24:22 AM