Somali Medical Forums
January 08, 2009, 03:59:00 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VIDEO: Medical doctors graduated in Somalia
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: KUDKA (ANTHRAX)  (Read 126 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Hero Member
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: July 20, 2008, 07:03:49 PM »

Waa Maxay kudku?
Kudku (anthrax) waa cudur halis ah oo ay sababto bakteeriya sameysata unugyo abuur ah (spores). Kudku waxa uu ku ridi karaa cudur marka uu kaa galo maqaarka, sambabka, caloosha, ama habka dheefshiidka Waxa uu keeni karaa geeri haddii aan la daweyn.

Sidee Baan Kudka u Qaadi Karaa?
Dadku waxay kudka ka qaadi karaan taabashada, cunista hilib xayawaan qaba cudurka, ama iyaga oo neefsada unugyada abuurka u ah bakteeriyada ee ka soo baxaya xayawaan qaba cudurka. Kudka waxa loo isticmaali karaa oo kale hub ahaan. Sannadkii 2001, dad tiradoodu tahay 22 qof ayaa xanuunsaday ka dib markii kud loogu soo riday boosta dalkay mareykanka.
Waxa aad kudka ka qaadi kartaa qof kale, waxana aad u gudbin kartaa dadka kale.

Maxaa Dhaca Haddii Kud Aan Qaado?
Badanaa dadku waxay xanuunsadaan inta u dhaxaysa 1 ilaa 7 maalmood ka dib soogaarista kudka, laakiin haddii uu galay sambabkaaga waxa laga yaabaa inay qaadato 42 maalmood inta aad la xanuunsanaysid. Waxa laga yaabaa in uu maqaarkaaga u yeelo finan, ama nabarro. Waxa laga yaabaa oo kale inaad yeelatid xanuun cunaha ah, qandho, madax-xanuun, qufac ama dhibaatooyin neefsasho.
Waxa aad u baahnaan doontaa in lagugu daweeyo dawo, sababta oo ah kudku waxa uu keeni karaa cudur halis ah ama geeri.

Sidee loo baaraa kudka?
Ma jiro hab lagu baaro kudka ka hor inta aadan la xanuunsan.

Sidee Baa Kudka Loo Daweeyaa?
Antibiyootiko ayaa la isticmaalaa si loo daweeyo dhammaan noocyada kudka.
Shaqaalaha daryeelka caafimaadku waxay ku siin doonaan dawo (doxycycline ama ciprofloxacin). Dawadani waxay gargaar ka geysan kartaa ka-hortagga caabuq kud, xiitaa hadii aadan xanuun dareensanayn.
Waxa laga yaabaa in aad dawadan qaadatid 60 maalmood. Dawadu waxay sababi kartaa lallabo, shuban, madax-xanuun ama caabuqa khamiirka (yeast infection) (waa haweenka oo kaliya), laakiin waxa muhiim ah inaad sii wadid qaadashada dawada ilaa aad ka dhammeysanaysid.
Ilmaha waxa la siin doonaa qadaro ah dawada oo ka duwan kuwa dadka waaweyn.

Wixii warbixin dheerad iyo su'aalo ah halkaan ka weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page Today at 03:31:29 PM