Somali Medical Forums
July 29, 2010, 10:16:16 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Maxay Tahay Qandhada "Rift Valley"?!  (Read 928 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
Dr.Mahdi
Administrator
*****

Points: 60
Online Online

Gender: Male
Age: 28
Location: Somalia
Field: Medicine
Posts: 719


Towards a better peaceful and healthy life!

405976995 doctormahdi@hotmail.com doctormahdi@yahoo.com
WWW
« on: November 10, 2007, 04:19:33 AM »

waa cudur uu keeno feyrus xoolaha ku dhaco sida ariga lo’ada iyo geela (arigaa ugu badan).
Inkastoo biniaadamka uu u gudbo laakiin xaalad Qatar ah kuma rido waxay u dhaxeysaa ilaa 0.5 – 2%.
Cudurkaan waxuu ka tirsanyahay cudurada ku caan baxay qandho-dhiigbax sida Yellow fever, Hemorrhagic fever, Lassa fever iyo Ebola fever.
Cudurkan oo markiisii ugu horeysay lagu arkay dalka Kenya 1931-gii waadiga loo yaqaano “Rift”  looguna magac daray.
Cudurkan qaarada afrika wuxuu dibada uga baxay sanadkii 2000 markaasoo lagu arkay yemen iyo sacuudiga.
Cudurkaan oo 2 ilaa 6 maalmood qaata si uu uga soo muuqdo bukaanka.
Cudurkaan oo ah cudurada aadka u faafo taasoo keeni karta inay dad badan u la’daan hadii aan si dhakhso ah looga hortagin.

Cudurkan maxaa lagu gartaa oo calaamado u ah?
Qandho siyaado ah oo la socoto dhiig sanka, ciridka, saxarada lasocdo ama maqaarka hoostiisa oo dhiig fadhiisto waxaa marmarka qaar la socdo cagaarshow.

Cudurkan maxaa lagu hubiyaa?
1.Feyruuska oo laga helo dhiiga, beerka iyo maqaarka.
2.In feyruuska la beero.
3.In jirka laga helo waxyaabaha ka hortaga feyruuska oo loo yaqaano (antibodies).

Sidee lagu fahmaa inay xoolaha uu ku dhacay cudurkaan?
Xoolaha oo ilmaha soo ridaan, iyo iyagoo si isku xigxiga u bakhtiyaan.

Cudurka siduu ugu gudbaa biniaadanka?
1-In uu qofka uu gacmaha ku taabto xoolaha dhiigooda, digadooda, khaasatan marka la qalaayo.
2-In sanka aad ku qaadid hawo feyruus ku jirto.
3-In ay kaneeco ku qaniinto iyo cayayaanada dhamaan quuta dhiiga.

Dadkee ugu badan oo cuduraka halis ugu jiro?
1.Xoolo dhaqatada
2.Dadka kawaanka ka shaqeeya
3.Dhakhaatiirta xoolaha daaweysa
4.Shaybaariistayaasha.

Sidee looga hortagi akraa cudurkaan?
1.In kaneecada sansayeeri laga hoos galo
2.In qolalka la buufiyo
3.In la labisto dhar kalarkooda mugdi uusan ku jirin.
4.In caanaha iyo hilibka la iska karkariyo
5.Dadka la tacaamulo bukaanka in ay is ilaaliyaan sida dhakhaatiirta oo kale.

Sidee loo daaweeyaa cudurkaan?
1.Ma jirto daawo joojisa cudurka ama disho feyruuska, laakiin waxaa qofka la siiyaa daawooyin kaalmaati ah sida
Qandho jibiye (qofkan oo kale waa ka mamnuuc ah in la siiyo Aspirin maxaayeelay dhiigbaxa ayuu ka sii darayaa).
Dhiig fresh ah (fresh frozen plasma) haduu fuuqbax jirane lafuuq celiyo.
In cudurada kale oo uu bukaanka la imaado la daaweeyo sida infekshanka.

Cudurka dilaa miyaa?
Tiro la eg 1% oo dadka uu ku dhaco way u dhintaa laakiin qofka haduu halis yahay dhimashada waxa ay gaareeysaa 50%

Dadka caafimaaka ka shaqeeyo siday iskaga ilaali karaan cudurkaan?
Inkastoo aan la hubin in dadku ay kala qaadaan laakiin in la is ilaaliyo waa muhiim
1-Dhakhtarku markuu bukaanka baarayo waa inuu labistaa gloves.
2-Inuu sanka daboosho
3-In gacmaha saabuun iyo biyo iskaga meyro
4-In qolka bukaanka lagu wiisiteeyay la nadiifiyo haduu ku dhiig baxay ama uu ku saxarooday.

Dr.Mahdi
Logged

“you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com
Waxbaro!
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: Medicine
Posts: 197


Aqoontu Waa Iftiin


« Reply #1 on: November 12, 2007, 02:51:37 PM »

Si aad u ogaatid farqiga u dhaxeeya cudurkaan iyo cudurkii ku faafi jiray meelo kamid ah wadanakeena somaliya kuna caan baxay "Kaduudiye" halkaan ka akhriso http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=62.0

Waxbaro!
Logged

Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!
Doctoor
Full Member
***

Points: 90
Offline Offline

Gender: Male
Field: Medicine
Posts: 57



« Reply #2 on: November 13, 2007, 11:08:44 PM »

waa mawduuc aad u muhiim ah in laga hadlo maxaa yeelay faafitaankiisa oo aad u fudud sida maqaalka kor ku qoran uu uga hadlayo.
aniga hadda waxaan ka shaqeeyaa isbitaal ku yaalo khartuun-suudaan waxaa noo yimid dhowr xaalado oo cudurkaas loogu badinayo in uu yahay, 2 ka mid ah dadkii cudurkaa loo jiifiyay waa ay u dhinteen, hadda gobollo ka tirsan suudaan cudurka dad badan buu ku laayay waxaan ka magacaabi karaa sinaar, madani iyo kuwa kale.
madasanidiin.
Logged
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
"Walac" ama "Morning Sickness"!!! Cudurrada Haweenka Dr.Mahdi 0 1018 Last post August 30, 2007, 11:47:45 AM
by Dr.Mahdi
Faa'iidada laga helay qandhada "Rifty Vally" Feel Free Here Doctoor 0 354 Last post November 13, 2007, 11:30:34 PM
by Doctoor
Waa Maxay Cudurka "Ebola"? Qaybta Wacyi Galinta Waxbaro! 0 781 Last post December 10, 2007, 07:31:26 PM
by Waxbaro!
Waa maxay "Angina"? Cudurrada Guud SomaliDoc 0 1030 Last post February 05, 2008, 06:56:57 AM
by SomaliDoc
Waa maxay "Garguurato"Uuryaal"? Qaybta Su'aalaha Kamal 1 596 Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.11 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page Yesterday at 09:42:37 AM