Somali Medical Forums
January 08, 2009, 08:03:09 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: DISCUSSION: Does Teething Cause Diarrhea?
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Ogaansho iyo barasho u yeelo Kansar  (Read 656 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Hero Member
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: May 04, 2008, 07:46:58 PM »

Qoraalkan waa tusaha calaamadaha soo shaac baxa ee ku saabsan xanuunka kansarka una baahan in loo fiirsado

Isbadalo kaste ama calaamado aan cadi ahayn oo soo shaac baxaa , macnaheedu waxa weeyi waa Kansar. Sida xaqiiqda ah waxay calaamadahani ku bilaabmaan si aan xanuun badan lahayn, qaar koodna markiiba way qarsoomaan.

Haddii isbaladu ama calaamadahu muuqdaan muddo ka badan 2 Todobaad (weeks) oo aad raysan weydo fadlan la xiriir dhakhtarkaaga sida ugu dhakhsaha badan si laguu jeeg gareeyo

Ha sugin in aad xanuun dareento , maxaa yeelay sida badan marka Kanasarku bilowga yahay ma xanuun badna.

Iyada oo hore loo ogaado iyo daaweyn fiican oo la sameeya waxay keenaysaa in tirada daka ka kaaca badato.

Fursadaha aad ku qaadi kartaa xanuunka kansarka way kordhaysaa haddii aad haysato waxyaabahab soo socda:

  • Qoyskiina oo hidde taariikheed u leh Kansarka.
  • Adiga oo si joogta ah u isticmaali jiray sigaarka ama shiishadda
  • Adiga oo si joogta ah u cabi jiray khamriga
  • Adiga oo intaad noolayd cuni jiray ,cunto dux aad u badan leh.
  • Iayada oo uu kugu dhacay shucaac sida shucaacada loo yaqaan x-rayga iyo Ultraviolet rays kaas oo ka yimaad qoraxda oo aad la isugu dhigo.
  • Adiga oo muddo qaatay walxo kimiko ah shaqadaada awedeed sida, biraha qaarkood ama waxyaabaha isku darsan sida e.g asbestos, nickel, cadmium, uranium iyo benzene.

Calaamadaha Ku Haboon In Loo Fiirsado
Isbedel ku dhaca dabada ama dabeecadaha kaadi haysta oo isbedela: ka eeg oo u fiirso calool tag raagay, shuban, saxarada oo qiyaastiisu isbedesha, kaadida oo ku xanuunaysa.

Xanuun aan bogsanayn meel jirkaaga ka mid ah ama afkaaga: Afka ka eeg xanuun joogta ah, gaar ahaan haddii aad sigaarka cabto ,tubaako, ama aad cabto khamriga..Sidoo kale waxaad eegtaa in ay jirto calaamad ama ka soo baxyo aan tegayn oo waqti dheer jooga,ama wax dildilaac ah oo jirkaaga ka muuqda, boog ama ka soo bax debnaha (bishimaha) dushooda ama afka hoostiisa ka soo baxa kuwaas oo aan bogsanayne.

Dhiig aan cadi ahayn ama qoyaan socda: dhiig walamadka ka yimaad ama dhiig saxarada la socda (xaar madow), dhiig kaadida la socda ama ibta ka yimaad..

Qaro weynaan ama ka soo bax aan caadi ahayn ama barrar, aad ku aragto meel ka mid ah jirkaaga: Ka eeg cad ka soo bax ah; nasahaaga, xiniiyahaaga iyo qanjidhadaada, kuwaas oo noqon kara cad wareegsan ama mid hoose oo qaro weyn ama barrar , ama dheecaamo ka yimaad meelo jirka ka mid ah ama isbedel aan caadi ahayn oo sida badan lama moodo cadadka ka soo baxa kuwo kansar sida kuwa loo yaqaan “cysts”

Dheef Shiid xumo ama Liqid kari la’aan: U fiirso oo eeg in xanuun iyo liqid kari la/aan wixii adag iyo wixii dareere ihi ku dhibaayaan.

Isbedelo burooyin ah oo yimaada: U fiiso oo ka eeg brooyin cusub oo ka soo baxa jirka ama maqaarka korkiisa ama qaybo kale oo xubnahaaga ka mid ah.,isbedel kasta oo ku dhaca burooyinka.

Qufac xanuun badan ama dhiig la socda: Bal u fiirso in aad leedahay qufac xanuun badan markaad qufacayso ama wax dhiig ah kaa soo go’aayaan.

Culayskaaga oo si aan la garanyn hoos ugu dhaca: u fiirso culays kaaga oo uu ku yimaado hoos u dhac weyn (si lama filaan ah) oo aan la garanayn wax keenay.Taas oo noqon karta qiyaastii 10 rodol.

Xumad iyo dhidid habeenkii yimaad: Eeg oo ufiirso cabirka heerkulka jirkaaga, haddii uu ka sareeyo 38 digrii oo santi geradh ah oo aad dareento xumad dhaaf una nuglaato xanuunnada sida hargab/duray soo noq noqda.

Daal ama Noog: U fiirso in aad leedahay daal ama noog joogta ah .

Xanuun: u fiirso in aad leedahay lafo xanuun xoog badan ama xanuun xoog badan oo aad ka dareento qaybaha kale jirkaaga.

Diirka ama maqaarka jirka oo isbedela: Eeg oo u fiirso isbe del ku yimaada midabka aragtida diirkaaga, kas oo noqon kara madow, dacar ama jaale , ama casaan amaba yeesha cun cun.

Madax xanuun: Eeg oo u fiirso madax xanuun ba’an kaas oo wata matag ka duwan kuawa cadiga ah kaas oo aan ka raysi lahayn markii la qaato daweyn mudooyin ah.

Xaqiiqada Kansarka

Dad aad u tiro badan ayaa ka badbaada cudurka kansarka in ka badan intii hore sababtuna waxaaa weeyi hore u ogaanta iyo daaweynta. ka fiican sidii hore.
Ogaansho iyo barasho fiican oo loo yeesho kansarka iyo calaamadiiisa xilli hore.
Waxaa muhim ah in aad barato dhismaha jirkaaga si aad u ogaato wixii is bedel ah ee jirkaaga ku yimaadda . Haddii wax is edel ihi ku yimaadaan jirkaaga la xiriir Dhakhtarkaaga, haddii isbedelkaasi socdo muddo ka badanthat 2 wiig.
1 hal qofbaa 3 diiba, laga daaweeya kansarka mudada uu qofku nool yahay.
Inta badan wuxuu ku dhacaa kansarku , dadka ka weyn 60 jirka , laakiin kuma wada dhaco.
Nooca kansaro tiro yar baa ku dhaca raga da’doodu ka yar tahay 35 jir, sida kansarka ku dhaca xiniin yaha. Kansarku wuxuu kaloo ku dhici karaa dadka yar yar ee da’doodu ka hoosayso 14 jir.
Waxaa jira in ka badan 200 oo kansaro ka;la duwan ah kuwaas oo muujiya calaamado kala duwan.

Waano
  • Ha cabin sigaar ama tubaako oo dhan.
  • Ha cabin khamrada.
  • Cun khudrad fara badan, caleemo badan iyo cuntadad nuxurku ku badan yahay.
  • Fir fircoonow oo miisaan xad dhaaf ah ha yeelan.
  • Iska haree qoraxda , oo jidhkaaga ha gubin.
  • Isku ilaali walxaha kiimikada ah (isla fal gala) adiga oo raacaaya talaabooyinka badbaadada iyo caafimaadka leh ee u yaal.
  • Jeeg garee jirkaaga . Una fiirso wixii isbedel ah ee soo kordha.
  • Si joogto ah isku jeeg garee.

Wixii faahfaahin iyo su'aalo dheeraad ah, halkaan ku weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Kansar (Cancer) Cudurrada Guud SomaliDoc 0 2607 Last post December 09, 2007, 01:21:35 AM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 02, 2009, 05:33:13 AM