Somali Medical Forums
March 10, 2010, 06:18:07 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Qaaxada & HIV-da - Wadajir Halis Ah!  (Read 388 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Hero Member
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 455


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: July 11, 2009, 09:48:27 PM »

TB-du waa maxay?
 "TB" waa magac la soo gaabiyay ee loo yaqaan cudurka qaaxada ama tiibishada.
Marka uu qofka cudurka Qaaxada ku dhaco, ugana dhaco sambabada ama dhuunta oo uu qufaco, hadlo, qoslo ama hindhiso, jeermiga qaaxada ayuu hawada ku firdhiyaa. Qof walba oo u dhowna waxaa sambabada uga faafa jeermiga qaaxada ama tiibishada .
Jeermiga qaaxada ama tiibishada jirkaada ayuu ku noolaan karaa adiga oo aan la jiranin. Taasna waxaa loo yaqaan jeermiga qaaxada dhaliya. Difaaca jirkaada ayaa kaydiya jeermiga qaaxada, si uu u sugo caafimaadkaada.
Marmarka qaarkood, jirkaada ma awoodo inuu iska difaaco geermiga qaaxada ama tiibishada. Haddii aad la jirato jeermigaas waxaa loo yaqaanaa cudura qaaxada ama tiibishada. Jeermiga wuxuu badi ku dhacaa sambabada. Sidoo kale waxuu ku dhici karaa kalyaha, maskaxda, lafta dhabarka, ama qaybaha kale ee jirka. Haduu cudurka qaaxada ama tiibishadu kugu dhaco, waxaad u baahantahay daaweyn. Waxaadna ku bogsoon kartaa daawen sax ah. Laakiin, hadaan lagu daaweyn waad u dhiman kartaa.

Maxay muhiim u tahay inaan ogaado inaan qabo jeermiga dhaliaya cudurada qaaxada ama HIV-da?
Jeermiga HIV-da wuxuu daciifiyaa (wiiqaa) difaaca jirkaada. Hadii aad qabto jeermiga Qaaxada ama HIV-da, waxaad halis u tahay inaad u jirato cudura qaaxada ama tiibshada.

War Farxad leh!
Waad ka hortegi kartaa geermiga TB-da intuusan isu badelin cudurka Qaaxada ama Tiibishada! Tilaabada ugu horeysa oo aad ku ogaan karto inaad qabto geermiga TB-da waa inaad ogaataa, hadii aad qaaday jeermiga TB-da. Taasna waxaad ku ogaan kartaa adoo jirkaada ka baara qaaxada ama tiibishada.

Waa maxay baaritaanka qaaxada ama tiibishada ee jirka?
Baaritaanka TB-da ee jirkaada waxaa lagu sameeyaa gacanta. Labo ilaa saddex bari gudohood, ayuu daryeelaha caafimaadkaada fiirin doonaa gacantaada si uu u arko inuu dhacay fal kiimikaad. Soo barar “boosatiibo” ah macnaheedu waa inaad qabto geermiga TB-da.

Jeermiga HIV-da ma saamayn karaa natiijada baaritaanka TB-da ee jirka?
 Mararka qaarkood, hadii aad qabto jeermiga HIV-da iyo TB-da, laga yaabe in natiijada falgalka kiimikaad ee TB-da jirka ay lama hubaan “negatifo” noqoto. Taasna macnaheedu waa difaaca jirkaada oo aan si haboon u shaqaynayn. Daryeelahaaga caafimaadka ayaa kaala hadli doono hadaad halis u tahay geermiga TB-da ama cudurka Qaaxada. Laga yaabe inaad u baahato baaritaan kale oo caafimaad ama daaweyn.

Maxay tahay inaan sameeyo hadii aan qabo geermiska dhaliya labada cudur ee HIV-da iyo Qaaxada?
Waxaa shardi ah inaad baaritaan is dabajoog ah samayso. Taasoo ay ka mid yihiin raajada xabadka iyo baaritaano kale. Hadii baaritaanadaas ay cadeeyaan inaad qabto cudurka qaaxada ama tiibishada, daryeelaha caafimaadkaada ayaa ku siin doono daawooyinka lagu daaweeyo qaaxadaada ama tiibishadaada.
Haday baaritaanadaadu cadeeyaan inaad qabto jeermiska qaaxada ama tiibishada dhaliya, laga yaabee daryeelaha caafimaadkaadaa inuu ku siiyo daawooyinka dila jeermiska qaaxada si uusan cudurka isugu badalin Qaaxo ama Tiibijo.

Maxaan u baahnahay inaan ka ogaado daawooyinkayga?
Daryeelaha caafimaadkaada ayaa kuu sheegi doono sida loo qaato daawooyinkaada iyo dhibaatooyinka ay keenaan.

Qaaxada ka ilaali naftaada, qoyskaada iyo saaxiibadaa. Dhamayso daawaynta Qaaxada!
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
Mandeq
Full Member
***

Points: 0
Offline Offline

Gender: Female
Posts: 53



Email
« Reply #1 on: September 07, 2009, 05:29:53 PM »

thnx somali doctor , jasaaka laah saad wax inogu faah faahisid , plz ma ii sheegi karta seey kuk xiriiraan TB and HIV, waxaa u aqaanay in midna uu ka yimaado virus midna uu ka yimaadi bacteria?Huh?
Logged
SomaliDoc
Hero Member
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 455


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« Reply #2 on: September 09, 2009, 12:47:53 PM »

Xiriirka waxa uu ka yimid maadaama qofka qabo cudurka HIV-ga uu difaaciisa jirku aad u hooseeyo in halis u yahay cudur waliba taasoo ugu sii darantahay cudurka qaaxada.
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Qaaxada (TB) Cudurrada Guud SomaliDoc 0 1097 Last post September 25, 2007, 11:00:05 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.9 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page Yesterday at 01:38:24 AM