Somali Medical Forums
September 03, 2010, 07:40:37 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VACANCY: HAIDO: Somali Specialists Needed Here...
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Waa Maxay Cudurka Sonkorowgu (Diabets Milletus)  (Read 853 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
Dr.Sharbele
Newbie
*

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Field: Bulsho caafimaad Qabta & Caqli Saliima. . .
Posts: 14



« on: May 27, 2009, 06:21:47 PM »

  Cudurka  Sokorta ama Kaadi-macaan (Diabetis Milletus)  wuxu dhitaabo ba'an ku hayaa caalamka oo dhan wuxuuna aad u sii kordhay sanidihii u danbeeyay, Wadama hour-maray  cudurada  ay aadka uga cawdaan ayuu ku jiraa marka laga reebo cudurada wareegga dhiiga.

Waddama carabta iyo kuwa khaliijka ayaa iyaguna si ba'an u saameeyay tirakoobkii 2005 Dalka sacuudiya Carabiya shacabkisa 14% waxa ay la ildaranyihiin cudurkaan, Wadamada Kuwait, Cumaan 10% ayaa qaba.
Cudurkani  wuxu ku simanyahay ilaa Cahdigii Nebi ciise ka horreeyay, Faraaciinta hore wuxu u aqoonsadeen (Cudurkii Boqorrada) isagoo boqorro badan ka laayey.

WAA MAXAY CUDURKAANI
Cudurkan wuxu yimaadaa marki ay Insuline-ta jiraka ku yaraato ama gebi ahaanba joogsato, taasoo keentay khalal ku yimid halka lagsoo daayo Hormuunkan oo ah(Beta-Cells), iyadoo uu sonkorta dhiiga ay marna hoos u dhacdo mararka qaarka siyaaddo, waxayna keeni kartaa inay Miyir la'aan qofka ku dhacdo.
  waxana  loo qeybiyaa laba qaybood,  Nooc ku dhaca caruurta iyo dadka dhalinta yar, waxa loo yaqaan, (TYPE 1 DM) ama (Insuline Dependent), waxa dhacaa  10%  dadka laga helo sokorowga, sidoo waxa lagu daaweeyaa oo qura waa Hormone-ka Insuline.
-Nooc ku dhaca dadka ay da'dooda tahay ama ka weyn tahay 40-sano jir, waxa loo yaqaan (TYPE 2 DM) ama (Independent  Insuline) , waana u badan ee ku dhaca dadka, waana layska dhaxli karaa  waxana lagu daaweeyaa inta badan Kiniiniyo , insuline lama isticlaamo xaalado gaar ah maahane sida Hooyada Uurka leh iwm.

CALAAMADAHA CUDURKA
Waxa ugu muhiimsan calaamadihiisa:-
-Harraad fara badan iyo af-qalayl
-Gaajo iyo cunta badni
-Caatoobid
-Kaadi badni , gaar ahaan habeenkii

DAAWO KAAFISA  MA LOO HELAY WELI
Illaa iyo  iminka wax daawo ah oo lagaga takhalusi karo lama hayo, waloow ay socdaan isku dayo fara badan, sida, in la beero Pencareas-ka iyo in la beero Unugyada loo yaqaan (Bita –Cells) ee masuulka ka ah siideynta Hormone-ka Insuline.

MAXAA SABABA CUDURKAAN
Lama oga sababta dhabtaa ee cudurkaani keeni karta, balse waxyaalaha saacida waxa ka mida:-
-Raaxada iyo nasashada faraha badan
-Cunta fudud ee  dheefshiidka u sahlan oo la badsado
-Welwelka iyo murugada faraha badan
-Bay'ada uu qofku ku noolyahay
-iyo asbaabo kale oon la garaneyn

SIDEE LOO DAAWEEYAA CUDURKAAN
Cudurkaan malahan daawo sidaan horayba u sheegnay balse keliya waxa uu leeyahay XAKAMEYN , iyo in qofka cudurkaani qaba uu si taxadar leh u maamulo nolol maalmeedkiisa, waxana layska ilaaliya Sonkorta cad iyo waxyaalaha soo raaca oo dhiiga sonkortiisa kor u kicinta karta si dhakhsa leh.
Jir-dhiska  iyo Exerciseka isagana waa lagu xakameeyaa cudurkaan , waan cudur halis ah, laakin haddii aad la saaxiibto wuu kula saaxiibayaa, intaad isdhowrtid ayuuna dhibkiisa kaa yaraanayaa.

DHIBAATOOYINKA SONKOROWGA
-wuxu lee yahay dhibaatooyin aad u fara badan waa haddii aan la xakameyne, wuxu waxyeelo daran u geysan karaa, indhaha, Wadnaha, Kelyaha, Maskaxda, iyo inta badan Habdhisyada jidhka oo dhan.




Logged
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Waa maxay cudurka (Prurigo Nodularis)? Qaybta Su'aalaha Saiid6666 1 3566 Last post January 15, 2009, 09:38:22 PM
by SomaliDoc
Waa maxay cudurka leucopenia? Qaybta Su'aalaha Saiid6666 1 930 Last post January 18, 2009, 11:52:03 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa Maxay Cudurka Chlamydia? Qaybta Su'aalaha Ifraax 3 599 Last post August 05, 2009, 11:44:58 AM
by SomaliDoc
Suáal: waa maxay cudurka Ulserka? Qaybta Su'aalaha Mataan 1 293 Last post September 29, 2009, 11:12:50 AM
by SomaliDoc
Suáal: Waa maxay cudurka (Peripheral Neuropathy) Qaybta Su'aalaha Saiid6666 1 300 Last post October 06, 2009, 11:47:57 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.11 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page August 07, 2010, 05:28:12 AM