Somali Medical Forums
January 08, 2009, 03:37:33 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Xanuunkaaga (About Your Pain)  (Read 344 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Hero Member
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: February 16, 2008, 02:53:19 PM »

Waqtiyo badan ayey dadku xanuunka qabaan qalliin ama dhibaato awgood.
Xanuunku waa habka uu jirku dhanbaalka ugu diro maskaxdaada ee ah in caawino loo baahan yahay.
Haddii xanuunkaaga aan la maareynin, soo kabashadaadu waqti dheer ayey qaadan doontaa.
Noo sheeg sida aad dareensan tahay iyo waxa uu heerka xanuunkaagu yahay si markaas aan u awoodno inaan kaaga baabi’ino xanuunka. Adiga oo keliya uun baa garanaya sida aad dareemeysid.
Waxaan ku weydiin doonnaa inaad noo sheegto wax ku saabsan xanuunkaaga.
• Xaggee ayuu xanuunku kaa hayaa? Tilmaan meesha jirkaaga ka mid ah ee ku xanuuneysa.
• Miyuu xanuunku ku baahay qaybaha kale ee jirkaaga?
• Goorma ayuu xanuunku billowday?
• Ilaa intee ayuu xanuunku le'egyahay?
• Sidee ayuu yahay xanuunku? Ma ku gubanaysaa, xatxataynaysaa ama xanuunaysaa? Ma mid damman baa mise mid fiiqan? Ma mid joogto ah baa mise wuu yimaadaa oo iska tagaa?
• Miyuu waqti maalinta ka mid ah ugu daran yahay? Subixii? Fiidkii?
• Maxaa xanuunka kaa yareeyo? Maxaa keena in xanuunku ka sii daro? Maxaad samaysay si aad isugu daydo inaad xanuunka iska yarayso? Miyey daawadu xanuunka ka dhigtaa mid sidii hore dhaama? Ma wuxuu aad kuu xanuunaa marka aad fir-fircoon tahay mise marka aad jiifto?
• Miyuu xanuunku saameeyaa qaybaha kale ee noloshaada? Miyuu kugu adkeeyaa in aad seexato, cunto, ama aad is daryeesho amadaryeesho kuwa kale? Miyuu kuu keenaa xanaaq, ilmeyn ama sabar la’aan?

Ka jawaabidda su'aalahaan waxa ay u sahleysaa dhakhtarkaaga inuu ogaado meesha lagaa hayo, kuna daaweeyo.
Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah halkaan ku weydii.

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Gum bleeding need not come with pain Pre-Dental and Dental Claire24 3 327 Last post January 03, 2008, 02:50:39 PM
by Sumayya
Dhabar Xanuun (Back Pain) Cudurrada Guud SomaliDoc 0 670 Last post January 02, 2008, 08:31:41 AM
by SomaliDoc
Back Pain Qaybta Su'aalaha Gariile 3 276 Last post January 05, 2008, 12:59:57 PM
by Diagnostic
Chest pain more than 4yrs Qaybta Su'aalaha Abdi Karim 2 328 Last post January 30, 2008, 02:32:49 AM
by Waxbaro!
Murqo-Xanuun (Muscle Pain / Myalgia) Qaybta Su'aalaha Raaliyo 2 239 Last post August 20, 2008, 07:55:33 PM
by Raaliyo
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page December 26, 2008, 10:17:07 AM