Diseases and Conditions > Cudurrada Indhaha

Caadka Indhaha (Cataract)

(1/1)

SomaliDoc:

Cataract waa caad fuula bikaacda insha (lens) waa qaybta isha ee iftiinku ka gudbo taasoo keenta in araggu dhib noqdo. Caadku waxa uu fuuli karaa hal il ama labada indhoodba. Caadku waxa uu ku badan yahay dadka waaweyn.

Qodobada Halista ee Imaanshaha Caadka
Halista imaanshaha caad indhaha fuula waxa uu la kordhaa da’da.
Qodobada kale ee halista waxa ka mid ah:

* Sonkorta/sonkorowga
* Sigaar-cabista
* Isticmaalka khamriga
* Iftiinka cadceedda oo si badan kugu dhaca
* Dhaawac isha gaara
Calaamadaha Caadka Indhaha
Calaamadaha caadka indhaha fuula si tartiib ah ayuu mudo dheer u sameysmi karaa.

* Arag caad saaran yahay ama isku darsan
* Waxa la arkaa iftiin ku wareegsan laydhka ama nalalka
* Aragga habeenkii oo xun
* Aragga oo ah laba-laba
* Midabada oo aad moodid kuwa khafiifay
Daryeelkaaga
U tag dhakhtarka indhaha haddii aad qabtid mid ka mid ah calaamadahaa. Dhakhtarkaagu waxa uu sameyn doonaa baadhitaan indho si uu u ogaado cillada jira. Haddii dhibaatooyinkaaga araggu ay qas galiyaan hawlo maalmeedkaaga, waxa laga yaabaa in dhakhtarkaagu ku taliyo qalitaan. Qalitaanku waxa uu saaraa qeybta caadka leh waxana uu ku beddelaa lenis artifishal ah ama la sameeyay. Adiga iyo dhakhtarkaaga ayaa go’aan ka gaadhi doona haddii qalitaanku yahay daweynta kuugu fiican.

Waxa laga yaabaa in leniskaaga si tartiib ah mudo dheer caad u fuulo, sidaa daraadeed waxa laga yaabaa inaanad u baahan qalitaan mudo sannado ah. Waxa laga yaabaa in dhakhtarkaagu ku taliyo muraayado indho oo cusub, iftiin ka cad intii hore oo aad isticmaashid, muraayadaha qoraxda ee baajiya cawarista qorraxda ama leniska weyneysada ah si loo hagaajiyo araggaaga. U hubso in laguu sameeyo baadhitaano indho oo joogto ah si adiga iyo dhakhtarkaagu uga hadashaan goorta qalitaan loo baahan yahay.

Sida Loo Badbaadiyo Araggaaga

* Haddii aad jirtid 60 ama aad ka weyntahay, ha laguu sameeyo baadhitaan indho oo leh weyneyn ugu yaraan hal mar labadii sannadooba.

* Cun cagaar badan, khudaar iyo cuntooyin kale oo badan oo leh ‘antioxidant’ sida kuwa ku badan vitamin E-ga.
* Gasho muraayadaha qoraxda iyo koofiyad si aad isaga ilaalisid iftiinka qorraxda ee ah ‘ultraviolet’.
* Maamul sonkorta/sonkorowga aad qabtid adiga oo la kaashanaya dhakhtarkaaga iyo nafaqo-yaqaan.
* Iska jooji sigaar-cabista.
* Iska jooji khamriga.Haddii aad qabtid su’aalo ku saabsan qoraalkaan, halkaan ku waydii.
http://somalidoc.com

Navigation

[0] Message Index

Go to full version