Author Topic: Kasoobax (Boils or Furunculosis)  (Read 89951 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Kasoobax (Boils or Furunculosis)
« on: May 30, 2008, 10:28:50 AM »


Kasoobaxu waa finan xanuun badan oo ay ka buuxsanto malaxi. Finankaasi waxay ku samaysmaan dubka/maqaarka/haragga hoostiisa marka bakteeriya ay bukaysiiso halka ay kasoo baxaan timaha xaaddu. Waa gunta tinta.

Finanka kasoo-baxa waxay ku samaysmi karaan meel kasta oo jirka ah, waxaase inta badan lagu arkaa wajiga, luqunta, kilinkillooyinka, salalka barida iyo laabatooyinka jilbaha.

Finka kasoo-baxa wuxuu ku dhammaadaa 14 cisho qiyaastii.

Calaamadaha Kasoo-baxa
Finan amase godad yaryar oo malax leh, kawaasoo:
• Si dhaqso leh ayay u koraan, sida caadiga ah 24 saacadood gudohood
• Waa casaan, huruud amase cirifka sare ka cad
• Waxaa ka soo baxa dheecaan ama malax marka uu finku bururo
• Way barartaa
• Way diirran tahay
• Xanuun bay leedahay

Maxaa keeno kasoobaxa soo laalaabto?
Waxyaabo dhowr ah aya keeni karo in dhowr jeer oo isku dhawdhaw uu kaa soo baxaan nabraha malaxda lihi waxaana ka mid ah:
1- In malaxda nabarka ay gaartay jirka meelo kale taasoo keenayso in ay meelo hor leh nabor ka soo baxaan kuwii oo kale ah.
2- In jirkaagu uusan adkaysi u lahayn bakteeriyada keento kasoobaxa oo maqaarka weerarto taas oo keeni karto in xanuunka oo kugu soo laalaabto.
3- In aadan daawo kugu filan aadan ka qaadanin taas oo kenayso in bakteeriyada markii ay tarantaba in ku filan in xanuunka keeni karto in nabar kaa soo baxo.

Qaladaadak soomaalidu ka aaminsa tahay nabrahaan?
In aan qallajiye loo qaadanin nabrahaan taas oo dadka qaar aaminsan yihiin in malaxda ay qallajinayso oo jirka aysan ka soo baxaynin ama in nabarka uu gudaha ku laabanayo, taasina ma ahan mid caafimaad ahaan sax ah.
Jirka alle wuxuu ugu talagalay inuu wixii halis ku ah ka takhalluso, haddii jeermisku ka xog bato difaaca jirka waa muhiim in daawo loo qaato si uu ula dagaallamo oo u joojiy tarmidda ama faafiddiisa.
Waxay kaloo dadka qaar aaminsan yihiin qof nabar kasoobax leh in uu xaaskiisa u tagi karin haddii kale xanuunka ayuu u gudbinayaa, taasina sax ma ahan oo kasoobaxa kama tirsana xanuunada galmada lagu kala qaado, halkaan ka akhriso xanuunadaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,245.0.html
Waxay kaloo dadka qaar aamisan yihiin in subagga ama hilibka idaha aanan loo dhawayn dadka qabo nabarhaaan, taasina sax ma ahan ee halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan faa'idada hilibka iyo subagga idaha iyo sida uu difaaca jirka ugu roon yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5927.0.html

Sidee looga hortagi karaa ama loola tacaalaa?
• Kaga hortag jirkaaga oo aad nadiifiso, ku qubayso saabuunta leh geermis dilaha.
• Ha daloolin finka hana tuujin. Bakteeriyadu way kusoo fidi kartaa jirka u dhow finkan, oo keeni kartaa finan kale.
• Ku masax mara diiran oo nadiif ah dhowr jeer maalintii si uu bararku uga dhaco.

U tag dhakhtar haddii aad isku aragto:
• In calaamaduhu sii xumaanayaan
• Finan aad iyo aad u xanuun badan
• Fin aan yaraanin oon baabini 14 cisho gudohood
• Fin aad u ballaaran
• Xummad, Qandho
• Finan badan
• Liidad cascas oo kasoo baxayay finanka. Taas macneheedu waxay noqon kartaa in xanuunku gaaray dhiiggaaga.

Nabraha wajiga ka soo baxo ee loo yaqaano Findoobka ama "Acne" wuu ka duwan yahay xanuunkaan ee ka akrhiso halkaan qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2102.0.html
Haddii aad qatid su'aalo caafimaadkaaga ku saabsan ku soo gudib qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline My143ismail

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Kasoobax (Boils or Furunculosis)
« Reply #1 on: September 02, 2015, 01:00:38 PM »
Wali waxaan ku dhibanahy Nabarka loo yaqaano kasoo baxa waana isdabajoog sida uu iga soo baxo kaliya mida aan sameeyo wxey tahay nabarka af fiican markuu soo yeesho ayan dilaaciyaa kana saara wasaqda ku jirto kadibna saara dawda loo yaqano Diinsiga.
Waxaan isdhahay on isweeydiye naf ahaanteyda iney sababayaan nabrahaan ila dagay iney yhiiin qaras Ma thy Dr'e sidaas misse aniga unbaa is idhi ? mida kale hadey tahay sida ugu wacan ee an isu qaraa bixin karo ayaan ku weydiin lahaa ?

Thanks
-Saabèr

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Kasoobax (Boils or Furunculosis)
« Reply #2 on: September 02, 2015, 03:58:46 PM »
Marka hore, bal Qarastu ma cudur baa mise waa wax kale, bal fikrad ka qaado qarasta haddii ay jirto iyo haddii xanuuno ay keento intaba.
Akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2346.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: kasoobax/ baxdin kasoo baxday kilkisha?

Started by QaalibBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7983
Last post September 17, 2017, 09:06:33 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Kasoobax?

Started by Jaamac2020Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4715
Last post August 31, 2016, 08:24:36 PM
by SomaliDoc