Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Waraabow iyo AIDS

(1/1)

Guuleed_11:
Maxay xirrir ah oo ay leeyihiin cudurka soomaalidu u taqaan waraabowga iyo HIV aIds-ku?

SomaliDoc:
Cudurka waraabowga ama isfiilitada sida dadka qaar u yaqaanaan waa cudur ka mid ah cudurrada lagu kala qaado galmada (STDs).

Xiriirka ka dhaxeeyo cudurkan iyo AIDS-ka waa in ay ka mid yihiin cudurrada lagu kala qaado galmada, waxaa intaa dheer in cudurka waraabowga ay dhib noqon karto in si sahlan looga helo loogana baaro qofka qaba cudurka AIDs-ka khaas ahaan hadii waraabowga uu yahay midka maskaxda galo oo neerfaha wax gaarsiiyo (neurosyphilis).

Warbixin intaa dheer oo ku saabsan cudurrada galmada la isku qaadsiiyo halkaan ka akhriso. http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=245.0

Qoraal looga hadlayo cudurka waraabowga dhawaan ayaan ku soo dari doonnaa webka ee la socod wanaagsan.
SomaliDoc

SomaliDoc:
Waa kan qoraalkii aan kaa ballan qaadnay ee ka faaideysi wacan
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1339.0.html
SomaliDoc

Navigation

[0] Message Index

Go to full version