Administration Panel > SD Support and Suggestions

help us to improve it more

<< < (2/3) > >>

Admin:
Hadii aan kaaga taabto wax yar sida la rabo in loo hormariyo webka:
Horta bogga hore articlada ku qoran waa kuwa hore oo dib u habeen ayey rabaan
Mida kale screen resolutionada qaarkood way isku dhex yaacinayaan bogga hore
In qeybta Group Studiga iyo problem discussionka hormarin ayey u bahanthay
Mida kale dadka forumka arka markii webka soo booqdaan way yaryihiin, tan kale dhalinyaradeena somaliyeed oo caafimaadka barto interest badan ma siiyaan netka unless inay ka aqristaan newska ma ogi.
Chatka oo dad badan ka cawdeen oo aan rabo inaan ku badalo parachat
iyo wax walba oo idinka aad is leedihiin badalaad ayey u baahanyihiin
Hada memberska qaar ayaa yiri boardska hala yareeyo tirada ayey ka bateen mark ra'yidiina soo wada gudbiya si aan webkeena aan u hormarsano uga dhiganane mid faaido u leh qofkii caafimaad ku lug leh iyo qof kaleba
Mahadsanidiin
Dr.Mahdi

IsseGole:
Waad salaamantihiin dhamaan.
Waxaan ka cudurdaaranayaa mashquul aan ku jiro baryahaan oo 20 bari ka dib aan ka soo firaaqoobi doono HRI.
Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay dadka postingka samaynaya tirada ay la egyihiin, waxaan aaminsanahay inuu forumku sare u kacay mudo yar gudeheed waana ku faraxsanahay sidaas. Waxaan u sheegayaa dr salwa in sidan kula yar ay aniga ila badantahay markii aan eego bilihii la soo dhaafay ee taqriiban la cidleeyay forumka. Haddana dad badan baa wax qoraya oo afkaar bannaa' ah samaynaya, marka waxaan rajaynayaa inay sidaas ku sii socoto.
Intaas ka dib; waan ku waafaqsanahay dr. mahdi in forumka iyo webkaba ay u baahanyihiin dayactir, in pageka hore siiba la baddalo kalarkiisa iyo waxa ku qoran oo si fiican uu garanayo dr mahdi uu ka dhigo, waxaa loo baahanyahay sidoo kale in chatka, case-studiga, medical boardska waxaasoo dhan interesting laga dhigo si dadku ay akhbaarta u illaawaan oo tan uga doortaan. Laakin taasi anaga dusheennay saarantahay ee aan u fakarno.
Khayr baan dhamaan idiin rajaynayaa.
Ciise Dheere.

Dr.Mohamed:
as wr wb dhamaantiin, Dr.ciise dheere  waad ku mahadsantahay taladaada, teeda kale in fikirka la isdhaafsado oo wax la iswaydaarsado horta waa wax loo baahan yahay.
hadii aan galo arinta ku saabsan post gareenta, run ahaatii aniga ahaan way ila yar yihiin,maxaa yeelay forumka ardayda jaamacadeena medicine ka wuxuu yahay mid very very active ah oo mooduucyo kala duwan ayaa la post gareeyaa daily,marka taasi waa hal jaamacad ,wiliba hal kuliyad,hadana ka sii ah hal level,wiliba kaladuwantahay,jinsiyadooda ,midabkooda,luqadooda iyo wiliba diintooda, hadaba waxaan islahaa forumkan oo ardayda soomaaliyeed ee caafimaadka barata dunida dacaladeeda,sideebuu noqon doonaa, mana dooneen inaan wax is barbar dhigo , balse waxaan rajaynayaa in forumkani uu saro u kaco waqtigiisana uu qaato, oo  sidaas iyo si ka wanaagsanba uu gaaro ,marka waxaan  leeyahay qof waliba haka qeyb qaato, kaalin wayna hakaga aado,halkana ay  noqoto meesha aan warbixinta ,cilmiga, ra yiga iyo taladaba aan isku waydaarsano, oo aan ku kala faa iidaysano, salam.

 

Dr.Salwa:
 thank you so much Dr.mohamed  maashaa allah,i didnt visit the forum for a days because my computer was infected by virus, i think i didnt miss alot, now i am here.
really you are doing well,so be active as you are now and  i liked your idea,you are already talk what i was thinking,so there is nothing i will say ,that is enough.
 anyway  we have to be together to improve this forum and this is our duty as Dr.ciise dheere said and you are right  there is activation but it is not too much,but i think in the future we will get more than we have now,so we have not to give up that is important .you are  great member who activited this forum for awhile, when you  get free we are waiting from you alot,so thanks for all of you,salam.


Admin:
How do you see the improvements done to the site especially, front page?!
waiting your comments about it
Regards
DoctorMahdi

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

[*] Previous page

Go to full version