Diseases and Conditions > Cudurrada Guud

Yirid (Gingivitis)

(1/2) > >>

SomaliDoc:


Waa maxay Yirid?
Yiridku waa infekshan ku dhaca ciridka, waxaana keeno keeno jeermis, Wuxuu yimaadaa marka huuro ay ku buuxsanto inta u dhexeysa ilkaha iyo cirridka. Huuradu "Plaque" waa lakab ilkahaaga ku dhega oo ka yimaada cuntada, jeermiska iyo dheecaanka. Waqti ka dib huurada waxaa ku tarmo jeermis cirridka ku dhaca.
 
Cirridku badanaa kuma dhaawacmo yiridka, laakiin daaweyn ayaa muhiim ah.
Yiridku wuxuu ku badan yahay dadka aan cadayan ama aan xarig isaga nadiifin ilkaha dhexdooda. Haddii aan la daaweynin, jeermisku mar kale ayuu imaanayaa waxaana laga yaabaa in uu keeno cudur cirrid oo daran ama ilkaha oo kaa dhaca.
 
Calaamadaha:
• Cirridka oo guduuta.
• Cirridka oo si fudud dhiig uga yimaado
• Cirridka oo wax bararsan u ekaada ama gadaal uga durka ilkaha.
• Neefta qofka oo urta

Yiridka haddii aan la daaweynin wuxuu keenaa in ilkaha ay soo daataan markii ciridka uu ka durqo.

Yaa halis ugu jiro yiridka?
Waxaa halis ugu jiro dadkaan hoos ku xusan:
• Dadka aana cadaysanin,
• Qofka aan caafimaadka ilkahiisa ku dadaalin,
• Tubaakada isticmaalo
• Dadka da'da ah.
• Dadka difaacooda liito oo qabo xanuunada sida Aydhiska ama Kansarka oo kale.
• Dadka isticmaalo daawooyinka ilkaha u daran
• Qofka qabo xanuunada jeermiska fangaska uu keeno.
• Dadka qabo af-qallaylka.
• Qofkii qabo nafaqo-darro ama fitamiinada ay ku yaryihiin
• Qofka daroogada isticmaalo.
• Qof dhaawac ka gaaray ciridka qalliin ama si kalaba.

Sidee loo daaweeyaa?
Takhtarkaaga ilkaha u tag haddii aad calaamadaha mid ka mid ah isku aragto.
Takhtarkaaga ilkuhu wuxuu nadiifin doonaa isla markaana ilkahaaga ka saari doonaa huurada.

Xanuunka ciridka kaa hayo nooca uu yahay iyo sida loo daaweyn karo ayuu kuu sheegi doonaa.

Daaweyntu waxay ku xiran tahay xanuunkaaga heerka uu gaarsiisan yahay haddii ay daawo ku filan tahay ama qalliin aad u baahan tahay intaba.

Sidee logoa hortagi karaa?
Si yiridka looga hortago, cadayo oo ilkaha dhexdooda dun isaga nadiifi ugu yaraan labo goor maalin kasta si huurada meesha uga saarto inta aysan ku kordhin.

Takhtarkaaga ilkaha u tag 6-dii bilood ee kastaba mar si ilkaha lagaaga hubiyo oo lagaaga nadiifiyo. 
Haddii aad su'aalo caafimaadka ku saabsan qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com

Salaado cali:
Thanks dhaqtar waxaan isku arkaay ilko xanuun markaan dhalay ka dib dhaqtar waan u tagay kaniini ayuu ii soo qoryay waxaba igama tarin
marka waxaa jira labao goos oo i balolsan marka ay i xanuunaan ilkah oo dhan way xanuunayaan gaar ahaan kuwa hoose hilbka ayey iga xanuunayaan waxayna badanaa ugu kacaan markaan basbaas cuno iyo wax kulul ama waxa qaboqw sida barfka iyo shaaha  ilahyga hoosana way durksanyihiin waxa modowna way leeyihin marka maxaan sabayaa ila taliya dhaqatr qayr allah ku siiyey

SomaliDoc:
Waxaa laga yaabaa in maadada kalsiyam-ka in jirkaaga in ay ku yartahay, badanaa hooyooyinka markay dhalaan oo naasnuujinta billaabaan ayay dareemaan, calaamadaha aad dareemayso, haddii daawada laguu soo qoray ay tahay kaalsiyam ha joojinin ee wad.
Midda kale haddii ilkaha bolol ku jiro, fadlan la xiriir takhtar ilkaha si lagaaga daaweeyo, iyaga laftirkooda way saamayn karaan ciridka.

Jikaatoos:
Asc salan kadib ilkaha oo kalar yeesha yiridku ma keeni karaa    thanks

SomaliDoc:
Kalarka aad sheegaysid waa noocee? ma suus ahaan madow ilkaha galo mise ilka digirka ama gaduudka ku samayso oo caadiga ah mise kalar kale ayaa ka wadaa? Dhinacee ilkaha kaga suubsan yihin ma jiridka hosoe mise dhexda mise qeybta kore?
Fadlan soo waadixi su'aashaada...
Qoraalkaan akhriso waa laga yaabaa in su'aashaada uu ka jawaabo, waa qoraal ku saabsan bololka, suuska iyo midabka ilkaha fuulo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,589.0.html

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version