Author Topic: Bixinta Beeryarada (Splenectomy)  (Read 24166 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Bixinta Beeryarada (Splenectomy)
« on: January 02, 2009, 10:03:20 PM »
Sblenektomi waa qalliin lagu bixiyo beeryarada. Takhtarka wuxuu u sameyn karayaa sblenektomi maxaayeelay beeryaradi ayaa waxyeellowday, ama cudur ku dhacay, ama waxa ku jira taran ama buro, ama maxaayeelay waa goob uu ka dhacayo burbur aad u daran ee unugyada dhiigga cas.

Dadka qaar baa ku dhasha berryaro la’aan ama beeryaradoodu ayan si habboon u shaqaynayn. Waxay lahaan doonaan isla dhibaatooyinka kuwa beeryarada laga saaray.

Maxay qabataa beeryaradu?
Beeryaradu waxay caawintaa difaaca jirka lid ku ah bakteeriyada cudurrada. Haddaadan lahayn beeryaro waad iska caabin karaysaa cudurrada badankooda, laakiin xaaladaha qaarkood ee cudur aad u daran ayaa u iman karo si dhaqsi ah. Halista cudur daran carruurta ayay uga sii sarreysaa dadka waaweyn, inkastoo halistu weli tahay mid yar.

Waxa ay tahay inaad sameyso
Hubi takhtarkaaga ama takhtarka ilkaha inuu ogyahay inaadan qabin beeryaro. Qaado warqad ama xiro jijin ama silsilad ku baraarujineyso dadka kale haddi xaalad degdegga dhacdo.

Waxa la helaa tallaalo ka caawini doona ka hortagga cudurrada:
● Pneumococcal (Pneumo) – kan waa in lagu celceliyaa shantii sanaba;
● Haemophilus influenzae nooca b (Hib) – wuxu keeni karaa dhiiga oo sumooba, qaarjeex iyo iyo nooc qoor-gooye ah;
● Mininjaytis C (MenC) – Tallaal mininjokokal dheeraada waxa loo baahan karayaa haddii aad uu safrayso wadammada dibadda qaar.

Waxaad u baahan tahay inaad la hadasho takhtar si uu u hubiyo tallaalkee, haddii aadba, u baahan tahay inaad qaadato haatan.
Qaadashada antibiyotiks maalin walba waxay kaloo horistaageysaa bilaabadka cudurrada.
Tan waa muhiim dhawrka sano ku xiga qalliinka iyo carruurta illaa iyo 16 jirka.

U sheeg takhtarkaaga haddii aad qaadan kari weysay antibiyootiks sabab kasto ha ahaate.
Waa in lagu siiyaa koorso antibiyotks oo aad guriga ku haysato waa intaasoo aad jirrato aragga takhtarkana dib-u-dhac ku yimaado.
Ula tasho takhtarkaaga si degdeg ah haddaad xanuunsato. Jirrooyinka badankoodu waxay ahaan doonaan kuwa sahlan waxana loola dhaqmi karaa sida caadiga. Mararka qaar xummad, dhuun xanuun, madax xanuun daran, calool xanuun ama baro waxay noqon karaan bilaw cudur aad u daran. Aqoonsi hore ee cudurka iyo daweyntiisu waa muhiim waxay noqon karaan naf badbaadiye.

Intaadan dibadda u safrin weydiiso talo takhtarkaaga.
Hubi in qaniinyada xayawaanka (siiba eyga) loo daaweeyo si degdeg ah laguna siiyo antibiyootiks khaas ah si looga hortago cudur. Haddii aad si caadi ah uga qaybqaadatid hawlo bannaanka ah sida meel bannaan ah tendho ka dhisasho, waxaad halis u ahaan kartaa cudur naadir ah oo lagu magacaabo Baybisiyoosis (babesiosis) oo ay gudbiso shilintu oo lagu qaldi karo kaneecada. Iyadoo la xirto dhar daboola meelaha bannaan, siiba saraawiil dhaadheer si loo dhawro lugaha waxay cawinaysaa ka-hortagga qaniinyada shilinta. Haddaad xanuunsato, u raadi talo takhtar si degdeg ah.

Haddii aad qabto wax su'aalo dheeraad ah, halkaan ka weydii
SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: