Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Hepatitis B iyo Hepatitis AG
Muhiim:
Asalaamu caleykum .
Waxaan hawada idin soo marinaa salaan aad u qiimo badan, salaan kadib waxaan codsanaa in la ii kala shafrxo faraqa u dhaxeeyo
hebatitis B iyo hebatitis ag , iyo midkasta sida looga hortagi karo ama la isaga daaweyn karo .
Fadlan jawaab ii soo dira ama webka ku so qora .
Muhiim
SomaliDoc:
Halkaan ka akhriso qoraallo ku saabsan Cagaarshowga B (Hepatitis B)
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=633.0
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1094.0
Hepatitis AG maxaa ula jeeddaa?
Muhiim:
Asc.
Walaal dhaqtar ayaa qoray iska baar dhiigaan marka laba nooc dhiig hepatitis waaye
Mahadanid
SomaliDoc:
Hepatitis AG ma ahan nooc ka mid ah cagaarshowgyada.
Cagaarshowga wuxuu u kala baxaa noocyadaan kala ah Hepatitis A, B, C, D, E, F iyo G
Waxaa dhici karo in aad ula jeedo Hepatitis B surface antigen oo loo soo gaabiyo (HBsAg) oo ah borotiin jirka laga helo markii qofku ku dhaco cagaarshowga B.
Waa baaritaan lagu ogaan karo in qofku uu qabo cagaarshowga B.
Waa baaritaanka ugu horreeyo oo sheegi karo in qofku qabo cagaarshowga B
Muhiim:
Asalaamu caleykum .
Walaal waa sida aad shegtay ayaan u maleynaa waayo HBsAg NOOCAAS ayaa posotive ah , waana iska qaaday waxa dhaqtarka uu yiri posotive, Waxa uuna dhaqtarka yiri waa in aad si joogto ah u timaadaa isbitaalka si loola socdo xaaladaada, Waxaana ahay xaas uur 8 bil leh .
Wax la ii soo qoray kaliya daawooyin vitamine ah kaliya.
Fadlan bal nooca HEPATITIS B , waxaan ka aqriyey webkaan , balse midkaan AG ayaan fahmi waayey,
Dr Ilaah ha kaa ajar siiyo waxii talo iyo tusaale ah adigaa kaa sugayaa ?
Wabilaahi towfiiq
Navigation
[0] Message Index
[#] Next page
Go to full version