Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?
(1/1)
Kamal:
waa maxay "Garguurato" ama uuryaal, waxaan ka ogahay inuu yahay cudur ku dhaca haweenka umusha ah,
balse maxaa ingiriis luga dhahaa is aan u sii fahmo ?
thnka Doctors !
SomaliDoc:
Uuryaalka waa muruq go' ku dhaca haweenka umusha taasoo ay ugu wacan tahay ilmagaleenka oo isku soo uruuraya foosha ka-dib si uu ugu soo noqdo sidiisii dabiiciga ahayd, waxaana afka qalaad lagu dhahaa "uterine involution" ama "uterine regression".
Hooyadu waxay dareentaa foosha kadib, waana xanuun siyaado ah, dib u gurashada minka ama aruurka minka waxay dan ugu jirtaa hooyada umushay, waxayna ka mid tahay naxariista rabbi, minka markuu isku soo shuuqayo, waxuu banaanka u soo saaraa wixii dheecaan gudihiisa ku jiray, wuxuu kaloo joojiyaa dhiigbaxa maadaama xididada afkoodu oodmayaan markuu isku soo aruuro.
Haddii ay hooyadu xanuunkaas dareemin oo ilmagaleenku aruurin, waxay hooyadu qatar ugu jirtaa dhiigbax, wuxuuna xanuunka sii darnaadaa markastoo horay u soo dhashay maadaama murqaha minka ay dabceen iyo markii aad mataano dhashay maadaama minka ama ilmo-galeenkaadu uu aad u fiday.
Ma ahan wax laga walwalo ee waa xanuun la sugo oo la fisho, dhakhtarka waxaa laga yaabaa inuu ku siiyo daawo xanuun baab'iso ah inta xanuunka uu kaa tagayo, haddii ilmaha aad hadda dhashay uu yahay kii kuugu horeeyey, waxaa dhici karta inaadan dareemin muruq-go’ yadaan.
Akhriso Calaamadaha Foosha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,494.0.html
Akhriso Heerarka Foosha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1702.0.html
Akhriso Daryeelka Umusha Ka dib: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,624.0.html
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha:
http://somalidoc.com
Navigation
[0] Message Index
Go to full version