Author Topic: Xaalada Dhaqaatiirta Mogadishu  (Read 4314 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Terror man

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 38
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • و من يتق الله يجعل له من امره يسرأ
    • MUSLIM DOCTORS
Xaalada Dhaqaatiirta Mogadishu
« on: May 24, 2009, 02:52:46 PM »
 dhaqaatiirta muqdishu waa sidee xaaladooda dhaqtarnimo"
waxaan doonayaa in aan idiin kaga waramo waxii aan kusoo arkay dhakhaatiirta joogta Magaalada muqdisho iyo sida ay ula dhaqmaan dad ka bukaankaa

Dad ka reer muqdisho dhinac kasta waa ay kadhiban yihiin waxa ay kadhiban yihiin dhinacii Amaanka waayo amaan kii faraha ayuu kabaxay oo ciidan aan tababarnayn baa dalkii jooga oo dadka dhaca dilana

dhinacii waxbarashada hadaan eeg no magaalada muqdisho wax barasho wa taal oo mid heersaraa laakiin ragii aqoon yahanada ahaa waxa ay kufakareen sida ay lacag kuheli lahaayeen taas darteed waxabarashadii waxa ay kadhigteen lacag doolar ah oo ay san jirin qof bixin kara mar kala gareebo dad ka hantida leh.

Akhristayaal hadaan usoo laanabto ciwaan ka  oo kusaab san dhakhaatiirta magaalada muqdisho guud ahaan magalada muqdisho waxaa kuyaalo is bitaalo farabadan waxaana jooga dhakhaatiir aqoon sare leh isbitaalada magaalada muqdisho kuyaalana waxaa kamid

Isbitaalka Madiina
Isbitaalka Carafaat
Isbitaalka Kenyasanay
Isbitaalka Banir
Isbitaalka Xayaat
isbitaalka dayniile
Akhristayaal isbitaaladaas aan soo sheegay namaan tood waxaa loo wada furtay in lagu furto oo lagu dhacao Dad ka somaaliyeed is bitaalkastana waxaa jooga Rag dhakhaatiira oo usoo shaqo tagay in ay dad ka masaakiintaa ee magaalada muqdisho kunool ay dhcaan waliba si dad ban udhacaan.

hadii qof ka bukaan kaa lageeyo isbitaalada magaalada muqdisho kow mar ka lageeyo haduu xata a ladan yahay waxaa la leeyahay waad jiif sanaysaa ayadoo looga dan leeyahay lacagta laga helaayo intuu joogo is bitaalka Jiifka kadib maxaa dhacaaya.

mar ki jiifka laguu qoro kadib waxaa lagu leeyahay halkii habayn waa intaas oo doolar oo aadan awoodin waxaa kusii xigta faleembaha is bitaalka yaal waxaa lagu lee yahay waxa uu kaqaalisan yahay faleenbooyinka kale ee lagu gadaayo magaalada waxaa ar kaysaa faleenbo ama dhalo sharoobaa oo laga yaabo in ay dhacday ayaa waxaa laga a sii nayaa Doolar aadan awoodin,

Maxaa dhacaaya mar kaad dhahdid is bitaalka waan kabaxayaa? waxyaalo badan ayaa dhacaaya waxaa kamida in lagu soo dalaco lacag aad ubadan oo aad layaabto aadanan awoodin hadaan haysan maxay kugu samaynayaan dhakaatiirta ku nool muqdisho waxa ay kulee yihiin halkaaga noo joog dawada waa ay kaajaranayaan ilaa ad ka dhimatana wa ay kuhaysanayaan waa dhibaato aan laqain karin war dhakhaatiira xamar joogta dad kii laayeen  

.Dhakaatiir ta kunool Magaalada Muqdisho dad ka waa ay silciyeen oo waxa ay ula dhaqmaan si aan naxariis lahayn waxaa usii dheer in ay is bitaalada keen sadaan rag hubaysan oo ay leeyihin Waa ilaaladii is bitaalka Ragaas oo dad ka say rabaan kayeelaaya iridahana ufadhiya . Waxaad Isbitaaladada Privateka Ah Ku arkeysaa Dhaawaca Ayaa goo miiska Dushoodada Saaran lagu gurgurtamayo Taasi Ruuxa Dhaawaca ah haduusan Wax Dhaqaale Heysin suuroobesyaa In uu kuruuxbaxo Isla goobta Dhaqaatiirta Waxaa lawadaaga Dhibaatada Laguhaayo shacabka masaakiinta

Ganacsatada Keenta Daawooyinka Aygoo ladheel gareeya Dhaqaatiirta Sidawadaasi Lugusuq Galsho Ayadoo ayasan awoodin Shacabaka Dhaaqlo ay kuiibsadan Daawoyinka ay qoraan dhaqaatiirta Goobaha Qaarkood Waxaad ku arkeysaa Dhaqtarka daadwadada uukuqoro markaad tago goobaha lagu iibsho in aadan Halin daawadaasi oo lagu leeyahay Dr Hebel baad meeshisa Kaheleysaa Taasoo daliil, u ah in ay fiirsadaan Danahoodada aygoon fiirin dahanaha Shacabkoodada

Waxaad Arkeysaa Markuu Baarayo bukaanada inuu kusheego cuduro aanan heyn siadada Tp Malariyada sonkarowga Iwm Markaasi suu muusan isku badalin dhaqtarkii in uu kadhigo Howsha uu u haayo,shacabaka somaliyeed Mid NGO ah Waxaad arkeysaa Isameynayaan Arimo aadlayaabeyso Aygoo kuraadsanayo dhaqaalo ay jeebkoodada Gashataa siadada aygoo yiraahdo Cudurka AIDS-ka kusoo badanayaa Gudaha.

Gudaha somaliya Taasoo aad dareemi karto Danta laga leeyahay arintaasi waxaa iyadana xusid mudan shacabka markii ay u tagaan dhaqtar uu la kulmo baaritaanna ku sameeyo daawooyin usoo qoro in ay lasoo beefsadaan farmashiuu joogo ina aderkood ka dib waxaad farmashiyaha ka dhaco maad garan waxaa ka dhaco in uu qofkii bukaanka ahaa uu yiraahdo war hebalow daawooyinka la ii qoray ii sheeg bal ka dibna uu u sheego waxaa laga yaabaa in qofkaa farmashiistaha ah uusan aqoon durugsan  u lahayn howsha uu qabanayo intaa ka dib marka uu u sheego uu dhahayo war taniga reeb isaga ayaa iska soo qoray uune ee mid hebel iigu badal ama meeshii uu dhaqtarka ka soo qoray cirbad lagu badalo kaniini ama sharoobo waxaa taa kasii daran in qof uu inta iska tago farmashiye uu dhaho war daawo hebal i sii asagoon wax fasax ama rajeeto warqad dhaqtar soo qoray wadan  dadka muqdisho oo isku wada badalay dhaqaatiir iyo dhaqaatiirtii oo isku badalay caloshood u shaqeestayaal  ugu danbayn waxad u rajaynayaa somaliya in ay gartan danahooda  و السلأم عليكم و ر حمة الله و بر كا ته                                 editing by: terror man                    


فليحد ر الد ين ن يخالفون عن امره ان تصيبهم فتنة او يصيبهم عداب اليم


 

Health Officer, Mogadishu, Somalia (UNICEF SOMALIA)

Started by AdminBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 0
Views: 20224
Last post February 02, 2013, 09:52:53 AM
by Admin
SOYDA: Massive New IDPs in Mogadishu and SOYDA Quick`Response

Started by AdminBoard Humanitarian Aid Organizations

Replies: 0
Views: 17154
Last post July 05, 2011, 06:51:43 PM
by Admin
Child-survival campaign reaches families displaced by conflict in Mogadishu

Started by Terror manBoard Topics in Healthcare

Replies: 0
Views: 5487
Last post June 10, 2009, 02:21:08 PM
by Terror man
Emergency Food Security and Distribution Project Manager - Mogadishu, Somalia

Started by AdminBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 0
Views: 6946
Last post August 06, 2011, 05:42:47 PM
by Admin
WASH Program Manager South-Mogadishu-National (Save the Children)

Started by AdminBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 0
Views: 7097
Last post March 30, 2013, 11:19:06 PM
by Admin