Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Galmada Uurqaadka?

(1/4) > >>

Ifraax:
Asc su aasheeda waxaa waye sidee oogu fican oo la iskugu galmooda marka ad dooneeso in ad uurqado

Dr.Sharbele:
 Waa Mahadsantahay Ifraax, Horta ma jirto qaab ama si gaar ah oo markii laysu galmoodo uur imaanayo,balse waxa jira waqtiyo ama xilliyo ay  kordheyso in markii laysu tago uur yimaado.

Waxaase ka horreysa inay jirto marka hore wada-tashi ku aadan labada is qaba, inkastoo soomalida raggooda ama odayaashii hore ay rumeysnaayeen in markii islaantu dhiiga-caadada ka meyrato ay diyaar tahay inay uur qaadayso, laakin taasi waa fikir qaldan, waayo wax ugxan ahi ma sameysman xilligaas.

Caadada markay dhamaato hal asbuuc ka dib, maalinka 7aad, ukuntu way joogtaa, waxana macquul ah waqtigaa inuu uur yimaado, sidoo kale maalinka 14aad oo ay ukuntu kala bar ku dhowdahay, ugu danbeytiina Maalmaha ka danbeeya 20-ka, weliba 25-ka, intaasi wixii ka danbeeya ugunta way soo baxdaa. ka dibna waxa yimaada, dhiiga loo yaqaan (Xeydka).

Ifraax:
Asc wr wb. Waad mahad santahay Dr Sharbele sida aad wax igu faleysay waan fahmay.
Su asha kale oo aan qabo waxaa waye dr markii la isku galmood ka dib oo aan sariirta sii sarnado ilaa sacad camal sida ey shahwada u garto labada dhun o ku dhagan minka. Lakin sacad kabacdi markii aan is dhaho wey gartay shahwadii oo sideeda ah ayaaba bananka u soo baxee mana garanayo wax u sabab ah taas ma iga jahli bixin kartaa hadii ad awoodo mahad sanid asc

SomaliDoc:
Taasi wax dhib ah malahan, waxa la rabo in ay hawl qabtaan oo meel gaaraanne maahan qoyaanka aad dareemeyso ee waa wax isha aysan arki karin laguna magacaabo "Xaw" (Sperm).

Waana wax iska caadi ah uurkane inuu dhaco iyo inuusan dhicin kuma xirna.

Ashwaaq:
asc/ doctor "waxaa jira kaniini eey isticmaalan raga kaniinigas oo ah mid weyneya ama balariya xubinta  taranka eeraga marka kaniinigaas magaciisa yaan rabaa adigo mahadsan maxayeelay waxan  rabaa in aan ka ilaaliyo kaniinigaas kaas oo keenikara qatar xaga minka ah

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version