Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Galmada Uurqaadka?
SomaliDoc:
Kaniiniga Sildenafil ama loo yaqaano "Viagra" waxaa daawo ahaan loogu isticmaalaa hawlgabka kacsiga laakin maahan daawo xubinta balaarisa oo minka dhib u keeni karta wuxuu xubinta ragga ku saacidaa in qulqulka dhiigga uu joogteeyo kaliya.
Jamaal:
Asalaamu caleeykum
anigoo halkaaan wakhtiga ka faa iidaysanaya
su,aasheeda waxa weeye Viagra muxuu yahay maxaa kamid ah faa idooyinkiis
ma wakhtiga buu badiyaaa Xiliga galmada
hadii aan is ticmaalo ama aan badsado isticmaalkiisa dhibaato inteee buu leeyahay
fadalan iga jaa hil bixiya dhakhaatiirooooooow
SomaliDoc:
Viagra waa kaniini dabciya murqaha, sare u qaadane qulqulka dhiigga ee xubinta ragga.
Viagra waxaa lagu daaweeyaa kacsi laáanta (Erectile dysfunction)
Viagra waxaa kalooo lagu daaweeyaa xaalado kale.
Talo:
Ha qaadan viagra haddii aad qabto wadna xanuun ama aad qaadato daawada loo yaqaanno "Nitrates".
Wuxuu kuu keeni karaa faalij, dhiig-kar ama wadnaha oo istaago.
Weligaa hal mar ka badan maalintii ha qaadan daawadaan.
Viagra wuxuu kaloo lumin karaa aragtida madaama uu socodka dhiigga ee indhaha uu yareeyo.
Viagra wuxuu u daran yahay dadka qaba kaadi macaanka, kolestaroolkooda sarreeyo, ama dhiig kar qabo.
Inta aadan qaadan viagra kala tasho takhtar ama u sheeg dhibaatooyinka aad qabto oo dhici karto in uu halis ku tahay daawadaan.
Waxa aad u sheegeysid dhakhtarka waxaa ka mid ah:
-Dhiigkar
-Sonkorow
-Hawlgab wadne
-Xanuun beer
-Xanuun kelli
-Dhibaato dhiigbax
-Gaastiriko
-Indho caad
-Dhibaato xagga galmada
Haddii aad qaadatid daawadaan xilliga galmada waxaa dhici karto in aad dareento wareer, lalabo, xanuun, kabuubyo ama xatxato feeraha iyo gacmaha ah, jooji daawada dhakhtarne u waco ama isbitaalka aad.
Haddii aad isku aragto guux dhegaha ah, wadno garaac, madax xanuun, xasuus lumis, suuxdin, jooji daawada isticmaalkeeda.
Haddii aad qabto suáalo dheeraad ah soo weydii
SomaliDoc
Jamaal:
asc
waad mahadsantahay dr laakiin su,asheda wali maadan safiiican oga jawaabin
hadii aan ku celiyo su,aasheeda waa labo su,aal
kiniiga veegrah ma xubinka taranka ninka buu wakh tiga kordhiyaaa??
mideeda labaad ..hadii aan isticmaalo habeenka uhoreeya aan aqal galoyo ... si aan oga raadiyo firfircooni iyo ciyaar kulu habeenkaas baan is ticmaalay iyo habeenkii ku kuxigay /
wax dhib ma iii keeni karaa halkaas habeeen .. dhibkase ma dhib ween baa mise waa dhib yar????
waad mahadsantihiiiin
SomaliDoc:
--- Quote from: Jamaal on September 04, 2009, 12:32:02 AM ---asc
waad mahadsantahay dr laakiin su,asheda wali maadan safiiican oga jawaabin
hadii aan ku celiyo su,aasheeda waa labo su,aal
kiniiga veegrah ma xubinka taranka ninka buu wakh tiga kordhiyaaa??
mideeda labaad ..hadii aan isticmaalo habeenka uhoreeya aan aqal galoyo ... si aan oga raadiyo firfircooni iyo ciyaar kulu habeenkaas baan is ticmaalay iyo habeenkii ku kuxigay /
wax dhib ma iii keeni karaa halkaas habeeen .. dhibkase ma dhib ween baa mise waa dhib yar????
waad mahadsantihiiiin
--- End quote ---
Waan kaaga jawaabay suáasha 1-aad;
Viagra waa kaniini dabciya murqaha, sare u qaadane qulqulka dhiigga ee xubinta ragga sidaa darteed ayuuna u dheereeyaa waqtiga galmada.
Suáasha 2-aad:
Lama sheegi karo in dhib uu kuu keenayo iyo in kale, laakiin haddii aad isku aragto calaamadaha aan kuu sheegay dhib ayuu kuu keenay.
Mahadsanid
SomaliDoc
Navigation
[0] Message Index
[#] Next page
[*] Previous page
Go to full version