Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

MAXAA SABABA VITAMIN D YARAADA

(1/1)

Raaliyo:
SALAMU CALAYKUM;

WALAALAYAAL WAXAAN RABAA INAAD IGA JAWABTAAN SU'ASHAAN OO AH VITAMIIN D HADUU DHAMAADO MA KEENAA MURQO XANUUN IYO LAFO XANUUN WAXAAN ISKU ARKAY MUDDO SADEX SANO MURQO XANUUN XAD DHAAF AH MARKII SI KASTA LA II BADHAY DHAQTARKAYGA WUXUU CADEEYEY IN UU IGA DHACAY VITAMIIN D WUXUU II SHEEGAY INAN HAYSTO 4 KALIYA MEESHII LAGA RABAY 10 ILAA 20 MARKAA WALALAYALOOW WAXAY II QOREEN KINIINI LA MUUR MUURSADO XABAD HABEENKII IYO MAALINTII LAKIIN CILADA I HAYSTA SIDA AY TAHAY UMA CUNO DAAWADA WAX DHIBAATO MA IIGA IMAAN KARTAA VITAMIIN D MARKA UU YARAADO  WALALAYAAL MA II MACNAYN KARTAAN VITAMIN D MACNIHIISA IYO WAXA UU JIRKA U QABTO IYO WALIBA CUNTOOYINKA LAGA HELO MUXUUSE U KEENI KARAA JIRKA DHIBAATO HADUU KA YARAADO...-   :-\

SomaliDoc:
http://www.youtube.com/v/emjCzaHtSrg&rel=0Fitamiin D wuxuu dawr muhiim ah ka ciyaaraa xifdinta iyo isku heynta xunaha jirka, wuxuu kaloo kontorolaa heerka kaalsiyamka ee dhiigga wuxuu kaloo sare u qaadaa difaaca jirka iyo shaqooyin kale oo muhiim u ah biniaadamka.
Fitamiin D oo yaraado wuxuu keenaa dhowr cudur oo ay ka mid yihiin: Gedef (Rickets), Lafo-Jileec (Osteomalacia) iyo Lafo-beel (Osteoporosis).
Gedefka wuxuu ku dhacaa caruurta waxaadne halkaan ka akhrisataa qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1729.0.html
Cudurka lafo-jileeca ayaa u badan dadka waaweyn waxaana calaamadihiisa ka mid ah:
Xanuunka korka oo dhan, murqo xanuun iyo lafo jileec, wuxuuna ka dhashaa cudurkaan fitamiinka D oo ku yaraado jirka, cunno xumi ama qorax la'aan awgeed.
Cudurkaan waxaa lagu daaweeyaa iyadoo la qaato Fitamiinka maqan taasina waxaa xadidayo dhakhtarka la socdo xaaladaada.
Cunnooyinka laga helo fitamiin "D"-ga waa:
1- Caano
2- Kalluunka noocihiisa kala duwan
3- Beerka
4- Jaallaha ukunta
5- Farmaajada
6- Siiriyaalka
SomaliDoc

Navigation

[0] Message Index

Go to full version