Diseases and Conditions > Cudurrada Haweenka

Xanuunka caadaada (Dysmenorrhoea)

(1/3) > >>

SomaliDoc:

Horudhac
Waxay dumarka intooda badan la kulmaan nooc xanuun caado inta ay noloshooda jirto. Erayga caafimaad ahaan loogu isticmaalo waa dysmenorrhoea. Xanuunka uu keeno caadaada dhiigga waxaa laga dareemi karaa qaybta hoose ee calooshaada, laakin waxuu u faafi karaa dhabarkaaga iyo cajiradaada.
Xanuunka caadada waa xaalad iska dhaco. Waxaa daraasaadka la sameeyay qaarkood sheegayaan in ku dhowaad 75% dumarka dhallinta yar iyo 25-50% dumarka qaan-gaarka ah ay la kulmaan xanuun iyo raaxo la’aan inta ay ka qabaan caadada. Ilaa iyo 20% ee dumar ah, xanuunkaan aad ayuu u qabtaa isaga oo ka joojinaayo inay qabsadaan waxqabadyo maalimeedkooda. Xaaladaha badankood xanuunka caadada waxay tahay wax-yeelaynta xun ee ka timaadda hab-socodka dabiiciga ah ee caadada. Si kastaba ha noqotee, mar-marka qaarkood, waxuu xanuunka caadada noqon karaa natiijada ka soo baxdo xaalad caafimaad ee gaar ah.
Waxaa xanuunka caadada lagu daawayn karaa guriga. Hase-yeeshee, haddii xanuunka caadadaada u aad u daran yahay, waxaa u baahan doonaa inaad u tagto dhakhtar.

Calaamadaha
Calaamadda ugu wayn e xanuunka caadada waa murqo xanuun ku dhaca calooshaada hoose. Mar-mar, waxuu xanuunka kuu qabanayaa si xoog leh, waqtiyo kalena waxuu ahaan karaa xanuun fudud, laakin joogsi la’aan ah. Waxuu xanuunka caadada mar-mar u faafaa dhabarkaaga iyo cajiradaada. Waxaad kale oo ogaan kartaa in xanuunka ku qabto uu ku kala duwanaado caado walbo. Ayadoo dheeraad u ah xanuunka calooshaada hoose, waxaa kale kugu dhici karo calaamado kale, sida madax xanuun, labbo-labbo, daalid, war-wareerid, iyo shuban. Waxuu caadi ahaan xanuunka caadaada bilaabanayaa markii uu dhiigga bilaabanaayo, inkasto oo ay dumarka qaarkood xittaa ay la kulmi karaan xanuun dhoowr maalin ka hor intuusan bilaaban caadada. Waxuu xanuunka caadada socon doonaa 12-24 saacadood, inkasto oo xaaladaha xun ku hayn karo dhoowr maalin. Xanuunka wuxuu badanaa ugu xun yahay markii dhiig-baxaada caadada ugu badan yahay.
Xanuunka caadada waxuu caadi ahaan ku fiicnaanayaa markii aad sii waynaato. Dumar badan waxay sidoo kale dareemaan fiicnaansho ka dib markii ay carruur dhalaan.

Sababaha
Xanuunka caadaada badanaa waa wax-yeelaynta xun ee hab-socodka dabiiciga ah caadada dhiigga jirkaaga. Waxuu xanuunka caadada dhacaa markii derbiga muruqeed ee ilmo-galeenka is-qabsado (adkaado). Inta ay jirtoo caadadaada, derbiga ilmo galenkaaga wuxuu isku qabanaaya si culus, sidii uu je-jebiyo dhiigga saaran derbiga kana dhigo caadadaada bil walba kugu dhaca. Waxuu hab-socodkaan keeni karaa inuu jirkaaga sii daayo kiimikada keenayso xanuunka. Inta aad ku jirtid caadada dhiigga, waxuu kale uu jirkaaga soo saarayaa koox kale oo kiimiko ah, ee loo yaqaano prostaglandins. Waxuu kiimikadaan ku dhiiri-gelinaayaa murqaha ilmo galeenka inay si aad ah isku qabsadaan, iyaga oo kordhinaayo heerka xanuunka. Waxaa jiraan labo nooc oo waa-wayn ee xanuunka caadaada. Dysmenorrhoea’da koowaad waa wax-yeelayn xun ee caadi ah ee ka timaaddo caadada. Waxaa dysmenorrhoea’da labaad sababo xaalad gaar ah. Qaar ka mid ah xaaladaha keeni karaan dysmenorrhoea-da labaad waxaa ka mid ah endometriosis (waa markii unugyada ilmo galeenka ay bilaabayaan inay ku koraan ilmo galeenka dibeddiisa), fibroids (burada aan xumayn ee ku dhaco ilmo galeenka) iyo cudurka bararka miskaha (waa bukasho ku dhaco xubnaha dhalidda ee gudaha). Qalabka uurka looga hortago ee minka la dhex dhigo wuxuu xittaa mar-mar keeni karaa xanuunka caadada.

Baaritaanka cudurka
Waxay dumar aad u badan ee la kulmaan xanuun caado fudud oo lagu daaweeyn karo guriga. Hase-yeeshee, waa inaad kala xiriirtaa dhakhtarkaaga waxii talosiin ah haddii caadadaada kuu keenayaan xanuun aad u daran. Inkasto badanaa xaaladaha xanuunka caadada uusan sababin xaalad gaar ah, waxuu dhakhtarkaaga dareemi karaa inay tahay laga maarmaan in la sameeyo baaris jireed si loo ogaado haddii ay jiraan xaalado kale ee xanuunka keeni karo. Haddii xanuunkaaga caadada uusan wax jawaab ah ka bixinaynin daawaynta, ama haddii uu dhakhtarka u malaynaayo inay keentay xaalad gaar ah, waxaa laguu gudbin karaa dhakhtarka dumarka. Waxuu samayn doonaa dhoowr baaris iyo habab-socod si loo ogaado sababta keentay xanuunkaaaga caadada.
Waxaa baaritaanada ku jiri karaan pelvic ultrasound (oo ah baaritaan computer sidii loo soo saaro muuqaalka xubnaha dhalidda ee gudaha ku jiro) ama laparoscopy (oo la gelinaayo microscope yar meel laga jeexay caloosha hoose). Waxaa kale oo uu baahan kartaa hysteroscopy (oo ah sawir qaade yar ee la marsiinaayo cawradaada lana gaarsiinaayo ilmo galeenkaaga).

Daawaynta
Waxaa xanuunka caadada caadi ahaan lagu daawayn karaa guriga. Inkastoo suurto gal ah inaadan awoodin inaad iska wada joojisid xanuunka, waxaa jiraan tillaabooyin kaa caawini karo in la qafiifiyo, ama in la dhimo. Jimicsiga, in la qandiciyo calooshaada hoose, ama in la samaysto qubays qandacan, waxay kaa caawini karaan in la dhimo xanuunka. Farsamooyinka daliigidda iyo nasashada xittaa way kaa caawini karaan. Xaaladaha xanuunka caadada badankooda, waxuu dhakhtarka kuugu la talinayaa inaad qaadatid daawada lagu magacaabo non-steroidal anti-inflammatory drug (NSAID), sida ibuprofen. NSAID waxuu wax u qabtaa qiyaas ahaan ilaa 70% ee dumarka qabo xanuunka caadada dhiigga. Haddii uu NSAIDs wax kuu tari wayo, waxaa lagu qori karaa xanuun-joojiye ka xoog badan. NSAID ma ku habbbono dadka qabo neef, kuwa qabo xanuunka gaaska, killiyaha ama beerka, ama dumarka uurka leh, ama naas-nuujinaayo. Waa inaan la siinin carruurta ka yar 16 sano Asbiriin. Haddii aad u baahato daawada looga hortago dhalmada, waxaa laguu qori karaa kaniiniyada isku dhafan ee laga qaato afka loogana hortegaayo dhalmada. Noocaan kaniini wuxuu dheeraad ugu yahay ka hortagga uurka, inuu xittaa yarayo xanuunka caadada. Haddii xanuunkaaga caadada u keenayo xaalad gaar ah, daawayntaada waxay ku xirnaan doontaa xaaladda keentay xanuunkaaga.
Qoraallo Xiriir la leh:

* Caado Wareerka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2145.0
* Caadada Xowliga u socoto: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4157.0
* Naaso Xanuunka Xilliga Caadada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6513.0
* Isbadallada Niyadda Xilliga Caadada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6345.0
* Lug Xanuunka Xilliga Caadada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6427.0Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com

Ifraax:
maxaa sababay marka ey caadaada soo socoto in ey naasah bararaan oo ey xanuun markii la tabto??

SomaliDoc:
Waxaa loo yaqaanaa "Cyclical Mastalgia" waa xanuunka naasaha xilliga xeylka.
Haweenka badanaa waxay dareemaan naaso barar iyo xanuun danqasho wata xilliga ay caadada, waxaana keena isku-dheellitirnaan la'aan xagga hormoonnada ah.

Waxaa jira laba hormoon oo lagu kala magacaabo Estrogen iyo Progesterone.
Haddii heerka Estrogen-ka uu ka yaraado heerka Progesterone-ka wuxuu keenaa naaso barar kadibna bararka wuxuu keenaa xanuun.
Kullamaa bararka naasaha uu bato kullamaa xanuunka uu siyaado.

waxaa xanuunkaan lagu yarayn karaa cunidda cunno nafaqeysan oo isku-dheellitiran iyo jimicsi.
Mahadsanid
SomaliDoc

Hamdan:
Dr. Waad ku mahad san tahay dhinacan, ku saabsan caadada dumarka, laakiin waxaan kuu sheegayaa in aan arkay xaaladan markaan la mida tan imika halkan aad ku soo sharaxday oo ah caadada dumarka ee keena naaso bararka ama xanuun damqasho ee naasaha xiliga caadada, in kastood sharaxday dhinaca naasaha barara, ayaa waxaanad sharxin dhinaca naasaha damqashada leh oo ah tan aan dareemo marka imika markaa Dr. waxaan kaa codsanayaa inaad ii sharxdo.

Runtii Wax yaalo badana waan ka faaíiday qoraalkan.

Thanks & Regards.

SomaliDoc:
Naaso bararka iyo xanuunka waa wax isku xiran oo xanuunka wuxuu ka dhalayaa in unugyada naaska bararay in bararka dartii la xanuunsadaan.

Hadii xubin ku hurto ama caabuqdo barar iyo xanuun waa astaamo aan kala harin.

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version