Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Siigeysashada iyo Caafimaadka?!
SomaliDoc:
In siigeysigu uu keeno madhalaysnimo weli lama sheegin, qofka hadduu ku walfo wuxuu u baahanyahay inuu qaato goáan adag oo sida qofka iskaga gooyo sigaar cabidda oo kale.
TALO: Haddii aad tahay nin nalinyaro ah oo aan xaas laheyn guurso.
Dr.Barkhadle:
Fadlan walaal si wacan bal iiga soo qanciya su,aalahan ? Tusaale ahaan qofka waxan oo kale sameeya
Siigaysigu Maxaa xal u ah ?
SIdeese layskaga dayn karaa xaas la,aan ?
Mustaqbalka Caafimadkiisa waxyeelo inteese leeg bay ugaysata
SomaliDoc:
Walaal waxaan filayaa in sáashaada laga jawaabay.
Akhri qoraalka kore.
Mahadsanid
Salaadyare:
asc dhamaan walasha somaliyed salan kabacdi drka qeyr alaha siye waxa uu shegay sigeysiga ay keento waxyaaba badan oo caafimad daro ah waxa kamid ahaa indhaha oo arag xumada ama caad yeesho marka caadkaas side buu qofka usameyn karaa qofka aragiisana wax ma udhibaa mana labaabi inkaraa caadkaas maadaaba ay sababtay siigada sida qoralka ku cad qofkuna miyuu u baahanyahay classes ama oo kiyaale?
waana mahadsantihin dhaman walalaha qaas ahan drka asc.
SomaliDoc:
Caadka ama humaaga indhaha fuula siigada awgeed wuxuu daciifin karaa aragga.
Inkastoo weli la isku waafaqsanayn qaabka siigadu indhaha u waxyeeleyso laakiin waa laga hortagi karaa dhibaatadaan iyadoo laga fogaado caadadaan lana cuno cunno nafaqeysan.
Haddii qofku uu ka cabanayo dhibaatada aragga noocaan oo kale ah waa inuu la xiriiraa dhakhtar ku taqasusay indhaha si loo baaro wixii daawo ama ookiyaalo ahna loogu qoro.
Navigation
[0] Message Index
[#] Next page
[*] Previous page
Go to full version