Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

(1/1)

Ahmed_Indhayare:
Assalamu calaykum..

Dhamaan waxad idinku salaamaya salaanta islaamka ee kor ku xusan.

RAMADAN KARIIM.

Aad ayaad u mahadsan tihiin Dhaman Dhakhaatiirta ku jirta Forum-kan.

waxan doonaya in la iga Jaahil saaro Cudurka la yidhaahdo "BURSEELKA" Se Medical ahaan Magaca lagu yidhaahdo.
hadii uu yahay Cudur jira Qaab uu ku yimaado iyo sida loo dawayn karo?

ALLA AYAA MAHAD ISKA LEH

Dr.Sharbele:
Brucellosis waxa kale oo loo yaqaan macaga:Undulant iyo magacaGibraltar fever.
 Waxa sababa cudurkaan jeermis loo yaqaan (Brucella Abortus) waxana jeermiskaan laga helaa ama ay ku dhacdaa xayawaanka sida, Lo'da, Doofaarka, Ariga, Eyada, sidoo kale waxa la ogaaday inuu ku dhaco, Deero duureerka, Fardaha iwm.

SIDEE UGU GUDBAA DADKA
 
Cudurkaan wuxu aad ugu badan yahay Miyiga, gaar ahan dadka xoolaha dhaqda ama ka agdhow, iyo sidoo kale dadka hilibka cuna, iyo kuwa xanaaneeya ama daaweeya sida Baydariga, waxana cudurkaan lagu qiimeeyaa inuu yahay caalami,

CALAAMADAHA LAGU GARTO

waxa ugu muhiimsan Xummad ama qandho
Shuban ama Diarrhea
Luqun xanuun, qoor xanuun

Ka hortag.

 in la daaweeyo ama la cirib tiro xayawaanka jeermiskaan laga helo
 Nadaafadda shaqsiga oo aad loo ilaaliyo
 Caanaha iyo hilibka xoolaha si fiican loo kariyo

Daaweyn

waxa lagu daaweyn karaa AntiBiotics, noocyada ku haboon waxa dooranaya dhakhtarka,
F.g. cudurkani wuxu aad ugu badan yahay Caruurta.

SomaliDoc:
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan buruseelka
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2233.0.html

Navigation

[0] Message Index

Go to full version