Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Suáal: Dhicis ama Dhabar furan?
(1/1)
Abukar:
asalaamu calykum warax matulaahi ww
walaal mudo badan ayaaan ku arkay xaskayga dhicis ama (dhabar furan waxaa loo yaqaan }
Dr.Sharbele:
Dhicis (Abortion) waa xaalad ku dhacda lixda bilood ee ugu horreeya qofta xaamilka ah, dhicintu way noocyo badantahay, sida dhicis dhameystiran, mid an dhameystirneyn, iwm, sidoo kale waxa kala duwan asbaabta keenta dhicinta waxana ka mid ah:
-Daawooyinka qaarkood waxay sababi karaan dhicin degdega
-shil ama nabar toos ugu dhaca uurku jirka
-Cudurada qaarkood, sida sonkorowga, iwm
Hadaba si loo ogaado cillada waxa loo baahanyahay baaritan dheeri ah, iyo dhicinta iyo haduu yahay midsoo noqnoqday, Ultrasound, ama baaritaan gacanta hadba kii lagu ogaado.
Daaweeyn.
Daaweyntu waxay noqoneysa hadba nooca uu yahay, haduu uurku jirku dhaqdhaqaaq laga waayo ama uusan nooleyn waa lasoo xaaqayaa, sidoo kale waxa la joojinayaa dhiigga.
F.g hadii aad calaamadaha dhicinta dareentid si dhakhso leh ula xiriir dhakhtar caafimad oo ku shaqo leh Obs-ka, si uusan khatar u gelin xaamilada iyo ilmaheeduba.
SomaliDoc:
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan dhicinta
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1083.0
Navigation
[0] Message Index
Go to full version