Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Awood Darro?

(1/1)

Nuur12:
 waad salaamantihiin  bahda  bogan waxaan rabaa in aad ii sheegtaan marka aan kadaloobsado iyo marka aan culayska qaado isku sibaa noqonayaa waan dareemayaa in aan socon kari waayo waxaan nqonayaa sidii wax cagaha dhiigii ka xidhmay  wadnuhuna waa i xanuunayaa awoodona waa iga tegay  xanuuna ma qabo caafimaadkayguna waa fuul

SomaliDoc:
Faahfaahin dheerad ah naga sii xaaladaada,
Goormee kugu bilaabatay xaaladaan? dhakhtar ma u tagtay? wax calaamado kale aad leedahay sdia caajis badan, fadhiga oo si sahlan uga kici karin, hadlidda badan oo ku dhibta iyo calaamado kale haddi ay jiraan?

Nuur12:
 waad salaamantahay  waanaad  ku mahadsantahay   dr e waxkale malihi laakiin waxaan leeyahay marka aan kadaloobsado aniga oo bilaa kursi ah ayaan daree mayaa xanuun badan ee aan ku raago ayaa waxaan noqonayaa sidii qof in ta hoose ee bawdyaha ka hoosaysa  aan dhiig ba ku jirin waana modo yar 20days  xanuun kale na ma jiro dhaqtara lama xidhiidhin jawaab

SomaliDoc:
Xanuun aad dareemayso markaa kadaloobsato ama kadaloobsiga aad ka soo kici weyso adigoo cuskan meel waa calaamad lagu garto tabardarrida murqaha simaha iyo bowdada, waxaa calaamadaas loo yaqaanaa caafimaad ahaan "Gowers' sign".

Waxay calaamadaan tilmaamaysaa in qofku uu tabardarro murqahaas ay ku timid iyadoo ay keenaan cudurro kala duwan oo murqaha saameeya, sidaa awgeed waa in aad dhakhtar u tagtaa si baartaan murqaha laguugu sameeyo cudurkaagane loo ogaado.

Mahadsanid

F.G: Waa maxay murqo-xanuun?
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1436.0.html

Navigation

[0] Message Index

Go to full version