Diseases and Conditions > Cudurrada Maskaxda

Cudurka Laleemada (Parkinson Disease)

(1/1)

SomaliDoc:


Cudurka laleemada keeno wuxuu ku dhacaa qayb ka mid ah maskaxda oo koontaroosha dhaq-dhaqaaqa muruqaha. Ma jirto wax daawo looga bogsado oo loo hayo cudurkaan aan ka ahayn daawo lagu kontaroolo jaraynta jirka, laakiin badanaa si tartiib ah ayuu u kordhaa isla markaana calaamadaha waa loo taag heli karaa.

Calaamadaha
4-ta calaamadood ee ugu badan ee Cudurkaan waxay kala yihiin:
• Gariirid ama lulasho gacmaha u badan
• Murqaha oo giigsama
• Dhaq-dhaqaaqa oo yaraada
• Dhibaato dhinaca isu dheellitiranka iyo dhaqaaqidda
Markay calaamadahaan sii xumaadaanba, waxaa laga yaabaa in ay dhibaato kaa qabsato socoshada, hadlidda, ama sameynta hawlaha fudud sida qubeysashada ama lebisashada.

Maxaa keeno laleemada?
Waxa ugu badan ee keeno waa duqnimada, maadaama xanuunkaan uu ku badan yahay dadka d'da ah taasoo keenayso in qeybaha maskaxda kontoroolo dhaqdhaqaaqa jirka in ay howsha yareeyaan.
Waxaa kaloo keeni karo hadduu qofka dhaawac ka gaaray qeybahaas ama qofku isticmaalay daawooyin ama maandooriyayaal ama sun keeni karto in ay dhaawac gaarsiiyo qeybaha laga kontoroolo dhaqdhaqaaqa jirka.

Sidee loo baaraa xanuunkaan?
Waxaa xanuunkaan lagu baaraa qalab scan ah oo loo yaqaan 'MRI' iyadoo lagu fiirinayo meelaha maskaxda ay cilladu ka jirto oo lagu garto xanuunkaan.
Waa laga yaabaa in dhakhtarka uu kuu diro baaritaano kale si loo kala ogaado xanuunkaaga noocyadiisa kala duwan.

Sidee loo daaweeyaa?
Marka ay calaamaduhu kuu keenaan dhibaato, dhakhtarkaagu waxaa laga yaabaa in uu ku faro daawo ama masaajeyn jirka lagaa siiyo si gacan looga geysto in aad calaamadaha wax uga qabato. Markay calaamaduhu ka sii daraanba, qalliin ayaa laga yaabaa inuu noqdo waxa la dooranayo si gariirka loo yareeyo.

Waxyaabaha aad Sameyn Karto si aad wax uga Qabato laleemada:
• Si tartiib ah u soco adigoo is toosinaya lugahana kala fogeynaya.
• Isticmaal birta shilkaha ee lagu socdo "4-prong cane" ama gaariga la cuskado ee lagu socdo hadii loo baahdo.
• Haddii aad meel ku dhegto ama ka dhaqaaqi weydo, si tartiib ah dhinac isaga soo riix oo dhinaca kale isu riix ama iska yeel sidii adigoo shay sagxadda yaalla ka tallaabsanaya.
• Falliiqyo sharooto ah dhig dhulka si ay kuugu hagaan gurigaaga. Katiifadaha iyo alaabta guriga ka qaad meesha aad ku soconeysid.
• Si tartiib ah uga kac kursiga ama sariirta si aad uga fogaatid war wareer ama in dhulku kula wareego.
Akhriso xanuunka Faalijga ama Stroke-ga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3552.0.html
Haddii ay jiraan suáalo ku saabsan qoraalkaan iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
SomaliDoc

Nimco Hassan Ahmed:
Good

Navigation

[0] Message Index

Go to full version