Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal ayaan idin waydiiyey walaalo
(1/1)
Wadaniyada:
asc walaalo
walaalw axaan raba inaan idin waydiiyo
inan walaakay ah isagoo dhoor iyo toban jira ayoo qaad iyo sigara bilaabay wuu soo jeedaa habeen kii inta badan malaintii un buu seexdaa
hada ayaamahan wuxuu keenay inuu yidhaa waa lay xamanayaa waa lay daba joogaa guriga inaku xigaa layga hadal hayey dad nala darisaa wxa iga sheegayey waa lay daba socdaa waa nooc waali ah oo kale walaal maxaad qofka saasa u malaynaysaan ama aad nagula talin lahydeen
jawaab baan idinka sugayaa
Dr.Sharbele:
wc.wr
salaan sare, HAALA,
su'aashaada wan akhriyay, waxanna filayaa walal inuu ka cabanayo (Hallusation) ama Halwasah, wax loo yaqaan, waana cudur ka mida, kuwa loo yaqaan, Psychatric, ama kuwa nafsaaniga.
Waa cudur sahlan, inta badan dhalinta ku dhaca, haba u badnaadeen raggu,waxan kale oo muhima inay jiraan calaamado kale, ama dabeecado cusub oo uusan lahaan jireen wlaalkeen, hadey jiraan, inaa wax inooga sheegto.
Sidoo kale, da'da uu jiro, inuu xaas ama reer leeyahay, iyo inay markii ugu horreeysay ee ad ku aragtaa, amase aad hadda ka hor dhaqtar u tagay, ama uu daawo isticmaalo, intaa inooga soo waran.
Mahadsanid.
Dr. Ahmed Sharbele
Wadaniyada:
walaal waa markii ugu hreesay een ku aragno xaaldan
wali muusan guursan waa 22 jir
xalay xataa intuu seexaday 30 minute markuu hurday buu kacay oo yiri meeshani wayna dhibtay oo suuqiisa iska qabtay wax dawo ahna mana siin
uun calamadihiisu waa qaylda hows kaa waa laydaba joogaa waxba i xamanyadaa uu cararyo markuu intaa ku yidhaa
walaal siwacan iigu soo faah fahi jawaabta
Wadaniyada:
walaal waxaad kaloo ii soo sheegtaa
talo ahaan qof aan ogayalyn sida balwada looga joojin karo waayo muu ogala in uu joojiyo
bal talooyin iga soo siiya
iyo dhakhaatiir cilmi nafsi ah kuwo fiican oo jooga nairobi ma ii soo tilmaami kartaan madama uu joogo nairobi si aan u gayno
waad mahadsantihiin
waa walaashiin oo rabta jawaabtiina
SomaliDoc:
Maxaad ka taqaanaa Schizophrenia?
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=935.0
Navigation
[0] Message Index
Go to full version