Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Maxaa keeno shakiga badan iyo waswaaska?

(1/1)

Aadaar:
 ::) walaalayaal waxaan ini waydiiyay  su aal ah  maxaa keeno shakiga  badan iyo waswaaska


jawaab wacan

SomaliDoc:
Shakiga badan iyo waswaaska waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa Obsessive Compulsive Disorder tan oo lagu macneeyo Ciladda Qofka Maskaxda Uga Taagan Oo sidoo kale loo yaqaan: OCD
Ciladda qofka maskaxda uga taagan (OCD) waa nooc ka mid ah wallaaca.
Haddii aad qabto OCD, oo aad qabtid, fakar soo noqnoqda oo murugo leh ee loo yaqaan walwal taagan.
Waxaad si soo noq-noqota isku daydaa isla wixii si aad isugu daydo in uu fakarka ku daayo. Tallaabooyinka soo noq-noqda waxaa loo yaqaan kuwo aad ku khasban tahay.
Tusaale ahaan fakarka kugu taagan waxaa uu noqon karaa cabsi aad ka qabto jeermiska ama cabsi aad ka qabto in lagu xanuujiyo.
Waxyaabaha aad ku khasban tahay in aad sameyso ayaa waxaa ka mid ah gacmahaaga oo aad si joogto ah u dhaqdo, in aad wax tiriso, alaabta oo aad iska eegto ama nadiifiso.
Haddii aan la daaweyn, OCD waxay la wareegi kartaa qaab nololeedkaaga.
Dadka wax darsa waxay ku fakaraan in dadka qaba OCD aysan maskaxdooda si fiican u shaqeynin.
Badanaa reerka ayaa isu gudbiya. Caadi ahaan waxay calaamaduhu billawdaan carruurnimada ama xilliga qaangaarka.
Caadi ahaan waxaa waxtar leh daawooyinka iyo nidaamka daaweynta ee isku jira.
SomaliDoc

Navigation

[0] Message Index

Go to full version