Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Maxaa keena isha baarkeeda hoose in uu boodboodo ?

(1/1)

Saiid6666:
walaalayaa waad salaamantihiin
salaan ka dib waxaan rabaa inaad qeexid dhamaystiran iga siisaan waxa ay tahay isha baarkeeda
oo boodbooda maxaa keena maxaa lagu daweeya
salaamucalaykum

SomaliDoc:
Blepharospasm waa isha baarkeeda oo dubaaxisa, waxayna ka dhalataa isha murqaheeda oo si lama filaan ah u kogta.
Dubaaxinta isha baarkeeda waa wax iska caadi ah hadii waqti yar oo kala fogfog uu qofku dareemo wax dhibaato caafimaadeedne kama dhalato laakiin haddii ay joogto noqoto waxay calaamad u noqon kartaa dhibaato xagga neefaha ee maskaxda.

Badanaa dadka cabanayo wax dhibaato xagga aragga ah uma keento dubaaxintaan laakiin waxay dhibsadaan jarayntaan qofka  uusan kontorooli karin.
Dubaaxinta fudud waxay ka dhalan kartaa markii aad iftiin siyaado ah aad muddo indhaha ku haysid ama markuu qofka walwalsanyahayba.
Hadii aad is leedahay dubaaxinta ishaada waxay noqotay mid joogto ah ama carqaladaynaysa noloshaada waa inaad u tagtaa dhakhtar ku taqasusay indhaha si aad u hesho daryeel buuxa.

Mahadsanid

Navigation

[0] Message Index

Go to full version