Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Xanuun labada garab dhexdooda?
(1/1)
Aadaar:
walaalo waxaan ini waydiiyay su aal ah waxaan isku arkay labada garab dhexdooda xanuun ah gaaaaaaaaaska iyo xanuunkaan waxa isku lee yihiin
SomaliDoc:
Xanuun labada garab dhexdooda ah waxaa keeni kara jug ama murqo xanuun.
Wuxuu kaloo calaamad u noqon karaa cudurro meel kale ku dhaca sida: wadna qabad soo socda, xanuun xamiito, kaanakaro beer iyo gaasba.
Gaaska haduu saameeyo jidiinka ama hunguirga madow waxaa xanuunka laga dareemi karaa dhabarka meesha ku aadan labadaga garab dhexdooda, maadaama xubintaan ay ku aadantahay qeebta gadaale ee dhabarka.
Laabjeexa badan wuxuu keenaa in dhaawac uu gaarsiiyo jidiinka kadibne ay ku samaysanto nabar mar waliba ku xanuuna markaad laabjeexdo oo aashitada calooshaada ka timid ay danqiso boogta, kadibne xanuunkii u gudbo xagga dhabarka oo aad ka dareento.
La xiriir dhakhtarkaaga si laguu baaro.
Mahadsanid
Navigation
[0] Message Index
Go to full version