Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Jilib Xanuun?

(1/3) > >>

Raaliyo:
Asalamu calaykum;

dhamaan waan idin salamayaa walaalahayga soomaliyeed oo sida hagar laanta ah u caawiya walalaaha jiran bacad salaan doctor somali aad baan kugu mahad celinayaa aniga ahaan raaliyo madama aan dhowr suaal ku weydiiyey oo si wanaagsan iga jawaabtay ilaheey xasanaad fara badan ha kaa siiyo maanta suashayda waxa weeye mudo 11 casho baa jilib bidixda i xanuunya ma laabi karo mana fidin karo dhaqatarka baan u tagay x=rey waxay igu shegin arthritis yar oo joinka inana qabo wax kale qabin lakiin dhibka jira lugtii xanuun saaid ah bana dareemayaa waxayna ka bilabatay jarajar bana ka soo degayey markaa waxaan dareemay sidii in wax  xarig oo kale i kala go'ay jilibkayga  waan isaga socday ila aan sariirta  fuulay oo kaar iyo xanuun ana joogi kari la'ahay daawo kasta oo kaar jibin waa la isiiyey waxba ma iga tarayso xanunka meeshii uun buu taagan yahay waxaan sugayaa MRI scanwaxay leeyihiin waxaa damge noqday maybe (sprin meniscus tear ) markaa bal ii macneeya dhib ma ii gaysan karaa mustaqbalka maxaase daawo loo qataa



                                                  waad mahadsan tihiin

SomaliDoc:
Meniscus tear waa dillaac ku dhaca carjawda jilibka, waana dhaawaca ugu badan markuu qofka jilibka shil ka gaaro.
Carjawda Meniscus waxay ku saacidaa jilibka in si miisaaman uu shaqeeyo, culeeskane ka yareyso.
Dillaaca carjawda waxay jilibka u diidaa in si toosan uu u shaqeeyo.

Badanaa dillaaca wuxuu dhashaa markii jilibka si lama filaan uu wiliqsamo ama culees xad dhaaf ah aad qaadid.
Kulamaa qofka weynaado wuxuu halis ugu jiraa in carjawda jilibka ay dillaacdo.

Hadduu dillaaca uu yahay mid yar waxaad daremeysaa xanuun iyo barar kaasoo iska baaba'o 2 isbuuc illaa 3.
Hadduu dillaaca dhexdhexaad uu yahay xanuunka wuxuu darnaadaa maalinta 2-aad ama 3-aad wuxuuna xanuunka yaraadaa 1 ilaa 2 usbuuc kadib laakiin wuu soo laalaabta haddii dillaaca aan la saxin, qofkane wuxu dareemaa xanuun aad moodo in wax jilibka lagu muday, dhaqdhaqaaqane wuu xadidmaa.
Hadduu dilaaca daranyahay meesha kama dhaqaaqi kartid jilibkane wuu takaateesmaa xanuun badanne wuu keenaa.

Dillaaca miniskaska waxaa lagu arki karaa baaritaanka MRI sida dhakhaatiirtaba ay kuu sheegtay daaweyntaadane waxay ku xirantahay sida uu dilaacay ama u jeexmay miniskaska iyo da'daada.

Hadduu dillaaca uu yahay mid yar uu qofku ka bogsoonaan karo waxaa lagula taliyaa inuu nasto, lugtane bandaajo lagu xiro iyo jimicsi fudud.
Haddii kalane waxaa lagu sameeyaa qalliin lagu saxo dillaaca.

Mustaqbalka jilibkaaga wuxuu ku xiranyahay dhaawaca gaaray iyo daaweynta aad heshay.
SomaliDoc

Libaan:
Salaan kadib isla su'aashaa mid soo shabahda baa maamo ku dhacday
marka  maamada markeey soconeeyso ruuga xanuun beey ka dareemeysaa
sidii in eey wax mudahayaan
adiga baritaan kadib dhakhtarka waxuu dhahay ruuga dhecanki baa ka dhamaday
oo daawooyin buu u soo  qoray.

marka ma Noo faah faahin kartaa ruuga dhecanki baaka dhamada adigoo mahadsan?

SomaliDoc:
Kalagoysyada waxaa eebe ku dhex shubay dheecaan loo yaqaano synovial fluid kaasoo u dhiganta oolyada biraha baabuurta.
Dheecaankaan wuxuu kala ilaaliyaa isxoqidda lafaha iyo inuu ka yareeyo cdaadiska jirka u usaarayo kalabaxaas.
Haddii dheecanka uu ka dhamaado kalagoyska waxaa jiraya xanuun iyo dhawaaq kalagoyska markii la dhaqajiyo.

Libaan:
Marka hore ilaa baa mahad iska leh
Tan xigta SomaliDoc aad baad ugu Mahadsantahiin sida haboon aad noogu soo jawabteen.

Hadii aad si koobon kugu sheego Mamada sida loo hayo
marki ugu horeysay lugta mid baa laga qabtay siiba jilibka kalagoyska.
oo waxey dhahday lugta weey i xanuuneysa oo wax baa saas igu yaacaya oo aad xidid moodo
Sidoo kale markeey soconeyso Jiriq jiriq beey dareemeysaa
Marka hada labada lugoodba xanuunka wuu ka hayaa

dhaqtarka waxuu dhahay sadex bilood baad daawo qaadaneysaa
dawooyinku u soo qoray waxaa ka mid ah

1.orthoglobe
2.Fastum gel
3.Gastrodomina

mamada gasna weey qabta marka Gastrodomina gaas ahaan buu ugu soo qoray baan u maleynaya

marka waxaan kaa codsan lahaa adigoo mahadsan daawada orthoglobe wax dhib ah ma u keeni kartaa sida bones,liver  ama unugyada kale ee jirka
sidoo kale dhakhtarka uma uusan u soo qorin knee bandage in eey gashato
ka waran hadii eey inteey soo gadato knee bandage ma wax dhib ah buu ku keenayaa

We look forward receiving your reply as soon as possible.
Best Regards

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version