Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Qof dhasha laga xiray ma uuraysan karaa hadii loo baahdo?
(1/1)
Raaliyo:
A/S waan idin salamaay dhamaan asxaabta ama bahweynta somali doctor waxaan rabaa in wax la iiga sheego hadiii qofka dumarka la xiro lagu sameeyo STRALISEDhaday u baahto ciyaal ma dhali kartaa mise ma uraysan kartaa waxaan rabaa walalaheey soomaliyeed inay iga siiyaan wax tafatiil ah arintaas,
SomaliDoc:
Haddii aad ka wado xerista tubooyinka oo loo yaqaano "Tubal Ligation" waa dhowr nooc oo kala ah:
Mid qeyb laga xiro: Partial ligation
Mid qabato loo isticmaalo: Clips
Mid faraati silikoon lagu xiro: Silicone rings
Mid la isku shiilo: Electrocoagulation
Dadka badanaa isticmaalo noocaan ka hortagga uurka waa dad ugu talagalay in dib dambo aysan uur u qaadin laakiin dib ayaa loo hagaajiyaa tubooyinka iyadoo lagu sameeyo qalliin loo yaqaano: Tubal reversal.
Taasoo u ogolaan karo in haweenta ay uur qaado.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version