Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Meeqa ayaa laga rabaa hormoonka naagaha ee HCG?

(1/1)

Anfac:
asalama caleeykum doctoor waxaan ku weydinayaa meeqa ayaa laga rabaa hormuunka naagaha uuka leh     ee loo yaqaan h/cg maxaase keeno karo in uu kor u kaco waad mahad santahay

SomaliDoc:
Hormoonka Human Chorionic Gonadotropin (HCG) waxaa la soo saaraa xilliga uurka.
Waxaa laga sameeyaa unugyada ibida, taasoo quudisa ugxanta la bacrimiyay.
HCG waxaa kaadida laga helaa ugu horreyn maalinta 11-aad ee uurka uu dhaco.
3-dii maalinba wuu laba jibaarmaa heerka hormoonka HCG.

Hadduu heerka HCG uu ka badanyahay 25mIU/ml waxaa la dhihi karaa uur wuu jiraa, hadduu ka yaryahayne 5mIU/ml uur ma jiro.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version