Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Qof afar jeer la qalay ilmo kale a dhali karaa?

(1/1)

Raaliyo:
A/S dhamaan bahda somali doctor walalayaal waxaan rabaa inan idin weydiiyo suashayda oo ah hadii qof lagu soo qalay afar ciyaal ma dhali kartaa ilmo kale imisa jeerbaase la ogol yahay qaliinka madama afar jeer oo hore lagu soo qalay waxaan rabaa wixii tafatiir bal inaad naga siiso  dhaqtar.
                                  

                                                                   thankx


SomaliDoc:
Hooyadu waa lagu qali karaa caruur badan haddii ay dooneyso laakiin waxa takhaatiirta ay kula taliyaan hooyada in ugu badnaan 3 ama 4 qaliin ay u tahay mid nabdoon lakiin wixii ka badan ay halis caafimaad ku ahaan karto iyada iyo dhallaankeedaba.

Sidaa awgeed waxaa lagula taliyaa hooyada la qalay in dhalmada ay kala fogeyso oo 2 sano ugu yaraan u dhaxeysiiso 4 qalliin ugu badnaane aysan samayn, laakiin haddii ay hooyadu uur qaaddo 4 qalliin kadib waa lagu qalayaa.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version