Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal ilmogaleenka ku saabsan?

(1/1)

Maxamed1969:
dhaqtarka waxan weeydiinayaa hadii qof 4 jeer lagu qalay ilmo  markii 4 dhaqtarka yiri ilmo galeenkaada waa qafiifay ,mar 5 ma qaadi karaa uur qofkaas?

SomaliDoc:
walaal takhtarka raaca maxaayeelay ooyadu waa lagu qali karaa caruur badan haddii ay dooneyso laakiin waxa takhaatiirta ay kula taliyaan hooyada in ugu badnaan 3 ama 4 qaliin ay u tahay mid nabdoon lakiin wixii ka badan ay halis caafimaad ku ahaan karto iyada iyo dhallaankeedaba.

Sidaa awgeed waxaa lagula taliyaa hooyada la qalay in dhalmada ay kala fogeyso oo 2 sano ugu yaraan u dhaxeysiiso 4 qalliin ugu badnaane aysan samayn, laakiin haddii ay hooyadu uur qaaddo 4 qalliin kadib waa lagu qalayaa.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version