Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: balanse socodka oo sax aheen
Fooxle:
--- Quote from: Fooxle on October 26, 2010, 09:19:12 PM ---
--- Quote from: SomaliDoc on October 26, 2010, 08:06:40 PM ---Walaal cudurka lagugu sheegay muxuu ahaa?
Caloosha dhinacee lagaa qabtay?
Dheecaanka ma mid lagaa soo jiiday mise mid iskiis u soo baxay?
Daawada lagu siiyay maxay aheed magaceeda?
--- End quote ---
Walal cudurka waxa lagu sheegay TB ama Qaaxo
Dhanka bidixda dhanka xudunta
Dheecaanka waa leyga soo jiiday
Daawada Rifampicine 150 marna 300 mg oo capsul, kaniiniyadana kala ah
ISONIAZIDE PCH 200MG Tablet iyo
PYRIDOXINE HCL PCH 200MG Tablet
walal intaa aayan qaatay wixi su'al ahna waa iso weydiin kartaa
wabilaahi towfiiq
--- End quote ---
Asc
waxaan aad idinkaga mahadnaqayaa taloyinkiin iyo jawaab celintiina waana qaatay talloyinkiina waxanan la xariiray dhaqtarkeyga wuxuuna ii diray Radiologie MRI madama balansiga uu ku jiro dhagaha MRI ma ku lee dahaya shaqo sida aad mase laga ogaan karaa cilada jirto, waxan dhagaha ka dareemayaa mid ka mid ah maqalka in uu ku yar yahay mida kale madax xanuun aan la soo kaco subaxdii sida walbo aan early u seexdo mida kale marka aan socdo waxan shanqar ka maqla dhagta bidix hoosteeda sida bal wixii aqoon aad u lee dahay igaga soo jawaab
wabilaahi towfiiq
SomaliDoc:
MRI waa baaritaan loo diro bukaannada ka cabanayo warwareerka iyo diidista si loo ogaado inay jiraan cillado kale oo keeni ara dhibaatadaan.
MRI waa raajo casiryeysa oo lagu arki karo waxyaabo badan oo aysan sheegi karin raajada caadiga ah, waxaana laga yaabaa in takhtarkaagu uu fiirinayo in maskaxda wax dhibaato ah aysan ka jirin iyo duleelladaada wejigaaga oo loo yaqaanno "sinuses".
Fooxle:
--- Quote from: SomaliDoc on November 19, 2010, 11:07:19 AM ---MRI waa baaritaan loo diro bukaannada ka cabanayo warwareerka iyo diidista si loo ogaado inay jiraan cillado kale oo keeni ara dhibaatadaan.
MRI waa raajo casiryeysa oo lagu arki karo waxyaabo badan oo aysan sheegi karin raajada caadiga ah, waxaana laga yaabaa in takhtarkaagu uu fiirinayo in maskaxda wax dhibaato ah aysan ka jirin iyo duleelladaada wejigaaga oo loo yaqaanno "sinuses".
--- End quote ---
Asc walal aad ayaad u mahadsan tihin jawabta aad iga soo siisay lakiin isla wali waxan daba socdaa su alihi ku saabssanaa balansida waxan soo wada maray MRI jawaabtana waxa negetive lakiin wuxu dhaqtarka igu yiri wali jirkaada waxa ku jiro ayaan u maleyneynaa bacterida waliba waan kaga shakisanahay TB marka wali kuma qanacasni habka ay ii siinayaan sababtoo ah 2009 waxay igu dhaheen bacteriyada marka ay igu shegayeen TBda waxey igu dhaheen bacteriyadan wali ma fahansanid marka 2 sano ka dib ayey hada dhaheen waxa kugu jiro bacteriya waxey dhacan ka qaadee lafdhabarta iyo dhiig badan su asha ma waxa jiro bacteridasa maxey noqon kartaa
SomaliDoc:
Qaaxadu waa cudur halis ah lana daaweyn karo.
waxay ku dhici kartaa jirka meelo badan oo ka mid ah sida sanbabada, lafaha, maskaxda, beerka, kilyaha, indhaka iyo xitaa maqaarkaba.
Si lagu ogaado in qofku uu qabo cudurka TBda waxaa lagu sameeyaa baaritaanno kala duwan oo ay ka mid tahay mid candhuufta ah, mid dhiigga ah, mid dheecaanka lafaha, mid maqaarka iyo mid dheecaanka dhuuxdheeraha.
Waxaa kaloo la sameeyaa markii laga shakiyo baaritaannda in la beero dhiigga si loo fiiriyo in bacteeriyada keenta qaaxada ay kugu dambeyso iyo in kale.
Dheecaanka laga qaaday lafdhabartaada waxaa laga fiirinayaa in TBda ay gaartay maskaxda, maxaa yeelay waxyaabaha ay keento TB maskaxeedka waxaa ka mid ah in dhagaha ay beeliso qofka ama ay saameyso shaqada maskaxda.
Haddii aad joogtid meel lagu sameyn akro baaritaannadaas waxaan kugula talinayaa in baaritaannadaas aad sameyso wixii takhaatiirta ay kugula talinayaanne aad yeesho.
Waxaa laga yaabaa in takhtarkaagu uu waxyaabo kale uu kaa baarayo oo xiriir la yeelan karo dhibaatada aad ka cabanayso isagaana xaaladaada la socdo.
Mahadsanid.
Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah waad na soo weydiin kartaa.
Navigation
[0] Message Index
[*] Previous page
Go to full version