Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal ku saabsan dhegta?

(1/1)

Barkhat:
asalaamu calaykum walaalayaal,
walaal bacda salaan diktoorada waxaan waydiinayaa su'aal ku saabsan dhegta oo i guuxaysa

waxaan ahay wiil somaliyeed oo jooga dalka somalia waxaan ka cabanayaa arin igu cusub oo ah dhegta bidixda oo i guuxaysa oo aad moodid in roob igu da'ayo yacni sanqadha aan dhegtayda ka maqlayo ayaad moodaa in guriga aan ku jiro roob ku da'ayo,

walaal arintu waa mid igu cusub wax xanuun ah oo aan ka dareemayana malaha waan guuxaas oo keliya weliba guuxu waxa weeye mid aah moodid in roob igu da'ayo ee maaha guux nooc kale ah sida ka baabuurta oo kale.

hadaba walaalayaal waxaan idiinka baahanahay inaad iga caawisaan oo ii sheegtaan waxan igu cusub waxa ay yihiin iyo in la dawayn karo maxaase sababi kara idinka ayaa aqoon u leh oo aan idinka sugayaa in aad iigasoo jawaabtaan idinka oo i caawinaya.

waad mahadsantihiin

SomaliDoc:
Guuxa dhagta ama waxa loo yaqaanno "Tinnitus" waa cod la maqlo iyadoo aysan jirin wax dhawaaq dibadda dhegta ah.
Halkaan ka akhriso waxa Guuxa dhegta uu yahay iyo waxyaabaha keenaba.
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1839.0.html

Navigation

[0] Message Index

Go to full version