Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Xanuun xagga caloosha ama bogga ah?

(1/1)

Yabdi:
salaan ka dib waxaan qabaa  xanuun xagga caloosha ama bogga ah oo haddii aan cunto cuno waqti dambe oo aan seexdo waa  soo matagaa,waxaan isku dayay inaan daqaatiir la xiriiro waxaan tagay meelo badan sida talyaaniga jarmalka finlad  holan aan daganahay iyo waliba meelo kale walina xal ma aan helin  sida badan waxaan qabaa daaco badan oo markii aan daacdo waan roonayaa marka waxaa iigu daran soonki oo haddii aan afurayo wax yar ka badan ma cuni karo oo ma dharjin karo caloosha oo waxaan la kulmayaa daaco  ugu dambeeyna matag mahadsanidiin  jazaakumullaahi

SomaliDoc:
Waxay u badantahay waxa ku haayo Gaas.

Gaaska calaamadihiisa waxaa ka mid ah matag markii cunno aad cuntid, dibbiro, dharagga, bog hur, laabjeex iyo daaco badan.
halkaan ka akhriso waxa gaas uu yahay?
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=405.0

Navigation

[0] Message Index

Go to full version