Health Related Forums > Topics in Healthcare

Poem on FGM: I have a mark that can never be erased

(1/1)

Waxbaro!:
Bar Baa Igu Taala aan Weligeed Tirmayn
(I have (harbor) a mark that can never be erased)
By
Halima Cali Warsame, Garowe District
Toban anoon gaarin tabar weyna aan lahayn;
(Before I reached ten and was not so strong)
Tooray igu qalatay habar aan tacliin labarin;
(An old uneducated woman cut me with a knife)
Qodaxday igu taagtay hilibkay tiqtiqahayeen;
(Piercing me with thorns to tightly suture the flesh)
Tiftii Kaadida wadnaha tash layga yiri oo;
(My heart was pierced with the first drops of urine)
Bar baa igu taala aan weligeed tirmayn.
(I have a mark that can never be erased)
-//-
Markaan taaba qaaday oon taladiisa guur u kacay;
(When I grew up and prepared for marriage)
Salaanta utaagay toolmanahaan jeclaa;
(When I raised my hand to greet my handsome love)
Tacab qaadashiyo gurigii mar laysla tegay;
(When we collected our house hold goods and entered our home)
Taabashaddii horeba wadnaha tash layga yiri;
(My heart was pierced with the first touch)
Bar baa igu taala aan weligeed tirmayn.
(I have a mark that can never be erased)
-//-
Tiftii igu gorordhay tarantii Ilaah alkumay;
When God created a life out of the few drops that managed to get in)
Talalka cudurka tiiraanyadii walaca;
(When I suffered with the morning sickness)
Markay taarikhdii dhamatay ee fooshii timi;
(when the time finished and labor came)
Tooray looqaaday hilibkii marhore la tolay;
(A knife was taken for the already sutured flesh)
Tararacidd jiirka wadnaha tash layga yiri;
(My heart was pierced with the tearing skin)
Barbaa igu taala aan weligeed tirmayn
(I have a mark that can never be erased)
-//-
Towsda cudurkaasana iilkaan la tagahayaa; ee
(I will take its (FGM/FGC) consequences to the grave)
Taa nawada qaaday gabdhihiina uga tura.
(Save your girls from this that engulfed us all!)
Reported and Translated By: Dr Asha Mohamud

Galad:
salam,
aniga oo ah galad waxaan raba in aan ogaado % intee ayaa gudan gabdha soomaliyeed?
cilmibarista ayaa sameeyey? sanadkee ayaa la samayeey? yaa sameeyey (NGO)? mise soomali ayaa samaysay?

fadlan isoo dira xog uruurin waxaad haysaan.
cinwaankaygu waa:

mohamed@tele2.ch
mahadsanidin dhamaantiin.
sanad wacan 2011.

Waxbaro!:
% inta gabdhaha u gudan fircooniga waxay hay'adaha ku qiyaasaan inta u dhaxeysa 96 - 98%.
Baaritaannadaan waxaa sameeyay hay'ado caalami ah oo kala duwan sida WHO, USDOS, UNICEF, UNHCR iyo UNFPA.
Way jiraan dad soomaali ah oo leh local NGOs oo baaritaan ku sameeya Gudniinka Fircooniga.
Si warbixinta oo dhameestiran u heshid riix magaca hay'adaha kor ku xusan.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version