Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?
(1/1)
Gaadhhaye:
[SALAMU CALAYKUM
waxaan dhakhaatiirta is xilqantay weydiinayaa waxaa i xanuunaysa lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta waa seedaa dheer ee xaga danbe markaa laftaa i xanuunaysa,kubada cagtana waan ciyaaraa markaas miyay dhib igu keeni kartaa maxaase daweyn kara
waanay i barartaa markaan xoog u lugeeyo ama aan kubada ciyaaro.
SomaliDoc:
http://www.youtube.com/v/sn6a0X8oXhg&rel=0Xanuunkan waxaa loo yaqaanaa Calf Strain ama Calf Pain, waana xanuun u badan dadka orda ama jimicsada sida ciyaartoyda oo kale.
Xanuunka wuxuu bataa marka ugu horreyso oo aad ordayso kadibna waad la qabsanaysaa.
Muruqa lugta ee dambe ayaa xanuunka ka bilawdaa wuxuuna ka dhashaa dhaawac yar oo gaaray, taasoo keeneysa in xirgaha yaryar ee murqaha ka koobmaan qaar ka mid ah in ay jeexanyihiin taasoo keeneysa in qulqulka dhiiga uu wada gaari waayo muruqa kadibna ay kaduudato xanuunkane halkaa uu ka yimaado.
Waxaad u baahantahay in aad la xiriirto takhtar ku takhasusay cilmiga "Sports Medicine" si loo fiiriyo dhaawaca muruqa gaaray inta uu la egyahay kadibna laguu sameeyo jimicsi loo yaqaanno "Calf Stretching" kaasoo ugu yaraan 6 week la sameeyo.
Haddii lugta iyadoo ku xanuunayso aad ku ciyaartid in muddo ah waxaa halis ugu jirtaa in muruqa uu dillaaco ama jeexmo.
SomaliDoc
Navigation
[0] Message Index
Go to full version